Somali

Lithuanian

Acts

22

1Walaalayaal iyo aabbayaalow, maqla isdaafacidda aan imminka idiin sheegayo.
1“Vyrai broliai ir tėvai! Paklausykite, ką dabar pasakysiu sau apginti”.
2Kolkay maqleen inuu af Cibraaniga kula hadlay, ayay sidii hore ka sii aamuseen. Markaasuu ku yidhi,
2Išgirdę jį kreipiantis į juos hebrajiškai, jie dar labiau nurimo. O jis kalbėjo toliau:
3Waxaan ahay nin Yuhuudi ah oo ku dhashay Tarsos oo ku taal Kilikiya, laakiin magaaladan baa laygu koriyey anoo Gamalii'eel hoostiisa wax laygu baray sidii caadadii adkayd oo sharcigii awowayaasheen, anigoo Ilaah qiiro u leh sida aad dhammaantiin maanta tihiin.
3“Aš esu žydas, gimęs Tarse, Kilikijoje, bet išauklėtas šitame mieste, prie Gamalielio kojų, tobulai išmokytas pagal mūsų protėvių Įstatymą, ir buvau ypatingai uolus dėl Dievo, kaip ir jūs visi šiandien.
4Jidkanna waan silcin jiray tan iyo dhimasho, anigoo xidhaya oo xabsiga geeynaya rag iyo dumarba.
4Todėl iki mirties persekiojau šį Kelią, pančiodamas ir mesdamas į kalėjimą vyrus ir moteris.
5Sidatan ayay iigu markhaati furayaan wadaadka sare iyo waayeelladii oo dhammuba, kuwaasoo aan warqado uga helay walaalaha, oo aan Dimishaq u sodcaalay inaan kuwa halkaas joogayna, iyagoo xidhxidhan, Yeruusaalem keeno si loo ciqaabo.
5Tai gali paliudyti ir vyriausiasis kunigas, ir visa vyresniųjų taryba. Iš jų buvau gavęs laiškus broliams ir keliavau į Damaską, kad tenykščius surištus atgabenčiau į Jeruzalę nubausti.
6Oo waxaa dhacday, intaan sodcaalayay oo Dimishaq u soo dhowaanayay, iyadoo duhur ah, in dhaqsiba iftiin weyn oo samada ka yimid hareerahayga ka iftiimay.
6Man keliaujant ir artinantis prie Damasko, apie vidurdienį staiga mane apšvietė ryški šviesa iš dangaus.
7Markaasaan dhulka ku dhacay, oo waxaan maqlay cod igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?
7Aš kritau ant žemės ir išgirdau balsą, man sakantį: ‘Sauliau, Sauliau, kam mane persekioji?’
8Markaasaan u jawaabay oo ku idhi, Yaad tahay, Sayidow? Markaasuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha reer Naasared oo aad silcinaysid.
8Aš paklausiau: ‘Kas Tu esi, Viešpatie?’ Jis man atsakė: ‘Aš esu Jėzus iš Nazareto, kurį tu persekioji’.
9Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii.
9Buvusieji su manimi matė šviesą ir išsigando, bet negirdėjo man kalbančiojo balso.
10Markaasaan ku idhi, Maxaan sameeyaa, Rabbiyow? Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo Dimishaq gal; meeshaasaana laguugu sheegi doonaa waxa ku saabsan waxyaalihii lagu amray inaad samaysid oo dhan.
10Aš dar paklausiau: ‘Ką man daryti, Viešpatie?’ O Viešpats man tarė: ‘Kelkis, eik į Damaską, tenai tau bus pasakyta visa, ką tau reikia daryti’.
11Markaan waxba arki waayay dhalaalkii iftiinka aawadiis, kuwii ila joogay ayaa gacanta igu hagay oo waxaan imid Dimishaq.
11Kadangi tos šviesos šlovės apakintas nieko nebemačiau, palydovų už rankos vedamas pasiekiau Damaską.
12Oo mid la odhan jiray Ananiyas, oo nin cibaadaysan ahaa sida sharcigu leeyahay, oo ahaa mid Yuhuuddii halkaas joogtay oo dhanba marag wanaagsan u furtay,
12Toksai Ananijas, Įstatymo požiūriu dievotas vyras, apie kurį gerai liudijo visi aplinkiniai žydai,
13ayaa ii yimid oo iskay ag taagay isagoo igu leh, Walaal Sawlosow, araggaaga hel. Oo saacaddiiba waan arkay isagii.
13atėjęs stojo prieš mane ir tarė: ‘Broli Sauliau, praregėk!’ Ir tą pačią akimirką aš jį pamačiau.
14Markaasuu igu yidhi, Ilaaha awowayaasheen ayaa ku doortay inaad doonistiisa ogaatid, iyo inaad Kan Xaqa ah aragtid oo aad afkiisa cod ka maqashid.
14O jis kalbėjo: ‘Mūsų protėvių Dievas išsirinko tave, kad pažintum Jo valią, išvystum Teisųjį ir išgirstum balsą iš Jo lūpų,
15Maxaa yeelay, dadka oo dhan hortiisa waxaad isaga uga markhaati furaysaa waxaad aragtay oo aad maqashay.
15nes tu būsi Jo liudytojas visiems žmonėms, skelbdamas, ką girdėjai ir regėjai.
16Haddaba maxaad u sugaysaa? Kac ha lagu baabtiiso, oo dembiyadaada iska maydh, adoo magiciisa ku baryaya.
16Tad ko lauki? Kelkis, pasikrikštyk ir nusiplauk nuodėmes, šaukdamasis Viešpaties vardo!’
17Oo waxaa dhacday, markaan Yeruusaalem ku soo noqday dabadeed, intaan macbudka ku tukanayay, inaan riyooday,
17Vėliau, sugrįžęs į Jeruzalę ir melsdamasis šventykloje, patyriau Dvasios pagavą
18oo waxaan arkay isagoo igu leh, Degdeg, oo dhaqso Yeruusaalem uga bax; maxaa yeelay, markhaatigaad ii furaysid kaama ay aqbali doonaan.
18ir išvydau Jėzų. Jis pasakė: ‘Skubiai pasitrauk iš Jeruzalės, nes jie nepriims tavo liudijimo apie mane’.
19Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;
19Aš atsiliepiau: ‘Viešpatie, juk jie žino, kad Tavo tikinčiuosius iš visų sinagogų mesdavau į kalėjimą ir plakdavau.
20oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.
20O kai buvo pralietas tavo liudytojo Stepono kraujas, aš ten stovėjau pritardamas jo nužudymui ir saugodamas žudikų drabužius’.
21Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.
21Bet Jis tarė man: ‘Eik, nes Aš siųsiu tave toli, pas pagonis’ ”.
22Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.
22Jie klausėsi jo iki šitų žodžių, o čia ėmė garsiai šaukti: “Nušluoti nuo žemės jį! Tokiam nevalia gyventi!”
23Oo markay qaylinayeen oo dharka iska xoorayeen oo siigo hawada ku tuurayeen,
23Jie klykė, mosavo drabužiais ir svaidė į orą smėlį.
24ayaa sirkaalkii sare wuxuu amray in isagii qalcaddii la soo geliyo, oo wuxuu u sheegay in karbaash lagu imtixaamo si uu ku ogaado sababtii ay sidaas ugu qaylinayeen isagii.
24Tribūnas įsakė nuvesti Paulių į kareivines ir liepė tardyti plakant, kad išsiaiškintų, kodėl žmonės prieš jį taip rėkė.
25Oo markay suumanka ku xidheen dabadeed ayaa Bawlos wuxuu ku yidhi boqol-u-taliyihii oo ag taagnaa, Ma qaynuun baa inaad karbaashtaan nin reer Rooma ah oo aan la xukumin?
25Kai jau buvo pririštas diržais, Paulius kreipėsi į šalia stovintį šimtininką: “Ar jums leista plakti Romos pilietį, ir dar nenuteistą?”
26Markii boqol-u-taliyihii taas maqlayna, wuxuu u tegey sirkaalkii sare oo u sheegay, isagoo leh, Maxaad samaynaysaa? Waayo, ninkanu waa nin reer Rooma ah.
26Tai išgirdęs, šimtininkas priėjo prie tribūno ir pasakė: “Žiūrėk, ką darai! Tas žmogus yra Romos pilietis”.
27Markaasaa sirkaalkii sare u yimid oo ku yidhi isagii, Ii sheeg, ma nin reer Rooma ah baad tahay? Markaasuu yidhi, Haah.
27Tribūnas atėjęs paklausė: “Pasakyk man, ar tu Romos pilietis?” Paulius atsakė: “Taip”.
28Kolkaasaa sirkaalkii sare u jawaabay oo ku yidhi, Waddaninimadan waxaan siistay lacag badan. Laakiin Bawlos wuxuu ku yidhi, Anigu reer Rooma ayaan u dhashay.
28Tribūnas tarė: “Aš šitą pilietybę įsigijau už didelius pinigus”. Paulius atsiliepė: “O aš turiu ją nuo gimimo”.
29Haddaba kuwii doonayay inay isagii imtixaamaan markiiba way ka tageen, xataa sirkaalkii sarena waa cabsaday markuu ogaaday inuu yahay reer Rooma, maxaa yeelay, wuu xidhay.Laakiin maalintii dambe, isagoo doonaya inuu hubsado waxa Yuhuuddu ku dacwaysay, ayuu isagii furay, oo wuxuu wadaaddadii sare iyo shirka oo dhan ku amray inay isu yimaadaan, markaasuu Bawlos hoos u keenay oo soo hor taagay iyagii.
29Bematant pasitraukė nuo jo tie, kurie turėjo jį tardyti. Tribūnas išsigando, sužinojęs, kad Paulius yra Romos pilietis, ir kad jį surišo.
30Laakiin maalintii dambe, isagoo doonaya inuu hubsado waxa Yuhuuddu ku dacwaysay, ayuu isagii furay, oo wuxuu wadaaddadii sare iyo shirka oo dhan ku amray inay isu yimaadaan, markaasuu Bawlos hoos u keenay oo soo hor taagay iyagii.
30Rytojaus dieną, norėdamas tiksliau išsiaiškinti, kuo jis žydų kaltinamas, tribūnas išlaisvino jį iš grandinių, liepė sušaukti aukštuosius kunigus bei visą sinedrioną ir, atvedęs Paulių, pastatė jų akivaizdoje.