الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

47

1لامام المغنين. لبني قورح. مزمور‎. ‎يا جميع الامم صفقوا بالايادي. اهتفوا لله بصوت الابتهاج‎.
1Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma, Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
2‎لان الرب علي. مخوف ملك كبير على كل الارض‎.
2Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
3‎يخضع الشعوب تحتنا والامم تحت اقدامنا‎.
3Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna, Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
4‎يختار لنا نصيبنا فخر يعقوب الذي احبه. سلاه
4Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa, Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
5صعد الله بهتاف الرب بصوت الصور‎.
5Ilaah qaylo buu la kacay, Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
6‎رنموا لله رنموا. رنموا لملكنا رنموا‎.
6Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
7‎لان الله ملك الارض كلها رنموا قصيدة‎.
7Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
8‎ملك الله على الامم. الله جلس على كرسي قدسه‎.
8Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha, Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan, Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah. Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.
9‎شرفاء الشعوب اجتمعوا. شعب اله ابراهيم. لان لله مجان الارض‎. ‎هو متعال جدا
9Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan, Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah. Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.