الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

56

1لامام المغنين على الحمامة البكماء بين الغرباء. مذهبة لداود عندما اخذه الفلسطينيون في جتّ‎. ‎ارحمني يا الله لان الانسان يتهممني واليوم كله محاربا يضايقني‎.
1Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan; Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa.
2‎تهممني اعدائي اليوم كله لان كثيرين يقاومونني بكبرياء‎.
2Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan, Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin.
3‎في يوم خوفي انا عليك اتكل‎.
3Markaan cabsado, Waan isku kaa hallaynayaa.
4‎الله أفتخر بكلامه على الله توكلت فلا اخاف. ماذا يصنعه بي البشر‎.
4Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
5‎اليوم كله يحرفون كلامي. عليّ كل افكارهم بالشر‎.
5Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan, Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.
6‎يجتمعون يختفون يلاحظون خطواتي عندما ترصّدوا نفسي‎.
6Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan, Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga, Markay gaadayaan naftayda.
7‎على اثمهم جازهم. بغضب اخضع الشعوب يا الله‎.
7Iyagu ma xumaan bay ku baxsan doonaan? Ilaahow, dadyowga adoo cadhaysan hoos u tuur.
8‎تيهاني راقبت. اجعل انت دموعي في زقّك. أما هي في سفرك
8Waad og tahay warwareeggayga, Bal ilmadayda qaruuraddaada ku shub, Waayo, miyaanay buuggaaga ku qorrayn?
9حينئذ ترتد اعدائي الى الوراء في يوم ادعوك فيه. هذا قد علمته لان الله لي‎.
9Markaasaa cadaawayaashaydu dib u noqon doonaan maalinta aan kuu yeedho, Waayo, waxaan ogahay in Ilaah ila jiro.
10‎الله أفتخر بكلامه الرب أفتخر بكلامه‎.
10Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Oo Rabbigana caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa.
11‎على الله توكلت فلا اخاف. ماذا يصنعه بي الانسان‎.
11Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa?
12‎اللهم عليّ نذورك. اوفي ذبائح شكر لك‎.
12Ilaahow, nidarradaada waan qabaa, Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah.Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho, Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin? Inaan Ilaah hortiisa ku socdo Iftiinka kuwa nool.
13‎لانك نجيت نفسي من الموت. نعم ورجليّ من الزلق لكي اسير قدام الله في نور الاحياء
13Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho, Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin? Inaan Ilaah hortiisa ku socdo Iftiinka kuwa nool.