1Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen,
1Jiems dar kalbant miniai, prie jų priėjo kunigų, šventyklos apsaugos viršininkas ir sadukiejų,
2iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay.
2kurie buvo labai pasipiktinę, kad apaštalai mokė žmones ir skelbė mirusiųjų prisikėlimą Jėzuje.
3Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd.
3Jie suėmė juos ir įkalino iki kitos dienos, nes jau buvo vakaras.
4Laakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay abbaaraha shan kun.
4Bet daugelis, girdėjusių žodį, įtikėjo, ir tikinčiųjų skaičius padidėjo maždaug iki penkių tūkstančių.
5Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen;
5Rytojaus dieną Jeruzalėje susirinko tautos vadovai, vyresnieji ir Rašto žinovai,
6waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd.
6taip pat vyriausiasis kunigas Anas, Kajafas, Jonas, Aleksandras ir kiti vyriausiojo kunigo giminės.
7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?
7Pasistatę apaštalus viduryje, jie paklausė: “Kokia jėga ar kieno vardu jūs tai padarėte?”
8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,
8Tada Petras, kupinas Šventosios Dvasios, jiems atsakė: “Tautos vadovai ir Izraelio vyresnieji!
9haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,
9Jeigu dėl gero darbo ligotam žmogui šiandien mus klausinėjate, kaip jis buvo išgydytas,
10dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.
10tai tebūnie jums visiems ir visai Izraelio tautai žinoma: vardu Jėzaus Kristaus iš Nazareto, kurį jūs nukryžiavote ir kurį Dievas prikėlė iš numirusių! Jo dėka šis vyras jūsų akivaizdoje stovi sveikas.
11Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka.
11Jėzus yra ‘akmuo, kurį jūs, statytojai, atmetėte ir kuris tapo kertiniu akmeniu’.
12Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.
12Ir nėra niekame kitame išgelbėjimo, nes neduota žmonėms po dangumi kito vardo, kuriuo turime būti išgelbėti”.
13Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.
13Matydami Petro ir Jono drąsą ir patyrę, kad tai nemokyti, paprasti žmonės, jie labai stebėjosi; be to, atpažino juos buvus kartu su Jėzumi.
14Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.
14Bet, matydami stovintį su jais pagydytąjį, jie neturėjo ką pasakyti prieš.
15Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,
15Tada liepė jiems išeiti iš sinedriono ir ėmė tartis:
16Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.
16“Ką daryti su šitais žmonėmis? Juk visiems Jeruzalės gyventojams žinomas jų padarytas akivaizdus stebuklas, ir mes to negalime nuneigti.
17Laakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin.
17Bet kad dalykas neišplistų žmonėse, griežtai uždrauskime, kad jie nė vienam žmogui daugiau nekalbėtų tuo vardu”.
18Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin.
18Ir vėl juos pasišaukę, įsakė jiems išvis neskelbti ir nemokyti Jėzaus vardu.
19Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;
19Tačiau Petras ir Jonas jiems atsakė: “Spręskite patys, ar teisinga Dievo akivaizdoje jūsų klausyti labiau negu Dievo!
20waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.
20Juk mes negalime nekalbėti apie tai, ką matėme ir girdėjome”.
21Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.
21Prigrasinę jie paleido juos, nerasdami už ką bausti,dėl žmonių, nes visi garbino Dievą už tai, kas buvo įvykę.
22Waayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood.
22Vyras, kuris patyrė tą išgydymo stebuklą, buvo daugiau nei keturiasdešimties metų.
23Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan.
23Paleisti jie atėjo pas saviškius ir išpasakojo, ką jiems sakė aukštieji kunigai ir vyresnieji.
24Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan;
24Išklausę visi vieningai pakėlė balsus į Dievą ir sakė: “Valdove, Tu esi Dievas, sutvėręs dangų, žemę, jūrą ir visa, kas juose yra.
25kii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi, Quruumuhu maxay u cadhoodeen, Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn?
25Tu kalbėjai savo tarno Dovydo lūpomis: ‘Kodėl niršta pagonys, kam veltui tautos sąmokslus rengia?
26Boqorrada dhulku col bay u taagnaayeen. Taliyayaashuna intay is-urursadeen Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa;
26Žemės karaliai sukilo, valdovai susibūrė draugėn prieš Viešpatį ir Jo Kristų’.
27waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen,
27Prieš Tavo šventąjį Sūnų Jėzų, kurį Tu patepei, iš tiesų susibūrė Erodas, Poncijus Pilotas su pagonimis ir Izraelio tauta,
28inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan.
28kad įvykdytų, ką Tavo ranka ir sprendimas iš anksto buvo nulėmę įvykti.
29Laakiin Rabbiyow, eeg, way na cabsiinayaane; haddaba addoommadaada sii dhiirranaan oo dhan oo ay ereygaaga ku sheegaan,
29O dabar, Viešpatie, pažvelk į jų grasinimus ir duok savo tarnams su didžia drąsa skelbti Tavo žodį,
30intii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise.
30ištiesdamas savo ranką išgydymams, ir kad būtų daromi ženklai bei stebuklai Tavo šventojo Sūnaus Jėzaus vardu”.
31Oo markay tukadeen dabadeed, meeshay ku urursanaayeen baa gariirtay; oo dhammaantood waxaa ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo ereygii Ilaah bay dhiirranaan ugu hadleen.
31Jiems pasimeldus, sudrebėjo susirinkimo vieta, visi prisipildė Šventosios Dvasios ir drąsiai skelbė Dievo žodį.
32Oo intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen.
32Visa tikinčiųjų daugybė buvo vienos širdies ir vienos sielos. Ką turėjo, nė vienas nevadino savo nuosavybe, bet visa jiems buvo bendra.
33Oo rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay.
33Apaštalai su didžiule jėga liudijo apie Viešpaties Jėzaus prisikėlimą, ir gausi malonė buvo su jais visais.
34Mid wax la'aana iyaga kuma jirin, waayo, in alla intii dhul ama guryo lahayd way iibiyeen, oo qiimihii wixii la iibiyey ayay keeneen,
34Tarp jų nebuvo stokojančių, nes visi, kurie turėjo žemės sklypus ar namus, juos parduodavo, o už tai gautus pinigus atnešdavo
35oo rasuullada soo hor dhigeen; oo waxaa wax loo qaybshay mid kasta siduu wax ugu baahnaa.
35ir sudėdavo prie apaštalų kojų, ir kiekvienam buvo dalijama, kiek kam reikėjo.
36Markaasaa Yuusuf oo rasuulladu ugu yeedhi jireen Barnabas, kan lagu micneeyey Wiilkii dhiirigelinta, oo qoladiisu Laawi ahayd oo reer Qubrus u dhashay,intuu beer uu lahaa iibshay ayuu lacagtii keenay oo soo hor dhigay rasuullada.
36Jozė, apaštalų pramintas Barnabu (išvertus tai reiškia: “Paguodos sūnus”), levitas, kilęs iš Kipro,
37intuu beer uu lahaa iibshay ayuu lacagtii keenay oo soo hor dhigay rasuullada.
37pardavęs savo žemės sklypą, atnešė pinigus ir padėjo apaštalams po kojų.