Somali

Estonian

Psalms

97

1Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo, Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.
1Issand on kuningas, maa ilutsegu! Rõõmustagu saarte hulk!
2Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur, Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.
2Pilved ja pimedus on tema ümber, õigus ja õiglus on ta aujärje alus.
3Waxaa hortiisa socda dab, Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.
3Tuli käib tema palge ees ja põletab vaenlased tema ümber.
4Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey, Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.
4Tema välgud valgustavad maailma, maa näeb ning vabiseb.
5Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale, Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan.
5Mäed sulavad nagu vaha Issanda ees, kogu ilmamaa Issanda ees.
6Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa, Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.
6Taevad kuulutavad tema õigust ja kõik rahvad näevad tema au.
7Kuwa sanamyada la qoray u adeega Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen, Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.
7Häbi tunnevad kõik kujude kummardajad, kes kiitlevad ebajumalaist. Kummardage teda, kõik jumalad!
8Rabbiyow, Siyoon way maqashay, wayna faraxday, Oo gabdhihii reer Yahuudahna waxay ku reyreeyeen garsooriddaadii.
8Siion kuuleb seda ja rõõmustab, ja Juuda tütred ilutsevad sinu õiglastest kohtuotsustest, Issand.
9Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan, Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.
9Sest sina, Issand, oled Kõigekõrgem üle kogu ilmamaa, sa oled väga ülendatud üle kõigi jumalate.
10Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada, Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.
10Teie, kes armastate Issandat, vihake kurja! Tema hoiab oma vagade hingi, ta kisub nad ära õelate käest.
11Waxaa kuwa xaqa ah loo beeray iftiin, Kuwa qalbigoodu qumman yahayna, farxad.Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa, Oo magiciisa quduuska ah ku mahad naqa.
11Valgus koidab õigele ja rõõm neile, kes õiglased südamelt.
12Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa, Oo magiciisa quduuska ah ku mahad naqa.
12Rõõmustage Issandas, te õiged, ja tänage tema püha nime!