1لامام المغنين. مزمور لداود. استمع يا الله صوتي في شكواي. من خوف العدو احفظ حياتي.
1Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo, Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.
2استرني من مؤامرة الاشرار من جمهور فاعلي الاثم
2Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya, Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,
3الذين صقلوا ألسنتهم كالسيف. فوّقوا سهمهم كلاما مرّا
3Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale, Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,
4ليرموا الكامل في المختفى بغتة يرمونه ولا يخشون.
4Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan, Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.
5يشددون انفسهم لامر رديء. يتحادثون بطمر فخاخ. قالوا من يراهم
5Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan, Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan, Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?
6يخترعون اثما تمموا اختراعا محكما. وداخل الانسان وقلبه عميق
6Waxay baadhaan xumaatooyin, iyagoo leh, Annagu baadhid caqli ah ayaannu ebinnay, Fikirka ku jira uurka nin walba iyo qalbiguba waa mool dheer yihiin.
7فيرميهم الله بسهم بغتة كانت ضربتهم.
7Laakiinse Ilaah waa toogan doonaa, Oo haddiiba iyaga waxaa dhaawici doonta fallaadh.
8ويوقعون السنتهم على انفسهم. ينغض الراس كل من ينظر اليهم.
8Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda, Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.
9ويخشى كل انسان ويخبر بفعل الله وبعمله يفطنون.
9Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan, Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah, Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan, Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.
10يفرح الصدّيق بالرب ويحتمي به ويبتهج كل المستقيمي القلوب
10Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan, Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.