Somali

Hebrew: Modern

Matthew

27

1Goortii aroortii la gaadhay wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan.
1ויהי לפנות הבקר ויתיעצו כל ראשי הכהנים וזקני העם על ישוע להמיתו׃
2Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.
2ויאסרו אתו ויוליכהו משם וימסרהו אל פונטיוס פילטוס ההגמון׃
3Markaas Yuudas, oo ahaa kii gacangeliyey, goortuu arkay in la xukumay, ayuu isqoomameeyey, oo soddonkii gogo' oo lacagta ahaa ayuu wadaaddadii sare iyo waayeelladii ku celiyey,
3וירא יהודה המסר אותו כי הרשיעהו וינחם וישב את שלשים הכסף אל הכהנים הגדולים והזקנים לאמר׃
4oo wuxuu ku yidhi, Waan dembaabay markaan gacangeliyey dhiig eed la'. Laakiin waxay ku yidhaahdeen, Maxaa noogu jira? Yeelkaa.
4חטאתי כי דם נקי הסגרתי והם אמרו מה לנו ולזאת אתה תראה׃
5Markaasuu lacagtii macbudka gudihiisa ku daadshay oo ka tegey, wuuna baxay oo isdeldelay.
5וישלך את הכסף אל ההיכל ויפן וילך ויחנק׃
6Kolkaasaa wadaaddadii sare lacagtii qaadeen oo waxay yidhaahdeen, Xalaal ma aha in khasnadda quduuska ah lagu rido, waayo, waa dhiig iibkiis.
6ויקחו ראשי הכהנים את הכסף ויאמרו לא נכון לנו לתתו אל ארון הקרבן כי מחיר דמים הוא׃
7Markaasay ka wada hadleen oo waxay ku iibsadeen dhulka dheriyasameeyaha in shisheeyaha lagu aaso.
7ויתיעצו ויקנו בו את שדה היוצר לקבורת הגרים׃
8Sidaa darteed ilaa maanta dhulkaas waxaa loogu yeedhaa dhulkii dhiigga.
8על כן שם השדה ההוא שדה הדם עד היום הזה׃
9Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga hadlay markuu yidhi, Waxay qaateen soddonkii gogo' oo lacagta ahaa oo ah iibkii lagu qiimeeyey isaga, kii bini Israa'iil ku qiimeeyeen.
9אז נתמלא מה שנאמר ביד ירמיה הנביא ויקחו שלשים הכסף אדר היקר אשר יקר מעל בני ישראל׃
10Waxayna ka bixiyeen dhulka dheriyasameeyaha sida Rabbigu iigu amray.
10ויתנו אתם אל שדה היוצר כאשר צוני יהוה׃
11Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.
11וישוע העמד לפני ההגמון וישאלהו ההגמון לאמר האתה הוא מלך היהודים ויאמר ישוע אתה אמרת׃
12Goortii wadaaddadii sare iyo waayeelladii ay ashtakeeyeen, waxba uma uu jawaabin.
12וידברו עליו שטנה הכהנים הגדולים והזקנים והוא לא ענה דבר׃
13Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan?
13ויאמר אליו פילטוס האינך שמע כמה הם מעידים בך׃
14Laakiin uguma uu jawaabin xataa eray keliya, sidaa darteed taliyihii ayaa aad ula yaabay.
14ולא ענהו אף דבר אחד ויתמה ההגמון עד מאד׃
15Taliyihii waxaa caadadiisu ahayd inuu iidda dadka u sii daayo maxbuuskay doonayaan.
15ומנהג ההגמון היה לפטר לעם בכל חג אסיר אחד את אשר יחפצו׃
16Markaasay waxay lahaayeen maxbuus caan ah oo la odhan jiray Baraabbas.
16ובעת ההיא היה להם אסיר ידוע ושמו בר אבא׃
17Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo?
17ויהי כאשר נקהלו ויאמר אליהם פילטוס את מי תחפצו כי אפטר לכם את בר אבא או את ישוע הנקרא בשם משיח׃
18Waayo, wuxuu ogaa inay hinaaso ugu soo dhiibeen.
18כי ידע אשר רק מקנאה מסרו אתו׃
19Kolkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u soo dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday.
19ויהי כשבתו על כסא הדין ותשלח אליו אשתו לאמר אל יהי לך דבר עם הצדיק הזה כי בעבורו עניתי הרבה היום בחלום׃
20Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo.
20והכהנים הגדולים והזקנים פתו את המון העם לשאל להם את בר אבא ולאבד את ישוע׃
21Laakiin taliyihii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labadooda kee baad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Waxay yidhaahdeen, Baraabbas.
21ויען ההגמון ויאמר אליהם את מי משניהם תחפצו כי אפטר לכם ויאמרו את בר אבא׃
22Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.
22ויאמר אליהם פילטוס ומה אעשה לישוע הנקרא בשם משיח ויענו כלם יצלב׃
23Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.
23ויאמר ההגמון מה אפוא הרעה אשר עשה ויוסיפו עוד צעק לאמר יצלב׃
24Bilaatos goortuu arkay inuusan waxba ka tari karin in rabshad kacdo maahee, ayuu biyo qaatay oo dadka hortooda ku gacmo dhaqday oo wuxuu yidhi, Anigu waan ka eedla'ahay ninkan xaqa ah dhiiggiisa. Idinku yeelkiinna.
24ויהי כראות פילטוס כי לא יועיל מאומה ורבתה עוד המהודה ויקח מים וירחץ את ידיו לעיני העם ויאמר נקי אנכי מדם הצדיק הזה אתם תראו׃
25Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado.
25ויענו כל העם ויאמרו דמו עלינו ועל בנינו׃
26Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
26אז פטר להם את בר אבא ואת ישוע הכה בשוטים וימסר אותו להצלב׃
27Markaasaa taliyaha askartiisii waxay Ciise geeyeen guriga taliyaha, oo waxay isaga ku soo ururiyeen askartii oo dhan.
27ויקחו אנשי הצבא אשר להגמון את ישוע ויביאהו אל בית המשפט ויאספו עליו את כל הגדוד׃
28Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan.
28ויפשיטו אותו את בגדיו ויעטפהו מעיל שני׃
29Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.
29וישרגו קצים ויעשו עטרת וישימו על ראשו וקנה בימינו ויכרעו לפניו ויתלוצצו בו לאמר שלום לך מלך היהודים׃
30Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen.
30וירקו בו ויקחו את הקנה ויכהו על ראשו׃
31Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
31ואחרי התלוצצם בו הפשיטו אותו את המעיל וילבישהו את בגדיו ויוליכהו לצלב׃
32Goortay soo baxeen, waxay arkeen nin reer Kuranaya ah oo Simoon la odhan jiray, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.
32ויהי בצאתם וימצאו איש קוריני ושמו שמעון ויאנסו אתו לשאת לו את צלבו׃
33Oo goortay yimaadeen meel Golgota la odhan jiray, tan la yidhaahdo meeshii dhakada,
33ויבאו אל המקום הנקרא גלגלתא הוא מקום גלגלת׃
34waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, goortuu dhadhamiyeyse wuu diiday inuu cabbo.
34ויתנו לו לשתות חמץ מזוג במרורה ויטעם ולא אבה לשתות׃
35Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen.
35ויהי כאשר צלבו אותו ויחלקו להם את בגדיו וגורל הפילו למלאת את אשר נאמר בפי הנביא יחלקו בגדי להם ועל לבושי יפילו גורל׃
36Meeshaasna ayay fadhiisteen oo dhawreen.
36וישבו שמה וישמרו אותו׃
37Waxay meel madaxiisa ka korraysa ku qoreen ashtakadii lagu ashtakeeyey oo leh, KANU WAA CIISE BOQORKA YUHUUDDA.
37וישימו את דבר אשמתו כתוב ממעל לראשו זה הוא ישוע מלך היהודים׃
38Markaasaa waxaa iskutallaabo lagu la qodbay laba tuug, mid midigta, midna bidixda.
38ויצלבו אתו שני פריצים אחד לימינו ואחד לשמאלו׃
39Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen,
39והעברים גדפו אותו ויניעו את ראשם׃
40waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, isbadbaadi, haddii aad tahay Wiilka Ilaah, oo iskutallaabta ka soo deg.
40ויאמרו אתה ההרס את ההיכל ובנהו בשלשת ימים הושע לנפשך ואם בן האלהים אתה רדה מן הצלב׃
41Sidaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen,
41וכן הלעיגו גם ראשי הכהנים עם הסופרים והזקנים לאמר׃
42Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. Waa Boqorka Israa'iil; haddeer iskutallaabta ha ka soo dego, annaguna waannu rumaysan doonnaaye.
42את אחרים הושיע ולעצמו לא יוכל להושיע אם מלך ישראל הוא ירד נא עתה מן הצלב ונאמין בו׃
43Ilaah buu isku halleeyey, haddeer ha bixiyo hadduu isaga ku faraxsan yahay, waayo, wuxuu yidhi, Waxaan ahay Wiilka Ilaah.
43בטח באלהים עתה יפלטהו אם חפץ בו כי אמר בן האלהים אני׃
44Tuugaggii iskutallaabaha lagu la qodbayna sidaas oo kale ayay u caayeen.
44וגם הפריצים הנצלבים אתו חרפהו כדברים האלה׃
45Hadda saacaddii lixaad ilaa saacaddii sagaalaad dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa.
45ומשעה הששית היה חשך על כל הארץ עד השעה התשיעית׃
46Abbaaraha saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani, waxaa weeye, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
46וכעת השעה התשיעית ויצעק ישוע בקול גדול אלי אלי למה שבקתני ותרגומו אלי אלי למה עזבתני׃
47Kuwa halkaas taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen, yidhi, Kanu wuxuu u yeedhayaa Eliyaas.
47ויאמרו מקצת העמדים שם כשמעם את זאת לאמר אל אליהו הוא קורא׃
48Kolkiiba midkood baa orday oo qaaday geed isbonji la yidhaahdo, oo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo.
48וימהר אחד מהם וירץ ויקח ספוג וימלא אתו חמץ וישימהו על קנה וישקהו׃
49Kuwa kale ayaa yidhi, Daaya aynu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo badbaadiyo.
49ושאר האנשים אמרו הניחו לו ונראה אם יבוא אליהו להושיעו׃
50Markaasaa Ciise goortuu mar kale cod weyn ku dhawaaqay, ruuxii bixiyey.
50וישוע הוסיף לקרא בקול גדול ותצא רוחו׃
51Oo bal eeg, daahi macbudka ayaa kor ilaa hoos laba u kala dillaacay, dhulkiina waa gariiray, dhagaxyadiina waa kala dildillaaceen.
51והנה נקרעה פרכת ההיכל מלמעלה למטה לשנים קרעים והארץ נרעשה והסלעים נבקעו׃
52Xabaalihiina waa furmeen, oo quduusiin badan oo hurdayna meydadkoodii waa la kiciyey.
52והקברים נפתחו ורבים מגופות הקדושים ישני אדמת עפר נעורו׃
53Sarakiciddiisa dabadeed ayay xabaalaha ka soo baxeen, oo waxay galeen magaalada quduuska ah, oo waxay u muuqdeen dad badan.
53ויצאו מן הקברים אחרי הקיצו ויבאו אל העיר הקדושה ויראו לרבים׃
54Boqol-u-taliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.
54ושר המאה והאנשים אשר אתו השמרים את ישוע כראותם את הרעש ואת אשר נהיתה נבהלו מאד ויאמרו אכן זה היה בן אלהים׃
55Waxaana halkaas joogay dumar badan oo meel fog ka eegayay, kuwii Ciise ka soo raacay Galili oo u adeegi jiray isaga,
55ותהיינה שם נשים רבות הראות מרחוק אשר הלכו אחרי ישוע מן הגליל לשרתו׃
56oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.
56ובתוכן מרים המגדלית ומרים אם יעקב ויוסי ואם בני זבדי׃
57Goortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xertiisa ahaa.
57ויהי בערב ויבא איש עשיר מן הרמתים ושמו יוסף וגם הוא היה מתלמידי ישוע׃
58Kaasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo.
58ויגש אל פילטוס לשאל את גוית ישוע ויצו פליטוס כי תנתן לו׃
59Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay,
59ויקח יוסף את הגויה ויכרך אותה בסדין טהור׃
60oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.
60וישימה בקבר החדש אשר חצב לו בסלע ויגל אבן גדולה על פתח הקבר וילך לו׃
61Oo halkaas waxaa joogay Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale, oo waxay fadhiyeen meel xabaashii ka soo hor jeedda.
61ומרים המגדלית ומרים האחרת היו ישבות שם ממול הקבר׃
62Maalintii dambe oo ku xigtay Maalintii Diyaargarayska, wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay u wada yimaadeen Bilaatos,
62ויהי ממחרת ערב השבת ויקהלו הכהנים הגדולים והפרושים אל פילטוס׃
63oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa.
63ויאמרו אדנינו זכרנו כי אמר המתעה ההוא בעודנו חי מקצה שלשת ימים קום אקום׃
64Haddaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadin oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore.
64לכן צוה נא ויסכר מבוא הקבר עד היום השלישי פן יבאו תלמידיו בלילה וגנבהו ואמרו אל העם הנה קם מן המתים והיתה התרמית האחרונה רעה מן הראשונה׃
65Bilaatos wuxuu ku yidhi, Waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla intaad adkayn taqaaniin.Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.
65ויאמר אליהם פילטוס הנה לכם אנשי משמר לכו סכרוהו כדעתכם׃
66Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.
66וילכו ויסכרו את מבוא הקבר ויחתמו את האבן ויעמידו עליו את המשמר׃