1Markaasaa Bawlos shirka aad u fiiriyey oo ku yidhi, Walaalayaalow, ilaa maalintan ayaan qalbi wanaagsan ku noolaa Ilaah hortiis.
1Skvarbiu žvilgsniu permetęs sinedrioną, Paulius prabilo: “Vyrai broliai! Iki šios dienos elgiausi Dievo akivaizdoje visiškai gryna sąžine”.
2Kolkaasaa wadaadkii sare oo Ananiyas la odhan jiray ku amray kuwii ag taagnaa inay afka ku dhuftaan.
2Bet vyriausiasis kunigas Ananijas įsakė šalia stovintiesiems smogti jam per burną.
3Markaasaa Bawlos ku yidhi, Ilaah baa kugu dhufan doona, kaaga derbi caddaysanow; ma waxaad u fadhidaa inaad sharciga igu xukuntid oo aad ku amartid in laygu dhufto si aan sharcigu lahayn?
3Tuomet Paulius jam tarė: “Tau smogs Dievas, tu, pabaltinta siena! Tu čia sėdi, kad mane teistum pagal Įstatymą, o liepi mane mušti prieš Įstatymą?”
4Markaasaa kuwii ag taagnaa waxay ku yidhaahdeen, Ilaah wadaadkiisa sare miyaad caayaysaa?
4Šalia esantys tarė: “Tu keiki vyriausiąjį Dievo kunigą?!”
5Bawlosna wuxuu ku yidhi, Walaalayaalow, anigu ma aan garanaynin inuu wadaadkii sare yahay; maxaa yeelay, waxaa qoran, Waa inaanad wax shar ah kaga hadlin nin dadkaaga u taliya.
5Paulius atsiliepė: “Broliai, aš nežinojau, kad jis vyriausiasis kunigas. Juk parašyta: ‘Nepiktžodžiauk savo tautos vadovui’ ”.
6Laakiin Bawlos markuu gartay in dadka qaarkiis Sadukiin yahay, qaarka kalena ay Farrisiin yihiin, ayuu shirkii ka dhex qayliyey oo yidhi, Walaalayaalow, anigu waxaan ahay Farrisi oo ah Farrisiinta wiilkood, oo wax ku saabsan rajada iyo sarakicidda kuwii dhintay ayaa laygu xukumayaa.
6Supratęs, kad viena dalis buvo sadukiejai, o kitafariziejai, Paulius sušuko sinedrionui: “Vyrai broliai, aš fariziejus, fariziejaus sūnus, ir esu teisiamas už mirusiųjų prisikėlimo viltį!”
7Oo markuu sidaas yidhina, waxaa Farrisiintii iyo Sadukiintii ka dhex dhacay muran, ururkiina waa kala qaybsamay.
7Jam tai pasakius, tarp fariziejų ir sadukiejų kilo barnis, ir susirinkimas suskilo.
8Maxaa yeelay, Sadukiintu waxay yidhaahdaan, Ma jiraan sarakicidda ama malaa'ig ama ruuxba; laakiin Farrisiintu kulligoodba way qirtaan.
8Mat sadukiejai sako, kad nėra nei prisikėlimo, nei angelų, nei dvasios, o fariziejai tuos dalykus pripažįsta.
9Markaasaa waxaa dhacay buuq weyn, oo qaar ka mid ah culimmadii safka Farrisiinta ayaa istaagay iyagoo hadal ku dagaallamaya oo leh, Ninkan wax shar ah kama helin; laakiin haddii ruux la hadlay isagii ama malaa'ig la hadashay, Ilaah la dagaallami mayno.
9Todėl kilo didelis triukšmas. Atsistoję fariziejų pusės Rašto žinovai griežtai prieštaravo, sakydami: “Mes nerandame nieko blogo šitame žmoguje. O jeigu jam kalbėjo dvasia arba angelas, nesipriešinkime Dievui!”
10Oo markii muran weyni dhacay, ayaa sirkaalkii sare wuxuu ka cabsaday inay Bawlos kala jeexjeexaan, markaasuu askartii ku amray inay hoos tagaan oo xoog isaga uga soo qaadaan dadka dhexdiisa, oo ay qalcaddii keenaan.
10Įsisiautėjus smarkiam ginčui, tribūnas, bijodamas, kad jie nesudraskytų Pauliaus, įsakė kareivių daliniui nusileisti žemyn, išplėšti Paulių iš jų ir nuvesti į kareivines.
11Haddaba habeenkii dambe Rabbiga ayaa is-ag taagay isagii oo ku yidhi, Kalsoonow, maxaa yeelay, sidaad Yeruusaalem iigu markhaati furtay waa inaad Roomana iigu markhaati furtid.
11Kitą naktį šalia jo stojo Viešpats ir tarė: “Būk drąsus, Pauliau! Kaip liudijai apie mane Jeruzalėje, taip turėsi liudyti ir Romoje”.
12Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane.
12Dieną slaptai susirinko žydų būrys ir prisiekė nei valgyti, nei gerti, kol nužudys Paulių.
13Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan.
13Tokią sankalbą padarė daugiau negu keturiasdešimt žmonių.
14Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno.
14Jie nuėjo pas aukštuosius kunigus bei vyresniuosius ir pasakė: “Mes siekte prisiekėme nieko neragauti, kol nužudysime Paulių.
15Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.
15Todėl dabar jūs kartu su sinedrionu prašykite tribūną, kad jis pristatytų jį jums rytoj, lyg norėtumėte tiksliau ištirti jo bylą. Tuo tarpu mes būsime pasiruošę užmušti jį kelyje”.
16Laakiin Bawlos wiilkuu abtiga u ahaa wuxuu maqlay gaadmadoodii, markaasuu yimid oo qalcaddii galay oo Bawlos u warramay.
16Apie šį suokalbį nugirdo Pauliaus sesers sūnus. Jis atėjo į kareivines ir pranešė Pauliui.
17Markaasaa Bawlos wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyayaashii midkood oo ku yidhi, Wiilkan u gee sirkaalka sare, maxaa yeelay, war buu qabaa inuu u sheego.
17Tada Paulius, pasivadinęs vieną šimtininką, paprašė: “Nuvesk šį jaunuolį pas tribūną. Jis turi jam kai ką pranešti”.
18Sidaas daraaddeed ayuu kaxeeyey oo u geeyey sirkaalkii sare oo ku yidhi, Bawlos oo maxbuuska ah ayaa ii yeedhay, oo wuxuu i weyddiistay inaan kuu keeno wiilka oo war qaba inuu kuu sheego.
18Tas, paėmęs jį, nuvedė pas tribūną ir paaiškino: “Kalinys Paulius pasišaukė mane ir paprašė, kad atvesčiau pas tave šitą jaunuolį. Jis turįs tau kai ką pasakyti”.
19Markaasaa sirkaalkii sare gacanta ku qabtay isagii oo gees ula leexday oo gooni ahaan u weyddiiyey isagoo leh, Waa maxay warkaad qabtaa inaad ii sheegtid?
19Tribūnas, paėmęs jį už rankos, pasivedė į šalį ir paklausė: “Ką turi man pranešti?”
20Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii.
20Tas atsakė: “Žydai susitarė prašyti tave, kad rytoj nuvestum Paulių į sinedrioną, neva norėdami tiksliau ištirti jo bylą.
21Haddaba yaanay ku oggolaysiin; maxaa yeelay, waxaa isagii gaadaya kuwa ka badan afartan nin oo iyaga ka mid ah, kuwaasoo nidar galay inayan wax cunin, waxna cabbin ilaa ay isaga dilaan; haddana diyaar bay yihiin, iyagoo ballanqaad kaa filanaya.
21Netikėk jais! Nes jo tyko daugiau negu keturiasdešimt vyrų, kurie prisiekė nei valgyti, nei gerti, kol jį nužudys. Jie jau dabar pasiruošę ir laukia tavo sutikimo”.
22Haddaba sirkaalkii sare wiilkii buu iska diray isagoo ku amraya oo leh, Ninna ha u sheegin inaad waxyaalahan ii muujisay.
22Tribūnas atleido jaunuolį ir griežtai įsakė: “Niekam nesakyk, kad tu man tai pranešei”.
23Markaasuu wuxuu u yeedhay laba ka mid ah boqol-u-taliyayaashii oo ku yidhi, Waxaad diyaarisaan inay saddexda saacadood oo habeennimo tagaan ilaa Kaysariya laba boqol oo askar ah iyo toddobaatan fardooley ah iyo laba boqol oo warmooley ah.
23Pasišaukęs du šimtininkus, tribūnas pasakė: “Nuo trečios valandos nakties laikykite parengtyje žygiuoti į Cezarėją du šimtus kareivių, septyniasdešimt raitelių ir du šimtus ietininkų.
24Wuxuu kaloo ku yidhi, Keena neefaf ay Bawlos fuuliyaan oo nabad isaga ugu geeya taliye Feelikos.
24Parūpinkite ir arklių, kad raitą Paulių saugiai nugabentų pas valdytoją Feliksą”.
25Markaasuu qoray warqad sidan ah:
25Ir jis parašė tokio turinio laišką:
26Kalawdiyos Lusiyas wuxuu salaamayaa taliyaha sharafka weyn leh oo Feelikos ah.
26“Klaudijus Lisijas kilniausiajam valdytojui Feliksui siunčia sveikinimą.
27Markii Yuhuuddu qabatay ninkan oo ay u dhowaayeen inay dilaan, ayaan askar la imid oo bixiyey, markaan ogaaday inuu reer Rooma yahay.
27Šitą vyrą žydai buvo nutvėrę ir norėjo nužudyti. Aš, atėjęs su kareiviais, jį išgelbėjau, sužinojęs esant Romos pilietį.
28Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay;
28Norėdamas patirti jo apkaltinimo priežastį, nuvedžiau jį į jų sinedrioną.
29kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho.
29Radau, kad jis kaltinamas dėl jų Įstatymo klausimų, o ne dėl kokio nusikaltimo, baustino mirtimi ar kalėjimu.
30Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.
30Kadangi man buvo pranešta apie žydų ruošiamą pasikėsinimą į šį vyrą, tai nedelsdamas siunčiu jį pas tave, nurodęs ir kaltintojams, kad jie tau pateiktų prieš jį turimus kaltinimus. Lik sveikas”.
31Sidaas daraaddeed ayaa askartii, sidii lagu amray, Bawlos kaxeeyeen, oo habeennimo keeneen Antibatris.
31Kareiviai, vykdydami įsakymą, paėmė ir nugabeno nakčia Paulių į Antipatridę.
32Laakiin maalintii dambe ayay fardooleydii daayeen inay isaga sii raacaan, iyaguna waxay ku noqdeen qalcaddii;
32Rytojaus dieną jie pasiuntė su juo raitelius, o patys sugrįžo į kareivines.
33kuwaasu markay Kaysariya yimaadeen oo ay warqaddii u dhiibeen taliyaha, ayay Bawlos hor taageen isagii.
33Anie, atvykę į Cezarėją, įteikė valdytojui laišką ir pristatė Paulių.
34Markuu akhriyeyna, wuxuu weyddiiyey gobolkii uu ka yimid; oo kolkuu ogaaday inuu Kilikiya ka yimid,ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.
34Perskaitęs laišką, jis pasiteiravo, iš kokios provincijos tas esąs. Sužinojęs, kad iš Kilikijos,
35ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.
35jis pasakė: “Aš tave išklausysiu, kai atvyks tavo kaltintojai”. Ir liepė jį saugoti Erodo pretorijuje.