1וגם נביאי שקר היו בעם כאשר יהיו גם בכם מורי שקר אשר יכניסו כתות משחיתות ובכחשם במשל אשר קנם יביאו על נפשם כליון פתאם׃
1Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah.
2ורבים ילכו אחרי תועבותם ובעבורם יתן דרך האמת לגדופים׃
2Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah.
3ובדברי בדוי יעשו אתכם למחסר להם למען בצע בצע אשר משפטם מעולם לא יתמהמה ושברם לא ינום׃
3Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.
4כי לא חס אלהים על המלאכים אשר חטאו כי אם הורידם לקצבי הרים ויסגירם בכבלי אפל לשמרם למשפט׃
4Maxaa yeelay, Ilaah uma tudhin malaa'igihii dembaabay, laakiinse wuxuu iyagii ku tuuray cadaabta, oo wuxuu ku riday godad gudcur ah iyagoo xukun aawadiis loo hayo.
5וגם על דורות קדם לא חס וישמר רק את נח השמיני קרא הצדק בהביאו את המבול על דור הרשעים׃
5Oo dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha.
6ואת ערי סדום ועמרה הפך לאפר והאשימם במהפכה וישימם למשל לאשר עתידים לעשות זמה׃
6Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa,
7ויצל את לוט הצדיק אשר הלאוהו אנשי בליעל ההם בדרך זמתם׃
7oo wuxuu ka samatabbixiyey Luud kii xaqa ahaa oo aad loogu saxariiriyey sharcilaawayaashii dabiicaddoodii nijaasta ahayd.
8כי הצדיק הזה בשבתו בתוכם האדיב את נפשו הישרה יום יום בראותו ובשמעו מעשי רשעם׃
8Waayo, ninkaas xaqa ahaa iyaguu dhex degganaa, oo waxaa naftiisii xaqa ahayd maalin ka maalin silciyey camaladoodii sharciga ka geesta ahaa markuu arkay oo maqlay.
9כי יודע יהוה להציל את חסידיו מנסיון ולחשך את הרשעים ליום המשפט להשיב גמולם להם׃
9Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,
10וביותר את ההלכים אחרי הבשר בתאות תבל ובזים את הממשלה עזי פנים הלכים בשרירות לבם ולא יחרדו מחרף את השררות׃
10khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan.
11אשר אף המלאכים הגדולים מהם בעז וכח לא יגדפום לפני יהוה במשפטם׃
11Malaa'iguhuna in kastoo ay iyaga itaal iyo xoogba ka badan yihiin, iyaga dacwo cay ah Rabbiga hortiisa kagama dacweeyaan.
12והמה כבהמות הסכלות הנולדות כחק טבעם ללכד ולשחת יאבדו באבוד נפשם יען חרפו את אשר לא הבינו וישאו גמול עולתם׃
12Laakiinse kuwanu waa sida xayawaan aan caqli lahayn oo u dhashay in la qabsado oo la dilo, oo waxay caayaan wax aanay garanayn. Hubaal iyagu halligaaddooda ayay ku halligmi doonaan.
13אשר עדנת יומם לענג יחשבו מטנפים ומום בם המתפנקים במדוחי נפשם ואכלים ושתים עמכם׃
13Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda.
14עינים להם מלאות נאפים אשר לא תחדלות מחטוא ואת נפשות הפתאים יצודדו ולב מלמד בצע להם בני המארה׃
14Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed.
15את הדרך הישר עזבו ויתעו וילכו בדרך בלעם בן בעור אשר אהב שכר העולה׃
15Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada.
16ותהי לו תוכחת על חטאתו כי הבהמה האלמת דברה בקול אדם ותעצר באולת הקסם׃
16Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga.
17בארות בלי מים המה עבים נדפים בסערה אשר שמור להם חשך אפלה לעולם׃
17Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka.
18כי בדברם בגאות דברי שוא יצודו בתאות הבשר על ידי זמתם את אשר אך נמלטו מידי ההלכים בדרך תועה׃
18Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;
19חפשה יבטיחו להם והם בעצמם עבדים לשחת כי האיש עבד לאשר נכבש ממנו׃
19oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada.
20כי אחרי המלטם מטמאת העולם בדעת אדנינו ומושיענו ישוע המשיח אם שבו והטבעו בתוכן ונכבשו אחריתם תהיה רעה מראשיתם׃
20Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.
21טוב היה להם לא לדעת את דרך הצדקה מאשר ידעהו ונסגו אחור מן המצוה הקדושה המסורה להם׃
21Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas.Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.
22ויקר להם כאשר יאמר משל האמת הכלב שב על קאו והחזיר עלה מן הרחצה להתגלל ברפש׃
22Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.