الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

63

1مزمور لداود لما كان في برية يهوذا‎. ‎يا الله الهي انت. اليك ابكّر. عطشت اليك نفسي يشتاق اليك جسدي في ارض ناشفة ويابسة بلا ماء
1Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
2لكي ابصر قوتك ومجدك كما قد رأيتك في قدسك‎.
2Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed, Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
3‎لان رحمتك افضل من الحياة. شفتاي تسبحانك‎.
3Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol, Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
4‎هكذا اباركك في حياتي. باسمك ارفع يديّ‎.
4Sidaas daraaddeed waan kugu mahad naqayaa intaan noolahay, Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
5‎كما من شحم ودسم تشبع نفسي وبشفتي الابتهاج يسبحك فمي
5Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo, Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
6اذا ذكرتك على فراشي. في السهد الهج بك‎.
6Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
7‎لانك كنت عونا لي وبظل جناحيك ابتهج
7Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad, Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
8التصقت نفسي بك. يمينك تعضدني‎.
8Naftaydu adigay ku raacdaa, Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
9‎اما الذين هم للتهلكة يطلبون نفسي فيدخلون في اسافل الارض‎.
9Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed, Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.
10‎يدفعون الى يدي السيف. يكونون نصيبا لبنات آوى‎.
10Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta, Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah, Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa, Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.
11‎اما الملك فيفرح بالله. يفتخر كل من يحلف به. لان افواه المتكلمين بالكذب تسد
11Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah, Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa, Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.