1Kolkaasaa shan maalmood dabadeed waxaa yimid Ananiyas oo ahaa wadaadkii sare oo wata kuwo waayeellada ah iyo mid codkar ah oo Tertullos la odhan jiray; oo waxay taliyihii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah.
1Po penkių dienų atvyko vyriausiasis kunigas Ananijas su vyresniaisiais ir oratoriumi Tertulu. Jie pateikė valdytojui kaltinimus prieš Paulių.
2Oo markii loo yeedhay ayaa Tertullos wuxuu bilaabay inuu isagii dacweeyo, oo wuxuu yidhi,
2Kai pastarasis buvo iškviestas, Tertulas pradėjo savo kaltinamąją kalbą: “Tavo rūpesčiu turėdami tikrą taiką ir didelę gerovę šitoje tautoje,
3Annaguna si walba iyo meel walba ayaannu ku aqbalnaa, adigan Feelikos ah oo sharafka weyn lahow, oo aad iyo aad ayaannu ugu mahad naqaynaa.
3mes, prakilnusis Feliksai, visuomet ir visur tai pripažįstame su didžiu dėkingumu.
4Laakiin si aanan kuu sii daalin, waxaan kaa baryayaa inaad raxmaddaada nooga maqashid dhawr eray.
4Nenorėdamas tavęs ilgiau gaišinti, prašau tave trumpai mūsų paklausyti su savo įprastu maloningumu.
5Maxaa yeelay, waxaannu aragnay in ninkanu yahay nin baas oo fidmad ka dhex kiciya Yuhuudda dunida joogta oo dhan, waana kan horgalaha u ah dariiqada Naasaraaniyiinta;
5Mes nustatėme šį žmogų esant tarsi marą. Jis kursto maištą viso pasaulio žydijoje ir yra nazariečių sektos vadeiva.
6oo wuxuu aad ugu dadaalay inuu macbudka nijaaseeyo; oo weliba annagu waan soo qabannay isagii, oo waxaannu ku xukumi lahayn wax sharcigayaga ku saabsan.
6Jis net mėgino išniekinti šventyklą. Štai kodėl jį suėmėme ir norėjome nuteisti pagal savąjį Įstatymą.
7Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii,
7Bet tribūnas Lisijas su didele prievarta išplėšė jį iš mūsų rankų
8oo wuxuu kuwii soo dacwaynayay ku amray inay hortaada yimaadaan. Isaga markaad adiga qudhaadu imtixaantid waad ka ogaan kari doontaa waxyaalahan aannu isaga ku dacwaynayno oo dhan.
8ir liepė jo kaltintojams atvykti pas tave. Apie tai, kuo jį kaltiname, pats galėsi viską sužinoti, jį išklausinėjęs”.
9Oo Yuhuuddiina way ku darmadeen dacwadii iyagoo adkaynaya in waxyaalahaasu saas yihiin.
9Tiems žodžiams pritarė žydai, tvirtindami, kad taip esą iš tikrųjų.
10Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi.
10Valdytojui davus ženklą, Paulius atsakė: “Žinodamas tave jau daug metų esant šios tautos teisėju, drąsiai ginsiu savo bylą.
11Adigu waad ogaan karaysaa inayan laba iyo toban maalmood ka badnayn kolkii aan Yeruusaalem caabudidda u tegey.
11Tau nesunku nustatyti, jog praėjo ne daugiau kaip dvylika dienų, kai atvykau į Jeruzalę pagarbinti.
12Anigoo qof la doodaya ama dad badan kicinaya laygama helin ama macbudka ama sunagogyada ama magaalada.
12Ir niekas manęs nematė su kuo nors besiginčijant šventykloje nei suburiant minią sinagogose ar mieste.
13Kuumana ay caddayn karaan waxyaalihii ay imminka igu dacwaynayaan.
13Jie negali įrodyti to, kuo dabar mane kaltina.
14Laakiin tan baan kuu qiranayaa, inaan Ilaaha awowayaashayo ugu adeego sida Jidka ay yidhaahdaan dariiqo bidcinimo ah, anigoo rumaysan waxyaalaha sharcigu leeyahay oo dhan iyo waxyaalaha lagu qoray kitaabbadii nebiyada.
14Bet aš tau išpažįstu, jog tarnauju savo tėvų Dievui pagal Kelią, jų vadinamą sekta, tikėdamas visa, kas parašyta Įstatyme ir Pranašuose,
15Oo waxaan xagga Ilaah ka rajaynayaa waxyaalaha ay kuwan qudhooduba filanayaan, waana inay jiri doonto sarakicidda ay kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn soo sara kici doonaan.
15ir turiu viltį Dieve, kurią jie patys irgi pripažįsta, jog bus prisikėlimas iš numirusiųtiek teisiųjų, tiek neteisiųjų.
16Tan ayaan ku dadaalayaa inaan had iyo goorba qabo qalbi aan xumaan u keenin xagga Ilaah iyo xagga dadba.
16Todėl stengiuosi visuomet turėti tyrą sąžinę prieš Dievą ir prieš žmones.
17Haddaba sannado badan dabadeed ayaan waxaan u imid inaan quruuntayda u keeno sadaqooyin iyo qurbaanno.
17Aš po daugelio metų atkeliavau savo tautai atiduoti gailestingumo dovanų ir aukų.
18Markaan kuwaas keenayay ayay macbudka iga heleen, anigoo daahirsamay, oo aan dad badan la joogin, oo aan buuq ku jirin; laakiin waxaa joogay kuwo Yuhuud ah oo Aasiya ka yimid
18Todėl kai kurie Azijos žydai rado mane apsivaliusį šventykloje be jokios minios ir be jokio triukšmo.
19kuwaasoo ay waajib ahayd inay halkan hortaada joogaan oo ay i dacweeyaan haddii ay wax igu haystaan.
19Tai jiems reikėtų čia būti ir, jei ką turi prieš mane, kaltinti tavo akyse.
20Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,
20Pagaliau tegul ir šitie pasako, kokį nusikaltimą jie man įrodė, kai stovėjau prieš sinedrioną?
21haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.
21Nebent tik žodžius, kuriuos šaukiau, stovėdamas tarp jų: ‘Šiandien jūs mane teisiate už mirusiųjų prisikėlimą!’ ”
22Laakiin Feelikos oo aad u sii garanaya wax ku saabsan Jidka ayaa xaajadoodii dib u dhigay oo yidhi, Kolkii sirkaalka sare oo Lusiyas ah yimaado ayaan xaajadiinna dhammaan u garan doonaa.
22Feliksas, gerai nusimanydamas apie tą Kelią, tai išklausęs, atidėjo skundo svarstymą, sakydamas: “Kai atvyks tribūnas Lisijas, tuomet ir išaiškinsiu jūsų klausimą”.
23Markaasuu boqol-u-taliyihii ku amray in la ilaaliyo isagoo aan xidhnayn oo aan saaxiibbadiis laga joojin inay u adeegaan.
23Jis davė nurodymą šimtininkui saugoti Paulių, tačiau daryti jam lengvatų ir niekam iš jo žmonių nedrausti jam patarnauti ar pas jį ateiti.
24Laakiin dhawr maalmood dabadeed ayaa Feelikos yimid isagoo ay naagtiisa Darusilla oo Yahuudiyad ahayd la socoto, oo wuxuu u cid dirsaday Bawlos, oo wuxuu ka maqlay wax ku saabsan rumaysadkuu rumaystay Ciise Masiix.
24Po kelių dienų Feliksas atėjo su savo žmona Druzila, kuri buvo žydė. Jis liepė pakviesti Paulių ir išklausė jo apie tikėjimą Kristumi.
25Oo intuu kala hadlayay xaqnimada iyo iscelinta iyo xukunka imanaya, ayaa Feelikos cabsaday oo u jawaabay oo ku yidhi, Haatan iska tag; oo markaan wakhti wanaagsan helo ayaan kuu yeedhan doonaa.
25Pauliui dėstant apie teisumą, susilaikymą ir būsimąjį teismą, Feliksas išsigando ir tarė: “Šiam kartui užtenka. Gali eiti. Kai turėsiu laiko, tave pasišauksiu”.
26Wuxuu rajaynayay in Bawlos lacag siiyo isagii, sidaas daraaddeed ayuu marar badan u soo cid diray oo la hadlay isagii.Laakiin markii laba sannadood dhammaatay waxaa Feelikos jagadiisa qaatay Borkiyos Feestos; Feelikosna isagoo doonaya inuu Yuhuuddii ka farxiyo ayuu Bawlos daayay isagoo xidhan.
26Be to, jis tikėjosi, kad Paulius duos jam pinigų, jog jį išleistų, todėl dažniau jį kviesdavosi ir su juo kalbėdavosi.
27Laakiin markii laba sannadood dhammaatay waxaa Feelikos jagadiisa qaatay Borkiyos Feestos; Feelikosna isagoo doonaya inuu Yuhuuddii ka farxiyo ayuu Bawlos daayay isagoo xidhan.
27Prabėgus dvejiems metams, Feliksą pakeitė įpėdinis Porcijus Festas. Norėdamas padaryti žydams malonumą, Feliksas paliko Paulių kalėjime.