الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

52

1لامام المغنين. قصيدة لداود عندما جاء دواغ الادومي واخبر شاول وقال له جاء داود الى بيت اخيمالك‎. ‎لماذا تفتخر بالشر ايها الجبار. رحمة الله هي كل يوم‎.
1Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa? Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
2‎لسانك يخترع مفاسد كموسى مسنونة يعمل بالغش‎.
2Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn, Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
3‎احببت الشر اكثر من الخير. الكذب اكثر من التكلم بالصدق. سلاه
3Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta, Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah)
4احببت كل كلام مهلك ولسان غش‎.
4Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan, Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
5‎ايضا يهدمك الله الى الابد. يخطفك ويقلعك من مسكنك ويستاصلك من ارض الاحياء. سلاه‎.
5Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba, Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada, Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)
6‎فيرى الصديقون ويخافون وعليه يضحكون‎.
6Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan, Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
7‎هوذا الانسان الذي لم يجعل الله حصنه بل اتكل على كثرة غناه واعتزّ بفساده
7Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
8اما انا فمثل زيتونة خضراء في بيت الله. توكلت على رحمة الله الى الدهر والابد‎.
8Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal, Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.Weligayba waan kugu mahad naqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay, Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.
9‎احمدك الى الدهر لانك فعلت وانتظر اسمك فانه صالح قدام اتقيائك
9Weligayba waan kugu mahad naqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay, Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.