1لامام المغنين. قصيدة لبني قورح. كما يشتاق الإيل الى جداول المياه هكذا تشتاق نفسي اليك يا الله.
1Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
2عطشت نفسي الى الله الى الاله الحي. متى اجيء واتراءى قدام الله.
2Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
3صارت لي دموعي خبزا نهارا وليلا اذ قيل لي كل يوم اين الهك.
3Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
4هذه اذكرها فاسكب نفسي عليّ. لاني كنت امرّ مع الجمّاع اتدرج معهم الى بيت الله بصوت ترنم وحمد جمهور معيّد.
4Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
5لماذا انت منحنية يا نفسي ولماذا تئنّين فيّ. ارتجي الله لاني بعد احمده لاجل خلاص وجهه
5Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
6يا الهي نفسي منحنية فيّ. لذلك اذكرك من ارض الاردن وجبال حرمون من جبل مصعر.
6Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay, Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun, Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
7غمر ينادي غمرا عند صوت ميازيبك. كل تياراتك ولججك طمت عليّ.
7Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
8بالنهار يوصي الرب رحمته وبالليل تسبيحه عندي صلاة لاله حياتي.
8Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa, Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa, Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
9اقول للّه صخرتي لماذا نسيتني. لماذا اذهب حزينا من مضايقة العدو.
9Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
10بسحق في عظامي عيّرني مضايقيّ بقولهم لي كل يوم اين الهك.
10Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
11لماذا انت منحنية يا نفسي ولماذا تئنين فيّ. ترجي الله لاني بعد احمده خلاص وجهي والهي
11Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.