1על כן בעזב כעת ראשית דבר המשיח נעבר אל השלמות ולא נשוב לשית יסודי התשובה ממעשי מות והאמונה באלהים׃
1Taas daraaddeed aynu iska dayno ka hadlidda waxyaalihii ugu horreeyey ee Masiix, oo hore aynu ugu soconno kaamilnimada, oo yeynan mar kale dhigin aasaaska ka-toobadkeenidda shuqulladii dhintay, iyo iimaanka xagga Ilaah,
2ותורת הטבילות וסמיכת ידים ותחית המתים והדין הנצחי׃
2iyo waxbaridda baabtiisyada, iyo gacmo-dul-saaridda, iyo sarakicidda kuwii dhintay, iyo xukunka weligiis ah.
3ואת זאת נעשה אם יתן האל׃
3Oo tan waynu samayn doonnaa haddii Ilaah idmo.
4כי אלה אשר נגה עליהם האור וטעמו ממתנת השמים ונתן להם חלקם ברוח הקדש׃
4Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Quduuskaa,
5וטעמו את דבר אלהים הטוב וכחות העולם הבא וימעלו מעל׃
5oo dhadhamiyey eraygii wanaagsanaa ee Ilaah iyo xoogagga wakhtiga iman doona,
6נמנעו מהתחדש עוד לתשובה כי צלבו להם מחדש את בן האלהים ויתנוהו למשל׃
6oo dabadeedna dhacay, ma suurtowdo in loo cusboonaysiiyo toobadkeenidda, iyagoo mar kale Wiilka Ilaah iskutallaabta isugu qodbaya oo bayaan u ceebaynaya.
7כי האדמה השותה את הגשם הירד עליה למכביר ומוציאה עשב טוב לעבדיה תשא ברכה מאת האלהים׃
7Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako,
8ואשר תוציא קוץ ודרדר נמאסה היא וקרובה למארה וסופה להשרף׃
8laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugudambaystiisana waa in la gubaa.
9אמנם ידידי מבטחים אנחנו בכם טבות מאלה וקרבות לישועה אף כי דברנו כזאת׃
9Laakiin gacaliyayaalow, wax ka wanaagsan oo idinku saabsan ayaa lana aaminsiiyey iyo waxyaalaha badbaadada, in kastoo aannu sidan u hadalnay.
10כי האלהים לא יעות צדק לשכח את מעשיכם ואת עמל אהבתכם אשר הראיתם לשמו ששרתם ועודכם משרתים את הקדשים׃
10Waayo, Ilaah ma xaqdarra, mana illoobo shuqulkiinna iyo jacaylka aad magiciisa u qabtaan, maxaa yeelay, quduusiinta ayaad u adeegteen oo weli waad u adeegtaan.
11אבל חפצנו שכל אחד מכם גם ישקד שקוד להחזיק בשלמות התקוה עד הקץ׃
11Oo annagu waxaannu jecel nahay in midkiin kastaa muujiyo dadaalkaas oo kale tan iyo hubaasha rajada ilaa ugu dambaysta,
12שלא תעצלו כי אם תלכו בעקבות היורשים באמונה וארך רוח את ההבטחות׃
12inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada.
13כי בהבטיח אלהים את אברהם נשבע בנפשו יען אשר אין גדול ממנו להשבע בו׃
13Markii Ilaah ballan u qaaday Ibraahim, isagoo mid ka weyn oo uu ku dhaarto aan haysan, ayuu isku dhaartay,
14ויאמר כי ברך אברכך והרבה ארבה אותך׃
14isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa.
15ויהי בהאריך נפשו השיג את ההבטחה׃
15Oo sidaas isagoo u dulqaadanaya ayuu helay wixii loo ballanqaaday.
16בני האדם ישבעו בגדול מהם והשבועה להם קץ כל ערעור לקיום הדבר׃
16Waayo, dadku waxay ku dhaartaan kan iyaga ka weyn, oo waxaa muran kasta oo kooda ah ugu dambaysa dhaar si loo xaqiiqaysto,
17על כן כאשר רצה האלהים להראות ביותר את ירשי ההבטחה כי לא תשתנה עצתו ערב אתה בשבועה׃
17sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay;
18למען על פי שני דברים בלתי משתנים אשר חלילה לאלהים לשקר בם יהיה לנו אשר נסנו עליו זרוז גדול לאחז בתקוה הנתונה לפנינו׃
18in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal,
19אשר היא לנפשנו לעוגין נכון וחזק ומגיע אל מבית לפרכת׃
19tan aynu sida barroosinka nafta u haysanno, mid adkaan iyo hubaalba ah oo gelaysa waxa daaha ka shisheeya,meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.
20אשר בא שמה ישוע העבר לפנינו ויהי כהן גדול לעולם על דברתי מלכי צדק׃
20meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.