الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

53

1لامام المغنين على العود. قصيدة لداود قال الجاهل في قلبه ليس اله. فسدوا ورجسوا رجاسة. ليس من يعمل صلاحا‎.
1Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro. Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro.
2‎الله من السماء اشرف على بني البشر لينظر هل من فاهم طالب الله‎.
2Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga, Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.
3‎كلهم قد ارتدوا معا فسدوا. ليس من يعمل صلاحا ليس ولا واحد
3Midkood kastaaba dib buu u noqday, oo dhammaantood waxay wada noqdeen dad nijaas ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
4ألم يعلم فاعلو الاثم الذين يأكلون شعبي كما يأكلون الخبز والله لم يدعوا‎.
4Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan, Oo aanay Ilaah baryin?
5‎هناك خافوا خوفا ولم يكن خوف لان الله قد بدد عظام محاصرك‎. ‎اخزيتهم لان الله قد رفضهم‎.
5Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin, Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey, Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
6‎ليت من صهيون خلاص اسرائيل. عند رد الله سبي شعبه يهتف يعقوب ويفرح اسرائيل
6Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.