1لامام المغنين. على لا تهلك. لداود. مذهبة. أحقا بالحق الاخرس تتكلمون بالمستقيمات تقضون يا بني آدم.
1Hubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan? Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan?
2بل بالقلب تعملون شرورا في الارض ظلم ايديكم تزنون.
2Hubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato, Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan.
3زاغ الاشرار من الرحم ضلّوا من البطن متكلمين كذبا.
3Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood, Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.
4لهم حمة مثل حمة الحيّة. مثل الصلّ الاصم يسد اذنه
4Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale, Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,
5الذي لا يستمع الى صوت الحواة الراقين رقى حكيم
5Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta, Iyagoo si caqli ah u sixraya.
6اللهم كسّر اسنانهم في افواههم. اهشم اضراس الاشبال يا رب.
6Ilaahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi, Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi.
7ليذوبوا كالماء ليذهبوا. اذا فوّق سهامه فلتنب.
7Ha u dhalaaleen sida biyo aad u durduraya. Markuu fallaadhihiisa wax ku liishaamo, ha noqdeen sida wax kala jabay.
8كما يذوب الحلزون ماشيا. مثل سقط المرأة لا يعاينوا الشمس.
8Ha noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba'da, Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin.
9قبل ان تشعر قدوركم بالشوك نيئا او محروقا يجرفهم.
9Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban, Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.
10يفرح الصدّيق اذ راى النقمة. يغسل خطواته بدم الشرير.
10Kan xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada, Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa.Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.
11ويقول الانسان ان للصديق ثمرا. انه يوجد اله قاض في الارض
11Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.