1Ku alla kii edbinta jecelu aqoon buu jecel yahay, Laakiinse kii canaanta necebu waa doqon.
1Joka rakastaa tietoa, rakastaa kuria, tyhmä se, joka nuhteita vihaa.
2Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.
2Hyvä ihminen on Herralle mieleen, mutta juonittelijan hän tuomitsee.
3Ninna shar kuma dhismi doono, Laakiinse kuwa xaqa ah xididkooda weligiis lama dhaqaajin doono.
3Vääryyden varassa ei kukaan kestä, mutta vanhurskas on vankasti juurillaan.
4Naagtii toolmoonu waxay ninkeeda u tahay taaj, Laakiinse tii ceebalay ahu waa sida qudhun isaga lafaha kaga jira.
4Kunnon vaimo on miehensä kruunu, kunnoton on kuin hivuttava tauti.
5Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin, Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano.
5Hurskaiden aikeet ovat puhtaat, jumalattomilla on vilppi mielessä.
6Kuwa sharka leh erayadoodu waa gabbasho ay u gabbadaan si ay dhiig u daadiyaan, Laakiinse kuwa qumman afkooda ayaa samatabbixin doona.
6Väärämielisen sanat ovat tappava loukku, oikeamielisen puhe on pelastukseksi.
7Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.
7Jumalaton kaatuu, eikä mitään jää, mutta vanhurskaiden suku säilyy.
8Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.
8Mitä viisaampi, sitä kiitetympi, tyhmyri kerää vain halveksuntaa.
9Kii la fudaydsado oo midiidin lahu Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan.
9Parempi elää vaatimattomasti ja palvelijatta kuin leveästi mutta leivättä.
10Nin xaq ahu waa u tudhaa neefkiisa, Laakiinse kuwa sharka leh naxdintoodu waa naxariisla'aan oo keliya.
10Kunnon ihminen muistaa karjansa tarpeet, jumalaton ei sääliä tunne.
11Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.
11Leivässä pysyy, joka pellollaan pysyy, mieletön se, joka tavoittelee tyhjää.
12Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha, Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa.
12Jumalaton tavoittelee pahojen saalista, vanhurskas pysyy juurillaan.
13Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.
13Joka pahoja puhuu, kaatuu omaan ansaansa, vanhurskas selviää ahdingosta.
14Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.
14Puheistaan ihminen palkitaan, teot kiertyvät tekijänsä eteen.
15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.
15Tyhmä pitää omaa tietään oikeana, viisas se, joka neuvoja kuulee.
16Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.
16Tyhmä tuo heti julki suuttumuksensa, viisas nielee loukkauksen ja vaikenee.
17Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada, Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.
17Oikeutta auttaa, joka totta puhuu, valehtelija on vääryyden asialla.
18Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.
18Harkitsematon sana on kuin miekanpisto, viisaan puhe on lääkettä.
19Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa, Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa.
19Totuuden sanat kestävät iäti, valheen sanat vain tuokion.
20Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta, Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.
20Itsensä pettää, joka pahoja hautoo, iloita saa, joka hyviä neuvoja antaa.
21Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.
21Hurskas on turvassa kaikelta pahalta, jumalaton suistuu onnettomuuksiin.
22Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.
22Petollista puhetta Herra ei siedä, sanansa pitävä on hänelle mieleen.
23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.
23Viisas ei kersku tiedoillaan, tyhmä kuuluttaa julki tyhmyytensä.
24Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa, Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa.
24Ahkera päätyy päälliköksi, laiskuri toisten käskettäväksi.
25Ninkii caloolxumo gashaa wuu soo gotaa, Laakiinse eray wanaagsanu waa ka farxiyaa isaga.
25Huoli masentaa ihmismielen, hyvä sana sen ilahduttaa.
26Kan xaqa ahu deriskiisuu hanuuniyaa, Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu wuu ambiyaa iyaga.
26Hurskas pysyy kaukana pahasta, jumalattomien tie vie harhaan.
27Ninkii caajis ahu ma dubto wuxuu soo ugaadhsaday, Laakiinse ninkii dadaala maalkiisu waa qaali.Jidka xaqnimada nolol baa taal; Oo waddadeedana dhimasho kuma jirto.
27Veltto pyyntimies ei tavoita saalista, ahkeralle kertyy rikkauksia.
28Jidka xaqnimada nolol baa taal; Oo waddadeedana dhimasho kuma jirto.
28Vanhurskauden polku vie elämään, mutta monet kulkevat kuoleman tietä.