1Dette utsagn er Herrens ord om Israel. Så sier Herren, som utspente himmelen og grunnfestet jorden og dannet menneskets ånd i hans indre:
1Kanu waa warka culus ee erayga Rabbiga oo ku saabsan dalka Israa'iil.
2Se, jeg gjør Jerusalem til en tumleskål* for alle folkene rundt omkring; også over Juda skal det gå ut når Jerusalem blir kringsatt. / {* d.e. en skål med berusende vin; SLM 60, 5. JES 51, 17 fg.}
2Bal eeg, Yeruusaalem waxaan koob lagu dhacdhaco uga dhigi doonaa dadka ku wareegsan oo dhan, iyo weliba dalka Yahuudah, markii Yeruusaalem la hareereeyo.
3Og det skal skje på den dag at jeg vil gjøre Jerusalem til en sten å løfte på for alle folkene; alle som løfter på den, skal såre sig selv. Ja, alle jordens hedningefolk skal samle sig mot det.
3Oo waxay wakhtigaas ahaan doontaa inaan Yeruusaalem dhagax culaab badan uga dhigo dadyowga oo dhan, oo intii isku culaabaysa oo dhammuna aad bay u dhaawacmi doonaan, oo quruumaha dhulka oo dhammuna iyaday isu soo urursan doonaan inay la dagaallamaan.
4På den dag, sier Herren, vil jeg slå hver hest med skyhet og dens rytter med vanvidd; men over Judas hus vil jeg oplate mine øine, og alle folkenes hester vil jeg slå med blindhet.
4Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas faras kasta waan argaggixin doonaa, oo kan ku joogana waalli baan ku ridi doonaa, laakiin indhaha baan ku hayn doonaa dadka dalka Yahuudah, markaan faras kasta oo dadyowga indhatiro.
5Og Judas stammehøvdinger skal si i sitt hjerte: Vår styrke er Jerusalems innbyggere ved Herren, hærskarenes Gud, deres Gud.
5Oo taliyayaasha dalka Yahuudahna waxay qalbiga iska odhan doonaan, Kuwa Yeruusaalem deggan xooggii ay Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah ka heleen waa inoo xoog.
6På den dag vil jeg gjøre Judas stammehøvdinger lik et fyrfat mellem vedtrær og et ildbluss blandt kornbånd, og de skal fortære alle folkene rundt omkring, til høire og til venstre; og Jerusalem-folket skal fremdeles bli på sitt sted, i Jerusalem.
6Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda.
7Og Herren skal frelse Judas telter først, forat ikke Davids hus og Jerusalems innbyggere skal ha større herlighet enn Juda.
7Oo weliba Rabbigu wuxuu marka hore badbaadin doonaa teendhooyinka dadka Yahuudah, in sharafta reer Daa'uud iyo sharafta dadka Yeruusaalem degganu ayan ka sii weynaan tan dadka Yahuudah.
8På den dag skal Herren verne Jerusalems innbyggere, og den iblandt dem som snubler, skal på den dag være som David, og Davids hus skal være som Gud, som Herrens engel foran dem*. / {* 2MO 14, 19.}
8Wakhtigaas Rabbigu wuxuu daafici doonaa dadka Yeruusaalem deggan, oo kii iyaga ugu tabaryaru wakhtigaas wuxuu ahaan doonaa sida Daa'uud oo kale, oo reer Daa'uudna wuxuu noqon doonaa sida Ilaah oo kale, iyo sida malaa'igtii Rabbiga oo iyaga hor socota.
9Og på den dag vil jeg søke å ødelegge alle de hedningefolk som drar mot Jerusalem.
9Oo wakhtigaas waxaan doondoonayaa inaan wada baabbi'iyo quruumaha Yeruusaalem ku kaca oo dhan.
10Men over Davids hus og over Jerusalems innbyggere vil jeg utgyde nådens og bønnens ånd, og de skal skue op til mig som de har gjennemstunget; og de skal sørge over ham som en sørger over sin enbårne sønn, og klage sårt over ham som en klager over sin førstefødte.
10Oo reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba waxaan ku shubi doonaa ruuxa raxmadda iyo baryootanka, oo waxay arki doonaan aniga oo ah kii ay wareemeen, oo iyana isagay ugu barooran doonaan sida mid ugu baroorto wiilkiisa madiga ah, oo aad bay ugu murugoon doonaan isaga, sida mid ugu murugoodo curadkiisa.
11På den dag skal sorgen bli stor i Jerusalem, som sorgen over ulykken i Hadadrimmon i Megiddons dal*. / {* det sted hvor den fromme konge Josias blev dødelig såret; 2KR 35, 22 fg.}
11Wakhtigaas Yeruusaalem waxaa jiri doonta baroorasho weyn oo ah sidii baroorashadii Hadadrimmoon taasoo ku dhex tiil dooxada Megiddoo.
12Og landet skal sørge, hver slekt for sig, Davids huses slekt for sig og deres kvinner for sig, Natans huses* slekt for sig og deres kvinner for sig, / {* 2SA 5, 14. LUK 3, 31.}
12Oo dalkuna waa wada barooran doonaa, qooys kastaba gooni ahaantiisa, qooyska reer Daa'uud gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood, qooyska reer Naataanna gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood,
13Levis huses slekt for sig og deres kvinner for sig, sime'ittenes slekt for sig og deres kvinner for sig,
13qooyska reer Laawina gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood, qooyska reer Shimciina gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood,qooysaska hadhay oo dhan, mid kastaba gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood.
14og likeså alle de andre slekter, hver slekt for sig og deres kvinner for sig.
14qooysaska hadhay oo dhan, mid kastaba gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood.