Somali

Hebrew: Modern

Matthew

28

1Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan.
1ואחרי מוצאי השבת כשהאיר לאחד בשבת באה מרים המגדלית ומרים האחרת לראות את הקבר׃
2Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay.
2והנה רעש גדול היה כי מלאך יהוה ירד מן השמים ויגש ויגל את האבן מן הפתח וישב עליה׃
3Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad.
3ויהי מראהו כברק ולבושו לבן כשלג׃
4Oo cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad.
4ומפחדו נבהלו השמרים ויהיו כמתים׃
5Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutallaabta lagu qodbay.
5ויען המלאך ויאמר אל הנשים אתן אל תיראן הן ידעתי כי את ישוע הנצלב אתן מבקשות׃
6Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay.
6איננו פה כי קם כאשר אמר באנה ראינה את המקום אשר שכב שם האדון׃
7Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye.
7ומהרתן ללכת ואמרתן אל תלמידיו כי קם מן המתים והנה הוא הולך לפניכם הגלילה ושם תראהו הנה אמרתי לכן׃
8Dhaqsoba waxay xabaashii kala tageen baqdin iyo farxad weyn, oo waxay u ordeen inay xertiisa u warramaan.
8ותמהרנה לצאת מן הקבר ביראה ובשמחה גדולה ותרצנה להגיד לתלמידיו׃
9Kolkaasaa Ciise ka hor yimid oo ku yidhi, Nabad. Markaasay u dhowaadeen oo intay cagihiisa qabteen ayay caabudeen.
9הנה הלכות להגיד לתלמידיו והנה ישוע נקרה אליהן ויאמר שלום לכן ותגשנה ותאחזנה ברגליו ותשתחוין לו׃
10Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ha baqina. Taga oo walaalahay u sheega inay Galili tagaan, oo halkaasay igu arki doonaan.
10ויאמר אליהן ישוע אל תיראן לכנה והגדן לאחי וילכו הגלילה ושם יראוני׃
11Intay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan.
11ויהי בלכתן והנה אנשים מן המשמר באו העירה ויגידו לראשי הכהנים את כל הנעשה׃
12Iyaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen,
12ויקהלו עם הזקנים ויתיעצו ויתנו כסף לרב אל אנשי הצבא לאמר׃
13oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay.
13אמרו כי באו תלמידיו לילה ויגנבו אותו בהיותנו ישנים׃
14Oo haddii taliyihii waxan maqlo, waannu rumaysiinaynaa oo waannu idiin welwel tiraynaa.
14ואם ישמע הדבר לפני ההגמון אנחנו נפיסהו והייתם בלי פחד׃
15Markaasay lacagtii qaateen oo yeeleen sidii lagu yidhi. Hadalkanu maalintaas ilaa maanta waa ku dhex firdhisanaa Yuhuudda.
15ויקחו את הכסף ויעשו כאשר למדו ותצא השמועה הזאת בין היהודים עד היום הזה׃
16Markaasaa koob-iyo-tobankii xerta ahaa Galili tageen ilaa buurtii Ciise kula ballamay.
16ועשתי עשר התלמידים הלכו הגלילה אל ההר אשר צום ישוע׃
17Oo goortay arkeen isagii, way caabudeen, laakiin qaar baa shakiyey.
17ויהי כראותם אתו וישתחוו לו ומקצתם נחלקו בלבם׃
18Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey.
18ויגש ישוע וידבר אליהם לאמר נתן לי כל שלטן בשמים ובארץ׃
19Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa,oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.
19לכו ועשו לתלמידים את כל הגוים וטבלתם אתם לשם האב והבן ורוח הקדש׃
20oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.
20ולמדתם אתם לשמר את כל אשר צויתי אתכם והנה אנכי אתכם כל הימים עד קץ העולם אמן׃