Somali

Lithuanian

Amos

2

1Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Moo'aab sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay gubeen lafihii boqorka reer Edom ilaa ay nuurad noqdeen.
1Taip sako Viešpats: “Dėl trijų ar keturių Moabo nusikaltimų neatšauksiu bausmės, nes jis sudegino Edomo karaliaus kaulus.
2Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo reer Moo'aab waxay ku dhiman doonaan buuq iyo qaylo iyo buun dhawaaqiis.
2Aš pasiųsiu ugnį į Moabą, ir ji sudegins Kerijotų rūmus, ir Moabas mirs sąmyšyje, tarp šauksmų, skardenant trimitui.
3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu xaakinka waan ka baabbi'in doonaa dalka Moo'aab dhexdiisa, oo amiirradiisa oo dhanna waan la layn doonaa.
3Aš sunaikinsiu jo teisėją ir nužudysiu visus jo kunigaikščius”.
4Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Yahuudah sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu sharcigii Rabbiga way diideen, oo qaynuunnadiisiina ma ay xajin, oo beentoodii baa iyaga qaladday, taasoo ay awowayaashoodba daba socon jireen.
4Taip sako Viešpats: “Dėl trijų ar keturių Judo nusikaltimų neatšauksiu bausmės, nes jie paniekino Viešpaties įstatymą ir nesilaikė Jo įsakymų. Juos suklaidino jų pačių melai, kuriais sekė jų tėvai.
5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.
5Aš pasiųsiu ugnį į Judą, ir ji sudegins Jeruzalės rūmus”.
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, oo kii baahnaana waxay ku iibiyeen laba kabood.
6Taip sako Viešpats: “Dėl trijų ar keturių Izraelio nusikaltimų neatšauksiu bausmės, nes jie parduoda teisųjį už sidabrą, beturtį už sandalų porą.
7Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.
7Jie sutrypia silpnuosius ir iškreipia romiųjų kelią. Tėvas ir sūnus eina pas tą pačią moterį ir suteršia mano šventą vardą.
8Oo meel kasta oo allabariba agteed waxay ku jiifsadaan dhar rahmad loo qaatay, oo guriga Ilaahoodna waxay ku dhex cabbaan khamrigii kuwa la ganaaxay.
8Jie išsitiesia ant rūbų, paimtų už užstatą prie kiekvieno aukuro, geria pasmerktųjų vyną savo dievo namuose.
9Laakiin anigu hortoodaan ka baabbi'iyey kii reer Amor oo sarajooggiisu ahaa sida sarajoogga geedaha kedarka la yidhaahdo, oo u xoogga badnaa sida geedaha alloonka la yidhaahdo, oo weliba midhihiisii waan ka baabbi'iyey xagga sare, oo xididdadiisiina waan ka baabbi'iyey xagga hoose.
9Juk Aš išnaikinau dėl jūsų amoritus, nors jie buvo aukšti kaip kedrai ir stiprūs kaip ąžuolai. Aš sunaikinau jų vaisius virš žemės ir šaknis žemėje.
10Oo weliba dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo afartan sannadood ayaan cidladii idinku hor kacayay, si aad u hantidaan dalkii reer Amor.
10Aš jus išvedžiau iš Egipto krašto, vedžiojau dykumoje keturiasdešimt metų ir leidau užimti amoritų kraštą.
11Oo wiilashiinnii waxaan ka kiciyey nebiyo, oo barbaarradiinniina waxaan ka kiciyey kuwa Nadiirrada ah ee Ilaah loo soocay. Dadka Israa'iilow, sow saas ma aha? ayaa Rabbigu leeyahay.
11Iš jūsų sūnų Aš prikėliau pranašų ir iš jūsų jaunikaičių­nazarėnų. Ar ne taip, Izraelio vaikai?­ sako Viešpats.­
12Laakiinse idinku Nadiirradii waxaad siiseen khamri ay cabbaan, oo nebiyadiina intaad amarteen ayaad ku tidhaahdeen, Innaba waxba ha sii sheegina.
12Bet jūs girdėte nazarėnus vynu ir pranašams įsakėte: ‘Nepranašaukite!’
13Bal eega, hoostiina baan ugu hoos riixmay sida gaadhiga xidhmooyin bal ah ka buuxan u riixmo.
13Aš prislėgsiu jus, kaip slegiamas vežimas, kai būna pilnas javų.
14Kan dheereeyaa ma carari kari doono, oo kan xoogga badanuna xooggiisa kuma adkaan doono, oo kan itaalka badanuna isma samatabbixin doono,
14Tada greitasis nepaspruks, stipriajam nepadės jo jėga, karžygys neišsigelbės,
15oo kan qaansada haystaana isma taagi doono, oo kan cagaha ka dheereeyaana isma samatabbixin doono, oo kii faras ku joogaana isma samatabbixin doono,oo kuwa xoogga leh kii ugu geesinimo badanuna maalintaas wuu carari doonaa isagoo qaawan, ayaa Rabbigu leeyahay.
15lankininkas neišsilaikys, greitakojis neišbėgs ir raitelis neišsigelbės.
16oo kuwa xoogga leh kii ugu geesinimo badanuna maalintaas wuu carari doonaa isagoo qaawan, ayaa Rabbigu leeyahay.
16Net drąsiausias karžygys bėgs, viską palikęs, tą dieną,­sako Viešpats”.