1Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.
1Laulge Issandale uus laul, laulge Issandale, kõik maailm!
2Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
2Laulge Issandale, kiitke tema nime, kuulutage päevast päeva tema päästet!
3Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
3Jutustage paganate seas tema au, tema imeasju kõigi rahvaste seas!
4Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
4Sest Issand on suur ja väga kiidetav ja tema on kardetavam kui kõik muud jumalad.
5Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
5Sest teiste rahvaste jumalad on ebajumalad, aga Issand on teinud taeva.
6Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.
6Aulikkus ja auhiilgus on tema palge ees, võimsus ja ilu on tema pühamus.
7Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
7Rahvaste suguvõsad! Andke Issandale, andke Issandale au ja võimus!
8Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.
8Andke Issandale tema nime au, tooge annetusi ja tulge tema õuedesse!
9Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
9Kummardage Issandat pühas ehtes, kõik maailm värisegu tema palge ees!
10Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya, Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin, Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.
10Öelge paganate seas: Issand on kuningas! Siis maailm jääb kindlaks, ei see kõigu. Tema mõistab rahvastele õiglast kohut.
11Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,
11Taevad rõõmustagu ja maa ilutsegu, kohisegu meri ja mis seda täidab!
12Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen, Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed,Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.
12Hõisaku väljad ja kõik, mis seal on! Siis rõkatagu rõõmust kõik metsapuud
13Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.
13Issanda palge ees, sest tema tuleb! Sest ta tuleb kohut mõistma maailmale. Ta mõistab kohut maailmale õiguses ja rahvaile oma ustavuses.