1لامام المغنين على السوسن. لبني قورح. قصيدة. ترنيمة محبة. فاض قلبي بكلام صالح. متكلم انا بانشائي للملك. لساني قلم كاتب ماهر
1Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan, Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey, Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
2انت ابرع جمالا من بني البشر. انسكبت النعمة على شفتيك لذلك باركك الله الى الابد.
2Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga, Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco, Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
3تقلد سيفك على فخذك ايها الجبار جلالك وبهاءك.
3Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow, Oo quruxda iyo haybadda lahow.
4وبجلالك اقتحم. اركب. من اجل الحق والدعة والبر فتريك يمينك مخاوف.
4Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood, Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan, Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
5نبلك المسنونة في قلب اعداء الملك. شعوب تحتك يسقطون
5Fallaadhahaagu waa af badan yihiin, Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa, Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
6كرسيك يا الله الى دهر الدهور. قضيب استقامة قضيب ملكك.
6Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis, Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
7احببت البر وابغضت الاثم من اجل ذلك مسحك الله الهك بدهن الابتهاج اكثر من رفقائك.
7Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
8كل ثيابك مرّ وعود وسليخة. من قصور العاج سرّتك الاوتار.
8Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica. Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
9بنات ملوك بين حظياتك. جعلت الملكة عن يمينك بذهب اوفير
9Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada, Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
10اسمعي يا بنت وانظري واميلي اذنك وانسي شعبك وبيت ابيك
10Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig, Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
11فيشتهي الملك حسنك لانه هو سيدك فاسجدي له.
11Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12وبنت صور اغنى الشعوب تترضى وجهك بهدية
12Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda, Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13كلها مجد ابنة الملك في خدرها. منسوجة بذهب ملابسها.
13Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan, Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14بملابس مطرّزة تحضر الى الملك. في اثرها عذارى صاحباتها. مقدمات اليك
14Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15يحضرن بفرح وابتهاج. يدخلنّ الى قصر الملك.
15Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn, Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16عوض عن آبائك يكون بنوك تقيمهم رؤساء في كل الارض.
16Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada, Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto, Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.
17اذكر اسمك في كل دور فدور. من اجل ذلك تحمدك الشعوب الى الدهر والابد
17Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto, Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.