الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

55

1لامام المغنين على ذوات الاوتار. قصيدة لداود‎. ‎اصغ يا الله الى صلاتي ولا تتغاض عن تضرعي‎.
1Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig, Oo baryootankaygana ha iska qarin.
2‎استمع لي واستجب لي. اتحير في كربتي واضطرب
2I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,
3من صوت العدو من قبل ظلم الشرير. لانهم يحيلون عليّ اثما وبغضب يضطهدونني‎.
3Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.
4‎يمخض قلبي في داخلي واهوال الموت سقطت عليّ‎.
4Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.
5‎خوف ورعدة أتيا عليّ وغشيني رعب‎.
5Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay.
6‎فقلت ليت لي جناحا كالحمامة فاطير واستريح‎.
6Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale! Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.
7‎هانذا كنت ابعد هاربا وأبيت في البرية. سلاه‎.
7Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog, Oo waxaan degganaan lahaa cidlada. (Selaah)
8‎كنت اسرع في نجاتي من الريح العاصفة ومن النوء
8Waxaan gabbaad kaga carari lahaa Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.
9اهلك يا رب فرّق السنتهم لاني قد رأيت ظلما وخصاما في المدينة‎.
9Sayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir.
10‎نهارا وليلا يحيطون بها على اسوارها واثم ومشقة في وسطها‎.
10Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan, Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.
11‎مفاسد في وسطها ولا يبرح من ساحتها ظلم وغش‎.
11Dhexdeedana waxaa ku jira shar, Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.
12‎لانه ليس عدو يعيرني فاحتمل. ليس مبغضي تعظم عليّ فاختبئ منه
12Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,
13بل انت انسان عديلي الفي وصديقي
13Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah, Iyo jaalkay iyo saaxiibkay.
14الذي معه كانت تحلو لنا العشرة. الى بيت الله كنا نذهب في الجمهور‎.
14Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay, Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.
15‎ليبغتهم الموت. لينحدروا الى الهاوية احياء لان في مساكنهم في وسطهم شرورا
15Dhimasho ha ku soo kediso iyaga, Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen, Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.
16اما انا فالى الله اصرخ والرب يخلصني‎.
16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.
17‎مساء وصباحا وظهرا اشكو وانوح فيسمع صوتي‎.
17Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa.
18‎فدى بسلام نفسي من قتال عليّ لانهم بكثرة كانوا حولي‎.
18Naftayda nabadduu kaga samatabbixiyey dagaalkii iga geesta ahaa, Waayo, kuwii ila diriray way badnaayeen.
19‎يسمع الله فيذلهم والجالس منذ القدم. سلاه. الذين ليس لهم تغير ولا يخافون الله‎.
19Ilaah oo ah kan weligiis waara, Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga, Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah) Oo aan Ilaah ka cabsan.
20‎ألقى يديه على مسالميه. نقض عهده‎.
20Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa, Oo axdigiisiina wuu buriyey.
21‎أنعم من الزبدة فمه وقلبه قتال. ألين من الزيت كلماته وهي سيوف مسلولة
21Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
22ألق على الرب همك فهو يعولك. لا يدع الصدّيق يتزعزع الى الابد‎.
22Culaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa, Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo.Laakiinse, Ilaahow, iyaga waxaad ku dhaadhicin doontaa yaamayska halligaadda, Dhiigyocabyada iyo dadka khaa'innada ahu cimrigooda nus ma kadban doonaan, Laakiinse anigu waan isku kaa hallayn doonaa.
23‎وانت يا الله تحدرهم الى جب الهلاك. رجال الدماء والغش لا ينصفون ايامهم. اما انا فاتكل عليك
23Laakiinse, Ilaahow, iyaga waxaad ku dhaadhicin doontaa yaamayska halligaadda, Dhiigyocabyada iyo dadka khaa'innada ahu cimrigooda nus ma kadban doonaan, Laakiinse anigu waan isku kaa hallayn doonaa.