1 1 I Solomon.0 O Dduw, rho dy farnedigaeth i'r brenin, a'th gyfiawnder i fab y brenin.
1Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
2 Bydded iddo farnu dy bobl yn gyfiawn, a'th rai anghenus yn gywir.
2Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.
3 Doed y mynyddoedd � heddwch i'r bobl, a'r bryniau � chyfiawnder.
3Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.
4 Bydded iddo amddiffyn achos tlodion y bobl, a gwaredu'r rhai anghenus, a dryllio'r gorthrymwr.
4Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
5 Bydded iddo fyw tra bo haul a chyhyd �'r lleuad, o genhedlaeth i genhedlaeth.
5Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto, Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.
6 Bydded fel glaw yn disgyn ar gnwd, ac fel cawodydd yn dyfrhau'r ddaear.
6Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
7 Bydded cyfiawnder yn llwyddo yn ei ddyddiau, a heddwch yn ffynnu tra bo lleuad.
7Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa, Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.
8 Bydded iddo lywodraethu o f�r i f�r, ac o'r Ewffrates hyd derfynau'r ddaear.
8Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad, Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa.
9 Bydded i'w wrthwynebwyr blygu o'i flaen, ac i'w elynion lyfu'r llwch.
9Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan; Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
10 Bydded i frenhinoedd Tarsis a'r ynysoedd ddod ag anrhegion iddo, ac i frenhinoedd Sheba a Seba gyflwyno eu teyrnged.
10Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
11 Bydded i'r holl frenhinoedd ymostwng o'i flaen, ac i'r holl genhedloedd ei wasanaethu.
11Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan, Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
12 Oherwydd y mae'n gwaredu'r anghenus pan lefa, a'r tlawd pan yw heb gynorthwywr.
12Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
13 Y mae'n tosturio wrth y gwan a'r anghenus, ac yn gwaredu bywyd y tlodion.
13Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan, Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
14 Y mae'n achub eu bywyd rhag trais a gorthrwm, ac y mae eu gwaed yn werthfawr yn ei olwg.
14Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi, Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,
15 Hir oes fo iddo, a rhodder iddo aur o Sheba; aed gweddi i fyny ar ei ran yn wastad, a chaffed ei fendithio bob amser.
15Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa; Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan, Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan.
16 Bydded digonedd o u375?d yn y wlad, yn tyfu hyd at bennau'r mynyddoedd; a bydded ei gnwd yn cynyddu fel Lebanon, a'i rawn fel gwellt y maes.
16Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda, Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale, Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
17 Bydded ei enw'n aros hyd byth, ac yn para cyhyd �'r haul; a'r holl genhedloedd yn cael bendith ynddo ac yn ei alw'n fendigedig.
17Magiciisu weligiis buu waari doonaa, Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto; Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga, Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
18 Bendigedig fyddo'r ARGLWYDD, Duw Israel; ef yn unig sy'n gwneud rhyfeddodau.
18Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
19 Bendigedig fyddo'i enw gogoneddus hyd byth, a bydded yr holl ddaear yn llawn o'i ogoniant. Amen ac Amen.
19Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba, Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto. Aamiin iyo Aamiin.Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.
20 Diwedd gwedd�au Dafydd fab Jesse.
20Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.