Welsh

Somali

Psalms

71

1 Ynot ti, ARGLWYDD, y ceisiais loches; na fydded cywilydd arnaf byth.
1Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, Yaanan weligay wareerin.
2 Yn dy gyfiawnder gwared ac achub fi, tro dy glust ataf ac arbed fi.
2Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.
3 Bydd yn graig noddfa i mi, yn amddiffynfa i'm cadw, oherwydd ti yw fy nghraig a'm hamddiffynfa.
3Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo, Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho, Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
4 O fy Nuw, gwared fi o law'r drygionus, o afael yr anghyfiawn a'r creulon.
4Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa, Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.
5 Oherwydd ti, Arglwydd, yw fy ngobaith, fy ymddiriedaeth o'm hieuenctid, O ARGLWYDD.
5Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda, Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.
6 Arnat ti y b�m yn pwyso o'm genedigaeth; ti a'm tynnodd allan o groth fy mam. Amdanat ti y bydd fy mawl yn wastad.
6Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay, Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday, Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.
7 B�m fel pe'n rhybudd i lawer; ond ti yw fy noddfa gadarn.
7Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh, Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
8 Y mae fy ngenau'n llawn o'th foliant ac o'th ogoniant bob amser.
8Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona Ammaantaada iyo sharaftaada.
9 Paid �'m bwrw ymaith yn amser henaint; paid �'m gadael pan fydd fy nerth yn pallu.
9Ha i tuurin markaan gaboobo, Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
10 Oherwydd y mae fy ngelynion yn siarad amdanaf, a'r rhai sy'n gwylio am fy einioes yn trafod gyda'i gilydd,
10Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,
11 ac yn dweud, "Y mae Duw wedi ei adael; ewch ar ei �l a'i ddal, oherwydd nid oes gwaredydd."
11Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey, Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
12 O Dduw, paid � phellhau oddi wrthyf; O fy Nuw, brysia i'm cynorthwyo.
12Ilaahow, ha iga fogaan, Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
13 Doed cywilydd a gwarth ar fy ngwrthwynebwyr, a gwaradwydd yn orchudd dros y rhai sy'n ceisio fy nrygu.
13Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een, Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
14 Ond byddaf fi'n disgwyl yn wastad, ac yn dy foli'n fwy ac yn fwy.
14Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa, Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
15 Bydd fy ngenau'n mynegi dy gyfiawnder a'th weithredoedd achubol trwy'r amser, oherwydd ni wn eu nifer.
15Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada, Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
16 Dechreuaf gyda'r gweithredoedd grymus, O Arglwydd DDUW; soniaf am dy gyfiawnder di yn unig.
16Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh, Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
17 O Dduw, dysgaist fi o'm hieuenctid, ac yr wyf yn dal i gyhoeddi dy ryfeddodau;
17Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
18 a hyd yn oed pan wyf yn hen a phenwyn, O Dduw, paid �'m gadael, nes imi fynegi dy rym i'r cenedlaethau sy'n codi.
18Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
19 Y mae dy gryfder a'th gyfiawnder, O Dduw, yn cyrraedd i'r uchelder, oherwydd iti wneud pethau mawr. O Dduw, pwy sydd fel tydi?
19Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa, Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey, Bal yaa kula mid ah?
20 Ti, a wnaeth imi weld cyfyngderau mawr a chwerw, fydd yn fy adfywio drachefn; ac o ddyfnderau'r ddaear fe'm dygi i fyny unwaith eto.
20Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun, Ayaa haddana na noolayn doona, Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.
21 Byddi'n ychwanegu at fy anrhydedd, ac yn troi i'm cysuro.
21Weynaantayda ii sii kordhi, Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.
22 Byddaf finnau'n dy foliannu �'r nabl am dy ffyddlondeb, O fy Nuw; byddaf yn canu i ti �'r delyn, O Sanct Israel.
22Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah, Oo runtaadaan ammaani doonaa, Israa'iil kiisa Quduuska ahow, Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.
23 Bydd fy ngwefusau'n gweiddi'n llawen � oherwydd canaf i ti � a hefyd yr enaid a waredaist.
23Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo, Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.
24 Bydd fy nhafod beunydd yn s�n am dy gyfiawnder; oherwydd daeth cywilydd a gwaradwydd ar y rhai a fu'n ceisio fy nrygu.
24Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.