Norwegian

Somali

Zechariah

11

1Lat op dine porter, Libanon, så ilden kan fortære dine sedrer!
1Lubnaanay, albaabbadaada fur in dab baabbi'iyo geedahaaga kedarka ah.
2Jamre dig, du cypress, fordi sederen er falt, fordi de herlige trær er ødelagt! Jamre eder, I Basans eker, fordi den utilgjengelige skog er felt!
2Geed beroosh ahow, ooya, waayo, geedkii kedarka ahaa waa dhacay, maxaa yeelay, kuwii qurqurxoonaa waa la kharribay. Kuwiinna geedaha alloonka ah oo Baashaan yahow, ooya, waayo, kayntii adkayd waa dhacday.
3Hør hvor hyrdene jamrer fordi deres herlighet* er ødelagt! Hør hvor de unge løver brøler fordi Jordans prakt** er ødelagt. / {* herlige beitemark; JER 25, 36.} / {** JER 12, 5.}
3Waxaa yeedhaya codkii baroortii adhijirrada! Waayo, sharaftoodii waa la kharribay! Waxaa yeedhaya codkii cida aaran libaaxyada! Waayo, kibirkii Urdun waa la kharribay.
4Så sa Herren min Gud: Røkt slaktefårene!
4Rabbiga Ilaahayga ahu wuxuu yidhi, Daaji idaha la qalayo.
5De som kjøper dem, slakter dem uten å bøte for det, og de som selger dem, sier: Lovet være Herren! nu blir jeg rik; og deres hyrder sparer dem ikke.
5Kuwii hantidooda lahaa way gowracaan, oo isumana ay haystaan inay eed leeyihiin, oo kuwa iyaga soo iibiyaana mid kastaaba wuxuu leeyahay, Mahad waxaa leh Rabbiga, waayo, taajir baan noqday, oo adhijirradooduna uma ay naxaan iyaga.
6For jeg vil ikke mere spare landets innbyggere, sier Herren; men jeg vil overgi menneskene i hverandres hender og i hendene på deres konge, og de skal herje landet, og jeg vil ikke redde nogen av deres hånd.
6Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.
7Så røktet jeg slaktefårene, endog de usleste av fårene; og jeg tok mig to staver, den ene kalte jeg liflighet, og den andre kalte jeg bånd*, og jeg røktet fårene, / {* SKR 11, 14.}
7Markaasaan daajiyey idaha la qalayo, oo sida xaqiiqada ah waxay ahaayeen idaha ugu miskiinsan. Oo waxaan soo qaatay laba ulood, oo mid waxaan u bixiyey Raallinimo, middii kalena waxaan u bixiyey Xidhiidh, oo idihii waan daajiyey.
8og jeg gjorde de tre hyrder til intet i én måned. Jeg blev lei av dem, og de likte heller ikke mig,
8Oo saddexdii adhijirba isku bil baan baabbi'iyey, waayo, naftaydu way ka daashay, oo weliba naftooduna way iga neceen.
9og jeg sa: Jeg vil ikke lenger røkte eder; det som er nær ved å dø, får dø, og det som er nær ved å bli tilintetgjort, får bli tilintetgjort, og de som blir igjen, får fortære hverandres kjøtt.
9Markaasaan idhi, Anigu idin daajin maayo. Kii dhimanayaa ha dhinto, kii halligmayaana ha halligmo, oo intii hadhana mid waluba kan kale hilibkiisa ha cuno.
10Så tok jeg min stav liflighet og brøt den i stykker for å gjøre den pakt til intet som jeg hadde gjort med alle folkene.
10Oo waxaan soo qaatay ushaydii aan Raallinimo u bixiyey, oo waan kala jebiyey, si aan u jebiyo axdigaygii aan dadyowga oo dhan la dhigtay.
11Og den blev gjort til intet på den dag; og således skjønte de usleste av fårene, de som aktet på mig, at det var Herrens ord.
11Oo maalintaasuu jabay, oo sidaasay kuwii idaha u miskiinsanaa oo i dhegaystay u ogaadeen in kaasu yahay Eraygii Rabbiga.
12Derefter sa jeg til dem: Om I så synes, så gi mig min lønn, men hvis ikke, så la det være! Så veide de op til mig min lønn, tretti sølvpenninger.
12Oo waxaan iyagii ku idhi, Hadday idinla wanaagsan tahay, kiradaydii i siiya, haddii kalese iska daaya. Sidaas daraaddeed waxay kiradaydii iigu miisaameen soddon gogo' oo lacag ah.
13Da sa Herren til mig: Kast den bort til pottemakeren, den herlige pris som jeg er aktet verd av dem! Og jeg tok de tretti sølvpenninger og kastet dem i Herrens hus til pottemakeren.
13Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dheryasameeyaha u tuur qiimihii wanaagsanaa oo ay igu qiimeeyeen. Oo anna waxaan soo qaaday soddonkii gogo' oo lacagta ahaa, kolkaasaan guriga Rabbiga ugu tuuray dheryasameeyaha.
14Så brøt jeg i stykker min andre stav bånd for å gjøre brorskapet mellem Juda og Israel til intet.
14Oo haddana waxaan kala jebiyey ushaydii kale oo aan Xidhiidh u bixiyey, inaan kala gooyo walaalnimadii dadka dalka Yahuudah iyo dadka dalka Israa'iil ka dhexaysay.
15Og Herren sa til mig: Ta dig atter en stav - en dårlig hyrdes stav!
15Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Haddana mar kale waxaad qaadataa adhijir nacas ah alaabtiis.
16For se, jeg lar en hyrde stå frem i landet, en som ikke ser til de får som er nær ved å omkomme, ikke søker efter det som er bortkommet, og ikke læger det som har fått skade, og ikke sørger for det som holder sig oppe, men eter kjøttet av de fete og endog bryter deres klover i stykker.
16Waayo, bal eeg, waxaan dalka ka dhex kicin doonaa adhijir aan soo booqanayn kuwa ambaday, oo aan doondoonayn kuwa kala firdhay, oo aan bogsiinayn kii jaban, oo aan daajinayn kii feyow, laakiinse isagu wuxuu cuni doonaa hilibka baruurta, oo raafafkoodana wuu kala dildillaacin doonaa.Waxaa iska hoogay adhijirka waxtarlaawaha ah oo adhiga isaga taga! Seef baa ku dhici doonta gacantiisa iyo ishiisa midig. Gacantiisu dhammaanteed way engegi doontaa, oo ishiisa midigna kulligeed way madoobaan doontaa.
17Ve den dårlige hyrde, som forlater fårene! Sverd over hans arm og over hans høire øie! Hans arm skal visne bort, og hans høire øie skal utslukkes.
17Waxaa iska hoogay adhijirka waxtarlaawaha ah oo adhiga isaga taga! Seef baa ku dhici doonta gacantiisa iyo ishiisa midig. Gacantiisu dhammaanteed way engegi doontaa, oo ishiisa midigna kulligeed way madoobaan doontaa.