1Laakiin nin Ananiyas la odhan jiray, isagoo haweenaydiisii Safira la jirto, ayuu xoolihiisii qaar iibshay,
1O vienas vyras, vardu Ananijas, su savo žmona Sapfyra pardavė nuosavybę
2markaasuu qiimihii, haweenaydiisii oo la og, intuu qaar la hadhay, qaar keenay oo rasuulladii soo hor dhigay.
2ir, žmonai pritariant, pasiliko dalį gautų pinigų, o kitą dalį atnešė ir padėjo prie apaštalų kojų.
3Laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shayddaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Quduuska ah been u sheegtid oo aad qiimihii dhulka qaar la hadhid?
3Petras paklausė: “Ananijau, kodėl šėtonas užvaldė tavo širdį, kad tu pamelavai Šventajai Dvasiai, pasilikdamas dalį už žemę gautų pinigų?
4Markaad haysatay, miyaanay waxaagii ahayn? Oo markii la iibshay dabadeedna, miyaanad adigu u talin? Maxaad waxan qalbigaaga u gelisay? Dad been uma aad sheegin, waxaadse u sheegtay Ilaah.
4Argi nebuvo tavo tai, ką turėjai, ir ką gavai pardavęs, argi nebuvo tavo žinioje? Tai kodėl gi taip sumanei savo širdyje? Tu pamelavai ne žmonėms, bet Dievui!”
5Markii Ananiyas hadalladaas maqlay ayaa, intuu dhulka ku dhacay, naftii ka dhacday; oo kuwii taas maqlay oo dhan cabsi weyn baa gashay.
5Išgirdęs tuos žodžius, Ananijas krito ant žemės ir mirė. Didelė baimė apėmė visus tai girdėjusius.
6Markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa, intay kaceen, isagay duudduubeen, markaasay qaadeen oo soo aaseen.
6Keli jaunuoliai pakilo, suvyniojo jį marškomis, išnešė ir palaidojo.
7Abbaaraha saddex saacadood dabadeed ayaa haweenaydiisii soo gashay iyadoo aan ogayn wixii dhacay.
7Po kokių trijų valandų atėjo jo žmona, kuri nežinojo, kas buvo atsitikę.
8Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Inaad dhulkii intaas ku iibiseen iyo in kale, ii kala sheeg. Markaasay tidhi, Haah, intaasaannu ku iibinnay.
8Petras ją paklausė: “Pasakyk man, ar už tiek pardavėte sklypą?” “Taip, už tiek”,atsakė ji.
9Laakiin Butros baa ku yidhi, Sidee baad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jirrabtaan? Bal eeg, kuwii ninkaaga soo aasay cagahoodii albaabka agtiisay ka soo sanqadhayaane. Adigana way ku qaadi doonaan.
9Tada Petras jai tarė: “Kodėl susitarėte mėginti Viešpaties Dvasią? Štai ties durimis skamba žingsniai tų, kurie palaidojo tavo vyrą. Jie ir tave išneš”.
10Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa.
10Bematant ji susmuko jam po kojų ir mirė. Atėję jaunuoliai rado ją negyvą, nunešė ir palaidojo šalia vyro.
11Markaasaa cabsi weyni gashay kiniisaddii iyo kuwii waxyaalahaas maqlay oo dhan.
11Didelė baimė apėmė visą bažnyčią ir visus, kurie apie tai išgirdo.
12Rasuulladii waxay gacmahooda dadka dhexdiisa ku sameeyeen calaamooyin iyo yaabab badan; iyagoo isku wada qalbi ah ayay waxay wada joogeen Balbaladii Sulaymaan.
12Per apaštalų rankas žmonėse vyko daug ženklų ir stebuklų. Visi jie vieningai rinkdavosi Saliamono stoginėje.
13Laakiin kuwii kale midkoodna kuma dhicin inuu iyaga ku darmado, hase ahaatee dadkii waa sharfeen iyaga;
13Iš kitų nė vienas neišdrįsdavo prie jų prisidėti. Žmonės juos labai gerbė.
14oo waxaa ku soo kordhay iyaga kuwa badan oo Rabbiga rumaystay, oo rag iyo dumarba leh;
14Ir vis labiau augo būrys vyrų ir moterų, įtikėjusių Viešpatį.
15xataa waxay noqotay inay kuwii bukay jidadka u soo saareen oo ku jiifiyeen sariiro iyo dermooyin si hooskiisu u dul maro qaarkood, markii Butros uu soo maro.
15Net į gatves nešdavo ligonius ir guldydavo ant neštuvų bei lovų, kad, Petrui praeinant pro šalį, bent jo šešėlis kristų ant gulinčiųjų.
16Oo waxaa kaloo ku soo ururay dad badan oo ka yimid magaalooyinkii Yeruusaalem ku wareegsanaa, iyagoo wada dad buka iyo kuwo jinniyo wasakh lahu derdereen; oo kulligood waa la wada bogsiiyey.
16Taip pat ir iš aplinkinių miestų daugybė žmonių keliaudavo į Jeruzalę, gabendami sergančius ir netyrųjų dvasių kankinamus, ir visi jie būdavo pagydomi.
17Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan,
17Tuomet sujudo vyriausiasis kunigas ir visi jo šalininkai iš sadukiejų partijos. Degdami pavydu,
18intay rasuulladii qabqabteen, xabsi ku rideen.
18jie suėmė apaštalus ir įmetė juos į viešą kalėjimą.
19Laakiin malaa'igtii Rabbiga ayaa habeennimo albaabbadii xabsiga ka furtay, oo intay dibadda u soo saartay, ku tidhi,
19Bet Viešpaties angelas naktį atidarė kalėjimo vartus, išvedė juos ir tarė:
20Taga oo macbudka isdhex taaga, oo waxaad dadka kula hadashaan erayada oo dhan ee Noloshan.
20“Eikite ir, atsistoję šventykloje, skelbkite žmonėms visus šio Gyvenimo žodžius”.
21Markay taas maqleen ayay, intay aroortii macbudkii galeen, dadkii wax bareen. Laakiin wadaadkii sare iyo kuwii la jiray ayaa yimid, oo waxay isugu yeedheen shirkii iyo duqowdii reer binu Israa'iil oo dhan, markaasay cid u direen xabsigii in kuwii xidhnaa laga keeno.
21Tai išgirdę, jie auštant nuėjo į šventyklą ir ėmė mokyti. Tuo metu vyriausiasis kunigas ir jo šalininkai sukvietė sinedrioną bei visą Izraelio tautos vyresniųjų tarybą ir nusiuntė į kalėjimą tarnus atvesti apaštalų.
22Laakiin saraakiishu markay xabsiga yimaadeen waa ka waayeen iyagii; markaasay shirkii ku noqdeen oo u warrameen,
22Bet tarnai nuėję nerado jų kalėjime ir sugrįžę pranešė:
23oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu aragnay xabsigii oo aad u xidhan, oo nimankii ilaalinayayna albaabbada ka taagan yihiin; laakiin markaannu furnay, ninna waa ka waynay.
23“Kalėjimą radome saugiai užrakintą ir sargybinius stovinčius prie vartų. Bet atidarę nieko viduje neradome!”
24Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan.
24Išgirdę tokį pranešimą, vyriausiasis kunigas, šventyklos apsaugos viršininkas ir aukštieji kunigai suglumo, nesuprasdami, ką tai galėtų reikšti.
25Mid baa intuu u yimid ku yidhi, Ogaada, nimankii aad xabsiga ku riddeen, macbudkay dhex taagan yihiin, oo dadkay wax ku barayaane.
25Tuomet kažkas atėjęs pranešė: “Tie vyrai, kuriuos buvote uždarę kalėjime, stovi šventykloje ir moko žmones”.
26Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo.
26Tada viršininkas su tarnais nuėjo ir atsivedė juos be prievartos, nes bijojo žmonių, kad neužmėtytų akmenimis.
27Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,
27Taigi atsivedę apaštalus, pastatė juos sinedrione. Vyriausiasis kunigas jiems tarė:
28oo yidhi, Waxaannu aad idiinku amarnay inaydnaan magacan wax ku barin; laakiin bal eega, waxaad Yeruusaalem ka buuxiseen waxbariddiinnii, oo weliba waxaad damacsan tihiin inaad ninkan dhiiggiisii dusha naga saartaan.
28“Argi mes jums drauste neuždraudėme mokyti tuo vardu, o štai jūs užtvindėte Jeruzalę savo mokymu ir dar norite ant mūsų užtraukti to žmogaus kraują”.
29Laakiin Butros iyo rasuulladii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaannu Ilaah addeecno intaannu dad addeeci lahayn.
29Petras ir apaštalai atsakė: “Dievo reikia klausyti labiau negu žmonių.
30Ilaahii awowayaashayo ayaa soo sara kiciyey Ciisihii aad geedka ku deldesheen oo disheen.
30Mūsų tėvų Dievas prikėlė Jėzų, kurį jūs nužudėte, pakabindami ant medžio.
31Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo.
31Dievas išaukštino Jį savo dešine kaip Karalių ir Išgelbėtoją, kad suteiktų Izraeliui atgailą ir nuodėmių atleidimą.
32Waxyaalahaas annagaa ka marag ah, waxaa kaloona ka marag ah Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah siiyey kuwa addeeca isaga.
32Mes esame Jo ir tų įvykių liudytojai, taip pat ir Šventoji Dvasia, kurią Dievas suteikė tiems, kurie Jam paklūsta”.
33Laakiin markay taas maqleen, way ka xanaaqeen, oo waxay ku tashadeen inay laayaan.
33Girdėdami šituos žodžius, jie baisiai įtūžo ir ketino juos užmušti.
34Laakiin waxaa shirkii iska dhex taagay mid Farrisiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Gamalii'eel, kaas oo ahaa macallinkii sharciga, dadkuna aad u maamuusi jireen, oo wuxuu amray in nimanka dibadda cabbaar loo saaro.
34Tuomet sinedrione pakilo vienas fariziejus, vardu Gamalielis, visos tautos gerbiamas Įstatymo mokytojas. Jis įsakė trumpam išvesti apaštalus
35Markaasuu iyagii ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, iska jira waxaad la damacsan tihiin inaad nimankaas ku samaysaan.
35ir tarė susirinkusiems: “Vyrai izraelitai! Gerai pagalvokite, kaip pasielgti su šitais žmonėmis.
36Maxaa yeelay, hadda ka hor waxaa kacay Tudas, isagoo nin weyn iska dhigaya, kaasoo niman badan oo qiyaas afar boqol gaadhaa raaceen. Isagii waa la dilay, oo intii addeecday oo dhammuna way kala firdheen, oo waxay noqdeen wax aan waxba ahayn.
36Juk prieš kiek laiko buvo iškilęs Teudas, kuris laikė save kažkuo nepaprastu. Prie jo prisidėjo apie keturis šimtus vyrų, bet jis buvo užmuštas, visi šalininkai išsisklaidė ir nuėjo niekais.
37Ninkaas dabadiis, waagii dadka la qori jiray, waxaa kacay Yuudas kii reer Galili, oo dad buu duufsaday; isaguna waa dhintay, oo intii addeecday oo dhammuna way kala firdheen.
37Po jo, gyventojų surašymo dienomis, atsirado Judas Galilėjietis ir patraukė nemažai žmonių paskui save. Jis taip pat žuvo, o visi jo sekėjai buvo išblaškyti.
38Haddaba waxaan idinku leeyahay, Nimankan faraha ka qaada oo iska daaya; waayo, taladan ama shuqulkanu hadday dad ka yimaadeen, waa baabbi'i doonaan;
38Todėl dabar jums sakau: palikite šituos žmones ramybėje ir paleiskite juos. Jei šis sumanymas ir ši veikla iš žmonių,jie žlugs savaime,
39laakiin hadday Ilaah ka yimaadeen, ma baabbi'in kari doontaan; haddii kale malaha waxaa la ogaan doonaa inaad Ilaah la diriraysaan.
39o jeigu tai iš Dievo, tai jūs nepajėgsite jų sunaikinti. Žiūrėkite, kad nepasirodytumėte kovojantys prieš Dievą!” Jie paklausė jo patarimo.
40Markaasay ku raaceen isaga; oo intay rasuulladii u yeedheen, ayay garaaceen, oo waxay ku amreen inayan magaca Ciise ku hadlin, markaasay sii daayeen.
40Pasišaukę apaštalus, nuplakdino juos, uždraudė kalbėti Jėzaus vardu ir paleido.
41Markaasay shirkii hortiisii ka tageen, iyagoo ku faraxsan in lagu tiriyey inay istaahilaan in Magaca aawadiis loo maamuus jebiyo.Maalin walba macbudka dhexdiisa iyo guryahaba kama ay joojin inay dadka baraan oo ku wacdiyaan wax ku saabsan Ciise Masiix.
41O tie ėjo iš sinedriono džiaugdamiesi, kad buvo palaikyti vertais dėl Jėzaus vardo iškęsti paniekinimą.
42Maalin walba macbudka dhexdiisa iyo guryahaba kama ay joojin inay dadka baraan oo ku wacdiyaan wax ku saabsan Ciise Masiix.
42Kiekvieną dieną šventykloje ir po namus jie nesiliovė mokyti bei skelbti Jėzų Kristumi.