1اقض لي يا الله وخاصم مخاصمتي مع امة غير راحمة ومن انسان غش وظلم نجني.
1Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
2لانك انت اله حصني. لماذا رفضتني. لماذا اتمشى حزينا من مضايقة العدو.
2Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
3ارسل نورك وحقك هما يهديانني وياتيان بي الى جبل قدسك والى مساكنك.
3Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen, Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.
4فآتي الى مذبح الله الى الله بهجة فرحي واحمدك بالعود يا الله الهي.
4Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah, Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn, Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
5لماذا انت منحنية يا نفسي ولماذا تئنين فيّ. ترجي الله لاني بعد احمده خلاص وجهي والهي
5Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.