1Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa, Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa.
1Eristäytyvä ihminen katsoo vain itseensä -- riita on valmis, jos häntä neuvot.
2Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.
2Moukka ei yritäkään ymmärtää, silti hän tahtoo mielipiteensä julki.
3Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho, Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.
3Jumalattomuutta seuraa halveksunta, häpeän mukana tulee pilkka.
4Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.
4Syvä kuin meri on harkittu puhe, virraksi paisuu viisauden lähde.
5Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo, Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.
5Ei ole oikein pitää syyllisen puolta ja sortaa syytöntä oikeudessa.
6Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.
6Riita on lähellä, kun tyhmä puhuu, hän kärttää itselleen selkäsaunaa.
7Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.
7Oma suu on tyhmän tuho, omat sanat punovat hänelle ansan.
8Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
8Makealta maistuvat panettelijan puheet, ne painuvat syvälle sisimpään.
9Kii shuqulkiisa caajis ku ahu, Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.
9Joka hoitaa työnsä veltosti, on vahingontekijän veli.
10Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
10Herran nimi on vahva torni, hurskas rientää sinne ja saa turvan.
11Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.
11Omaisuus on rikkaalle vahva varustus, kuin korkea muuri -- niin hän luulee.
12Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor, Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.
12Ylpeys vie ihmisen perikatoon, kunnian tie käy nöyryyden kautta.
13Kii xaajo ka jawaabaa isagoo aan maqlin, Waa u nacasnimo iyo ceeb.
13Joka vastaa, ennen kuin on kuunnellut loppuun, saa osakseen häpeän ja tyhmyrin maineen.
14Nin qalbigiisu waa u adkaysan karaa cudurkiisa, Laakiinse qalbi jaban bal yaa u dulqaadan kara?
14Rohkeus auttaa kestämään sairaudenkin, mutta kuka jaksaa elää, jos rohkeus pettää?
15Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon, Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.
15Ymmärtäväinen tavoittelee tietoa, viisaan korva on aina sille avoin.
16Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.
16Lahja avaa ovet antajalleen, vie hänet mahtimiesten luo.
17Kii dacwaddiisa u hor mara, mid xaq ah baa la moodaa, Laakiinse deriskiisaa ka daba yimaada oo imtixaama isaga.
17Oikeudessa ensiksi puhuva on oikeassa -- kunnes vastapuoli panee hänet koetteelle.
18Saamigu wuxuu joojiyaa murammo, Oo wuxuu kala kaxeeyaa kuwa xoogga badan.
18Arpa riidat asettaa, ratkaisee väkevienkin välit.
19In walaal la xumeeyey la soo celiyo waa ka sii adag tahay in magaalo xoog leh la qabsado, Oo murammona waa ka xoog badan yihiin qalcad biraheeda.
19Loukattu veli on kuin linnoitettu kaupunki, riidat ovat kuin linnanportin salvat.
20Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa, Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.
20Puheesi mukaan saat purtavaa, sanoistasi riippuu, mitä saat niellä.
21Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka, Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.
21Kielen varassa on elämä ja kuolema -- niin kuin kieltä vaalit, niin korjaat hedelmää.
22Ku alla kii afo helaa wuxuu helaa wax wanaagsan, Oo Rabbigana raallinimuu ka helaa.
22Onnen löytää, joka vaimon löytää, hän on päässyt Herran suosioon.
23Miskiinku baryootan buu ku hadlaa, Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.
23Köyhä pyytää nöyrästi, rikas vastaa tylysti.
24Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.
24Paljon ystäviä -- vähän ystävyyttä, tosi ystävä on enemmän kuin veli.