الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

48

1تسبيحة مزمور. لبني قورح‎. ‎عظيم هو الرب وحميد جدا في مدينة الهنا جبل قدسه‎.
1Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
2‎جميل الارتفاع فرح كل الارض جبل صهيون. فرح اقاصي الشمال مدينة الملك العظيم‎.
2Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
3‎الله في قصورها يعرف ملجأ
3Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
4لانه هوذا الملوك اجتمعوا. مضوا جميعا‎.
4Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
5‎لما رأوا بهتوا ارتاعوا فرّوا‎.
5Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
6‎اخذتهم الرعدة هناك. والمخاض كوالدة‎.
6Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
7‎بريح شرقية تكسر سفن ترشيش‎.
7Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.
8‎كما سمعنا هكذا رأينا في مدينة رب الجنود في مدينة الهنا. الله يثبّتها الى الابد. سلاه
8Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
9ذكرنا يا الله رحمتك في وسط هيكلك‎.
9Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10‎نظير اسمك يا الله تسبيحك الى اقاصي الارض. يمينك ملآنة برا‎.
10Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11‎يفرح جبل صهيون تبتهج بنات يهوذا من اجل احكامك
11Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12طوفوا بصهيون ودوروا حولها. عدوّا ابراجها‎.
12Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.
13‎ضعوا قلوبكم على متارسها. تأملوا قصورها لكي تحدثوا بها جيلا آخر‎.
13Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.
14‎لان الله هذا هو الهنا الى الدهر والابد. هو يهدينا حتى الى‏ الموت
14Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.