1لامام المغنين. لبني قورح. قصيدة. اللهم بآذاننا قد سمعنا. آباؤنا اخبرونا بعمل عملته في ايامهم في ايام القدم.
1Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
2انت بيدك استأصلت الامم وغرستهم. حطمت شعوبا ومددتهم.
2Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay, Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
3لانه ليس بسيفهم امتلكوا الارض ولا ذراعهم خلصتهم لكن يمينك وذراعك ونور وجهك لانك رضيت عنهم
3Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda, Oo cududdooduna ma ay badbaadin, Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga, Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
4انت هو ملكي يا الله. فأمر بخلاص يعقوب.
4Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga, Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
5بك ننطح مضايقينا. باسمك ندوس القائمين علينا.
5Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
6لاني على قوسي لا اتكل وسيفي لا يخلصني.
6Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo, Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
7لانك انت خلصتنا من مضايقينا واخزيت مبغضينا.
7Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
8بالله نفتخر اليوم كله واسمك نحمد الى الدهر. سلاه
8Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah, Oo annana weligayo waxaannu ku mahad naqaynaa magacaaga. (Selaah)
9لكنك قد رفضتنا واخجلتنا ولا تخرج مع جنودنا.
9Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
10ترجعنا الى الوراء عن العدو ومبغضونا نهبوا لانفسهم.
10Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
11جعلتنا كالضأن اكلا. ذريتنا بين الامم.
11Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
12بعت شعبك بغير مال وما ربحت بثمنهم.
12Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa, Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
13تجعلنا عارا عند جيراننا. هزأة وسخرة للذين حولنا.
13Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay, Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
14تجعلنا مثلا بين الشعوب. لانغاض الراس بين الامم.
14Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi, Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
15اليوم كله خجلي امامي وخزي وجهي قد غطاني
15Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal, Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
16من صوت المعيّر والشاتم. من وجه عدو ومنتقم
16Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya, Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
17هذا كله جاء علينا وما نسيناك ولا خنّا في عهدك.
17Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
18لم يرتد قلبنا الى وراء ولا مالت خطواتنا عن طريقك
18Qalbigayagu dib uma noqon, Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
19حتى سحقتنا في مكان التنانين وغطيتنا بظل الموت.
19Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka, Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
20ان نسينا اسم الهنا او بسطنا ايدينا الى اله غريب
20Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga, Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
21أفلا يفحص الله عن هذا لانه هو يعرف خفيّات القلب.
21Ilaah miyaanu waxaas baadhayn? Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
22لاننا من اجلك نمات اليوم كله. قد حسبنا مثل غنم للذبح
22Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan, Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
23استيقظ. لماذا تتغافى يا رب. انتبه. لا ترفض الى الابد.
23Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
24لماذا تحجب وجهك وتنسى مذلتنا وضيقنا.
24Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
25لان انفسنا منحنية الى التراب. لصقت في الارض بطوننا.
25Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso, Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.
26قم عونا لنا وافدنا من اجل رحمتك
26Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso, Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.