1لامام المغنين. لبني قورح. مزمور. اسمعوا هذا يا جميع الشعوب. اصغوا يا جميع سكان الدنيا
1Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla, Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,
2عال ودون اغنياء وفقراء سواء.
2Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
3فمي يتكلم بالحكم ولهج قلبي فهم.
3Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad, Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
4اميل اذني الى مثل واوضح بعود لغزي
4Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
5لماذا اخاف في ايام الشر عندما يحيط بي اثم متعقّبيّ.
5Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro, Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
6الذين يتكلون على ثروتهم وبكثرة غناهم يفتخرون.
6Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
7الاخ لن يفدي الانسان فداء ولا يعطي الله كفارة عنه.
7Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
8وكريمة هي فدية نفوسهم فغلقت الى الدهر.
8(Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba,)
9حتى يحيا الى الابد فلا يرى القبر.
9Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.
10بل يراه. الحكماء يموتون. كذلك الجاهل والبليد يهلكان ويتركان ثروتهما لآخرين.
10Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan, Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan, Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
11باطنهم ان بيوتهم الى الابد مساكنهم الى دور فدور. ينادون باسمائهم في الاراضي.
11Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan, Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan, Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.
12والانسان في كرامة لا يبيت. يشبه البهائم التي تباد.
12Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro, Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
13هذا طريقهم اعتمادهم وخلفاؤهم يرتضون باقوالهم. سلاه.
13Jidkoodanu waa kalsoonidooda nacasnimada ah, Laakiinse dadka iyaga ka dambeeya ayaa hadalkoodii u boga. (Selaah)
14مثل الغنم للهاوية يساقون. الموت يرعاهم ويسودهم المستقيمون. غداة وصورتهم تبلى. الهاوية مسكن لهم.
14Iyagu waxaa weeye adhi She'ool loo wado, Oo waxaa sida adhijir u ahaan doona dhimasho, Oo kuwa qumman ayaa iyaga subaxda u talin doona, Oo quruxdoodana waxaa baabbi'in doona She'ool, inaanay iyagu rug yeelan innaba.
15انما الله يفدي نفسي من يد الهاوية لانه يأخذني. سلاه
15Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She'ool, Waayo, wuu i aqbali doonaa. (Selaah)
16لا تخش اذا استغنى انسان اذا زاد مجد بيته.
16Ha baqin markii mid taajiroobo, Oo ammaanta reerkiisu aad u korodho,
17لانه عند موته كله لا يأخذ. لا ينزل وراءه مجده.
17Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo, Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso.
18لانه في حياته يبارك نفسه. ويحمدونك اذا احسنت الى نفسك.
18In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa, Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid,
19تدخل الى جيل آبائه الذين لا يعاينون النور الى الابد.
19Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.Ninkii sharaf leh oo aan garaad lahaynu Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
20انسان في كرامة ولا يفهم يشبه البهائم التي تباد
20Ninkii sharaf leh oo aan garaad lahaynu Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.