1لامام المغنين. لبني قورح. على الجواب. ترنيمة. الله لنا ملجأ وقوة. عونا في الضيقات وجد شديدا.
1Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
2لذلك لا نخشى ولو تزحزحت الارض ولو انقلبت الجبال الى قلب البحار
2Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,
3تعج وتجيش مياهها. تتزعزع الجبال بطموها. سلاه
3Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
4نهر سواقيه تفرح مدينة الله مقدس مساكن العلي.
4Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
5الله في وسطها فلن تتزعزع. يعينها الله عند اقبال الصبح.
5Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto, Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.
6عجّت الامم. تزعزعت الممالك. اعطى صوته ذابت الارض.
6Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
7رب الجنود معنا. ملجأنا اله يعقوب. سلاه
7Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
8هلموا انظروا اعمال الله كيف جعل خربا في الارض.
8Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga, Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
9مسكن الحروب الى اقصى الارض. يكسر القوس ويقطع الرمح. المركبات يحرقها بالنار.
9Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa, Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa, Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
10كفّوا واعلموا اني انا الله. اتعالى بين الامم اتعالى في الارض.
10Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
11رب الجنود معنا. ملجأنا اله يعقوب. سلاه
11Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)