Hebrew: Modern

Somali

2 Peter

3

1זאת היא האגרת השנית אשר אני כתב אליכם אהובים ובשתיהן אעיר בדרך הזכרה את תמת לבבכם׃
1Gacaliyayaalow, tanu waa warqaddii labaad oo aan idiin soo qoray, oo labadoodaba waxaan maankiinna daacadda ah ku guubaabinayaa xusuusin,
2לזכר את הדברים הנאמרים מקדם בידי הנביאים הקדשים ואת מצות אדנינו ומושיענו אשר נתנה בידנו השליחים׃
2inaad xusuusataan erayadii ay nebiyadii quduuska ahaa hore ugu hadleen, iyo amarkii Rabbiga Badbaadiyaha ah oo ay rasuulladiinnu ku hadleen.
3ודעו זאת לכם ראשנה כי באחרית הימים יבאו לצים ההלכים אחרי תאות נפשם ויתלוצצו לאמר׃
3Marka hore waxaad og tihiin in maalmaha ugu dambeeya kuwa majaajiloodaa ay la iman doonaan majaajilo iyagoo damacyadooda daba socda,
4איה הבטחת באו כי מאז שכבו האבות הכל עמד כמו מראשית הבריאה׃
4oo waxay odhan doonaan, Ballankii imaatinkiisii meeh? Waayo, haatan iyo maalintii awowayaashii ay dhinteen wax waluba waxay u socdaan sidii ay ahaayeen tan iyo bilowgii abuurniinta.
5ונסתר מהם באשר לא יאבו לדעת כי מקדם קמו השמים והארץ בדבר אלהים מן המים ועל ידי המים׃
5Waayo, iyagu kaas bay u illoobaan in waagii hore samooyin jireen iyo dhul erayga Ilaah biyo lagaga dhex abuuray,
6ובמים אבדה תבל מאז כי נשטפה במי המבול׃
6kuwaas oo dunidii waagaas jirtay ay ku baabba'day iyadoo daad qaaday.
7גם השמים והארץ אשר לפנינו נצפנו בדברו והם שמורים לאש ליום הדין ואבד אנשי הרשע׃
7Laakiinse samooyinka haatan jira iyo dhulkaba isku eray baa dab loogu kaydiyey, oo waxaa loo hayaa maalinta xisaabta iyo halligaadda dadka cibaadalaawayaasha ah.
8וזאת האחת אל תעלם מכם אהובים כי יום אחד כאלף שנים בעיני יהוה ואלף שנים כיום אחד׃
8Laakiinse, gacaliyayaalow, waxan keliya ha illoobina in maalin keliyahu Rabbiga la tahay sida kun sannadood, kun sannadoodna la yihiin sida maalin keliya.
9ולא יאחר יהוה את אשר הבטיח כאשר יש חשבים אתה לאחור כי אך האריך אפו בעבורנו ולא יחפץ באבד איש כי אם בפנות כלם לתשובה׃
9Rabbigu kama raago inuu ballankiisa oofiyo sida dadka qaarkiis ku tiriyo inay tahay raagid, laakiinse idinkuu idiin dulqaadanayaa, oo dooni maayo in qofnaba halligmo, laakiinse wuxuu doonayaa in kulli la wada toobad keeno.
10בא יבא יום יהוה כגנב בלילה אז השמים בשאון יחלפו והיסדות יבערו והתמגגו והארץ והמעשים אשר עליה ישרפו׃
10Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa.
11ועתה אם כל אלה ימוגו מה מאד חיבים אתם להתהלך בקדשה ובחסידות׃
11Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado,
12ולחכות לבא יום יהוה ולהחיש אתו אשר בגללו השמים ימוגו באש והיסדות יבערו ונמסו׃
12idinkoo sugaya oo aad ugu dadaalaya imaatinka maalinta Ilaah, taasoo samooyinku iyagoo ololaya ay baabbi'i doonaan, waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay dhalaali doonaan.
13ואנחנו כפי הבטחתו מחכים לשמים חדשים ולארץ חדשה אשר צדק ילין בם׃
13Laakiinse sidii uu inoo ballanqaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo dhex deggan tahay.
14על כן אהובים אשר לאלה חכיתם שקדו להמצא לפניו בשלום נקים וזכים מפשע׃
14Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.
15ואת ארך רוח אדנינו תחשבו לתשועה כאשר גם אחינו האהוב פולוס כתב אליכם כפי החכמה הנתונה לו׃
15Sidii walaalkeen gacaliye Bawlos idiinku soo qoray xigmaddii la siiyey, ku tiriya in dulqaadashada Rabbigeennu tahay badbaado;
16וכן בכל אגרותיו בדברו שם על אלה ובהם יש דברים קשי ההבנה והבערים והפתאים יהפכו אתם כאשר גם יעשו לכתבים האחרים לאבדן נפשם׃
16siduu warqadihiisii oo dhan waxyaalahan ugaga hadlay. Kuwaas waxaa ku jira wax in la gartaa ay dhib tahay, oo jaahiliinta iyo kuwaan adkayn ayaa qalloociya, siday Qorniinka kaleba u qalloociyaan oo ay u halligmaan.
17ואתם אהובים אשר ידעתם זאת השמרו לנפשתיכם פן תמשכו אחרי טעות אנשי בליעל ונפלתם ממעזכם׃
17Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahan hore u garanayay, isjira, yaan laydinku kaxaysan qaladka kuwa sharka ah oo aydnaan ka dhicin adkaantiinna.Laakiinse ku kora nimcada iyo aqoonta Rabbigeenna ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. Isaga ammaanu ha u ahaato haatan iyo weligeedba. Aamiin.
18ורבו בחסד ובדעת אדנינו ומושיענו ישוע המשיח אשר לו הכבוד גם היום וגם ליום העולם אמן׃
18Laakiinse ku kora nimcada iyo aqoonta Rabbigeenna ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. Isaga ammaanu ha u ahaato haatan iyo weligeedba. Aamiin.