1Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.
1Muista, poikani, mitä sinulle sanon, pidä mielessäsi minun neuvoni.
2Amarradayda xaji aad noolaatide, Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr.
2Muista ohjeeni, niin menestyt, saamiasi neuvoja varjele kuin silmäterää.
3Farahaaga ku xidho, Oo looxa qalbigaagana ku qoro.
3Pujota ne sormiisi, kirjoita sydämesi tauluun.
4Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay, Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy,
4Sano viisaudelle: "Sinä olet sisareni", kutsu ymmärrystä ystäväksesi.
5Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.
5Silloin varjellut toisen vaimolta, vieraalta naiselta, joka viekoittelee.
6Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,
6Kun seisoin ikkunan ääressä ja katsoin ulos kadulle,
7Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,
7näin nuoria miehiä, kokemattomia nuorukaisia, ja heidän joukossaan yhden, joka oli mieltä vailla.
8Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,
8Hän meni kadun yli, kääntyi kulmauksesta ja asteli kohti naisen taloa.
9Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.
9Oli jo ilta, alkoi hämärtää, päivä oli pimentymässä yöksi,
10Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.
10ja nainen tuli vastaan porton asussa ja viekkain aikein.
11Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.
11Kotona hän ei himoltaan rauhaa saa, hänen levottomat jalkansa tahtovat ulos.
12Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.
12Milloin hän on kadulla, milloin torilla, milloin missäkin vaanimassa.
13Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,
13Hän tarttuu poikaan, suutelee häntä ja julkeasti katsoen sanoo:
14Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey.
14"Olen luvannut uhrata yhteysuhrin, ja tänään täytän lupaukseni.
15Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.
15Siksi lähdin kadulle sinua vastaan -- juuri sinua etsin, ja nyt olet tässä!
16Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.
16Olen valmistanut vuoteen, levittänyt peitteet, monenväriset Egyptin pellavakankaat,
17Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe.
17ja pirskottanut niille mirhaa, aaloeta ja kanelia.
18Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.
18Tule, iloitaan yhdessä, nautitaan lemmestä aamuun asti!
19Waayo, ninkaygii guriga ma joogo, Oo meel fog buu u sodcaalay,
19Mieheni ei ole kotona, hän lähti pitkälle matkalle.
20Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado.
20Rahansakin hän otti mukaan, hän palaa kotiin vasta täydenkuun päivänä."
21Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.
21Niin nuorukainen taipuu naisen viekoituksiin, hullaantuu tämän houkuttelevista sanoista.
22Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,
22Auliisti hän lähtee naisen perään, niin kuin härkä teurastajan luo, kuin köytetty hullu kuritusta kohti.
23Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.
23Niin hän lentää satimeen kuin lintu, päätä pahkaa, eikä huomaa leikkivänsä hengellään, ennen kuin nuoli hänet lävistää.
24Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.
24Siispä, poikani, kuule minua, seuraa tarkoin mitä sanon.
25Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.
25Älä päästä sydäntäsi viettelijän teille, hänen poluilleen älä harhaudu,
26Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.
26sillä hän on syössyt monet tuhoon, lukemattomat ovat hänen uhrinsa.
27Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.
27Hänen talonsa kautta kulkee tuonelan tie, joka viettää kuoleman kammioihin.