الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

59

1لامام المغنين. على لا تهلك. مذهبة لداود لما ارسل شاول وراقبوا البيت ليقتلوه‎. ‎انقذني من اعدائي يا الهي. من مقاوميّ احمني‎.
1Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.
2‎نجني من فاعلي الاثم ومن رجال الدماء خلصني‎.
2Iga samatabbixi xumaanfalayaasha, Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.
3‎لانهم يكمنون لنفسي. الاقوياء يجتمعون علي لا لاثمي ولا لخطيتي يا رب‎.
3Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda, Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan, Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.
4‎بلا اثم مني يجرون ويعدّون انفسهم. استيقظ الى لقائي وانظر‎.
4Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn, Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
5‎وانت يا رب اله الجنود اله اسرائيل انتبه لتطالب كل الامم. كل غادر اثيم لا ترحم. سلاه‎.
5Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo, Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
6‎يعودون عند المساء يهرّون مثل الكلب ويدورون في المدينة‎.
6Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale, Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.
7‎هوذا يبقّون بافواههم. سيوف في شفاههم. لانهم يقولون من سامع.
7Afkooda waxaa ka qubmaysa cay, Bushimahoodana waxaa ku jira seefo, Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?
8اما انت يا رب فتضحك بهم. تستهزئ بجميع الامم‎.
8Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa, Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.
9‎من قوّته اليك التجئ لان الله ملجإي
9Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
10الهي رحمته تتقدمني. الله يريني باعدائي‎.
10Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona, Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
11‎لا تقتلهم لئلا ينسى شعبي. تيّههم بقوتك واهبطهم يا رب ترسنا‎.
11Sayidow, gaashaankayagiiyow, Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane, Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.
12‎خطية افواههم هي كلام شفاههم. وليؤخذوا بكبريائهم ومن اللعنة ومن الكذب الذي يحدّثون به‎.
12Kibirkoodu iyaga ha dabo Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood, Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.
13‎افن بحنق افن ولا يكونوا وليعلموا ان الله متسلط في يعقوب الى اقاصي الارض. سلاه‎.
13Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i, Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)
14‎ويعودون عند المساء يهرّون مثل الكلب ويدورون في المدينة‎.
14Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen, Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.
15‎هم يتيهون للأكل. ان لم يشبعوا ويبيتوا
15Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan, Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.
16اما انا فاغني بقوتك وارنم بالغداة برحمتك لانك كنت ملجأ لي ومناصا في يوم ضيقي‎.
16Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga, Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa, Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii, Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.
17‎يا قوتي لك ارنم لان الله ملجإي اله رحمتي
17Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.