1כי כל כהן גדול הלקוח מתוך בני אדם מפקד הוא בעבור בני אדם בעניני אלהים להקריב מנחה וזבח על החטאים׃
1Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood.
2והוא יכול לחמל על השגגים והתעים בהיותו גם הוא ידוע חלי׃
2Isagu waa u naxariisan karaa kuwaan aqoonta lahayn iyo kuwa qaldan, maxaa yeelay, isaga qudhiisuba wuu itaal daranyahay.
3אשר על כן חיב להקריב על החטאים גם בעד העם גם בעד נפשו׃
3Oo sidaas daraaddeed waa inuu qudhiisa wax ugu bixiyo dembiyada aawadood, siduu dadka wax ugu bixiyo oo kale.
4ואת הגדלה הזאת לא יקח איש לעצמו רק הקרוא לה מאת האלהים כמו אהרן׃
4Ninna murwadda iskama qaato, laakiin waa kii Ilaah ugu yeedho siduu Haaruun ugu yeedhay.
5כן גם המשיח לא כבד את עצמו להיות כהן גדול כי אם האמר אליו בני אתה אני היום ילדתיך׃
5Sidaas oo kale Masiixu isma ammaanin inuu noqdo wadaad sare, laakiin waxaa doortay kan ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
6כמו שאמר גם במקום אחר אתה כהן לעולם על דברתי מלכי צדק׃
6Meel kalena wuxuu ka yidhi. Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.
7אשר בימי היותו בבשר הקריב תפלות ותחנונים בצעקה גדולה ובדעות לפני מי שיכול להושיעו ממות ויעתר לו מפני יראתו׃
7Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.
8ואף כי היה הבן למד מענותו לשמוע׃
8In kastuu wiil ahaa, weliba wuxuu addeecid ku bartay waxyaalihii uu ku xanuunsaday;
9ואחרי אשר השלם היה ממציא תשועת עולמים לכל שמעיו׃
9oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah.
10והאלהים קרא לו כהן גדול על דברתי מלכי צדק׃
10Oo Ilaah baa isaga wuxuu ku magacaabay wadaad sare sidii derejadii Malkisadaq.
11על זאת יש לנו לדבר הרבה וקשות לבאר לכם במלין יען כי כבדו אזניכם׃
11Waxaannu haysanna waxyaalo badan oo aannu kan kaga hadalno, laakiin waa fasir adag yahay dhegaculayskiinna aawadiis.
12כי תחת אשר היה ראוי לכם לפי ארך הזמן להיות מלמדים עתה מן הצרך לשוב וללמד אתכם עקרי ראשית דברי אלהים ונצרכתם לחלב ולא למאכל בריא׃
12Wakhtigii aad macallimiin noqon lahaydeen ayaad haddana u baahan tihiin in laydin baro waxyaalaha ugu horreeya ee Ereyada Ilaah, oo waxaad noqoteen sidii kuwa caano u baahan ee aan cunto adag u baahnayn.
13כי כל אשר מאכלו חלב איננו מבין בדבר צדק כי עודנו עולל׃
13Waayo, mid kasta oo ay cuntadiisu caano tahay aqoon uma laha hadalka xaqnimada, waayo, waa ilmo yar.Laakiin cuntada adag waxaa leh dadka waaweyn oo ah kuwa ku isticmaalidda kaskooda ku kala garta wanaagga iyo xumaanta.
14אך לשלמים המאכל הבריא אשר על פי ההרגל יש להם חושים מנסים להבדיל בין טוב לרע׃
14Laakiin cuntada adag waxaa leh dadka waaweyn oo ah kuwa ku isticmaalidda kaskooda ku kala garta wanaagga iyo xumaanta.