Somali

Lithuanian

Amos

3

1Reer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh,
1Izraelitai, klausykite šito žodžio, kurį Viešpats kalbėjo prieš jus: “Klausyk, visa gimine, kurią išvedžiau iš Egipto krašto.
2Idinka oo keliya ayaan idinka iqiin qolooyinka dhulka deggan oo dhan, haddaba xumaatooyinkiinnii oo dhan ayaan idiin ciqaabi doonaa.
2Tik jus Aš išsirinkau iš visų žemės giminių. Todėl bausiu jus už visus jūsų nusikaltimus”.
3Laba qof miyey wada socdaan haddaanay heshiis ahayn?
3Argi gali dviese eiti kartu, jei nėra susitarę?
4Aar miyuu duudda ka ciyaa, hadduusan raq haysan? Aaran libaax miyuu bohoshiisa ka qayliyaa, hadduusan waxba soo qaadan?
4Argi liūtas riaumoja tankumyne, neturėdamas grobio? Argi jauniklis liūtas urzgia savo guolyje, nieko nesugavęs?
5Shimbiru miyey dabin dhulka ku kor yaal ku dhici kartaa, haddaan siriq loo dhigin? Dabin miyuu dhulka ka boodda isagoo aan innaba wax qabsan?
5Argi paukštis įkliūna į spąstus, jei juose nėra masalo? Argi spąstai pašoka, nieko nepagavę?
6Haddiise magaalo buun laga dhex afuufo, miyaan dadku cabsan? Miyaa belaayo magaalo ku dhacdaa, haddaan Rabbigu saas ku samayn?
6Argi, išgirdę trimitą mieste, žmonės nenusigąsta? Argi įvyksta nelaimė mieste, Viešpačiui jos neleidus?
7Sida xaqiiqada ah Sayidka Rabbiga ahu waxba ma samayn doono, inuu qarsoodiga u muujiyo addoommadiisa nebiyada ah mooyaane.
7Tikrai Viešpats Dievas nieko nedaro, neapreiškęs savo paslapties savo tarnams, pranašams.
8Aarkii waa ciyey, haddaba bal yaan cabsanayn? Sayidka Rabbiga ahu waa hadlay, haddaba bal yaa wax sii sheegi waayaya?
8Liūtui riaumojant, kas nebijotų? Viešpačiui Dievui kalbant, kas nepranašautų?
9Warkan ka dhex naadiya daaraha waaweyn ee Ashdood ku yaal iyo daaraha waaweyn ee dalka Masar ku dhex yaalba, oo waxaad tidhaahdaan, War waxaad ku soo shirtaan buuraha Samaariya korkooda, oo bal eega buuqa weyn oo halkaas ku jira, iyo dulmiga ku dhex jira.
9Skelbkite Ašdodo rūmuose ir Egipto krašto rūmuose, sakydami: “Susirinkite ant Samarijos kalnų, stebėkite didelius sąmyšius ir priespaudą joje.
10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa daarahooda waaweyn ku soo urursadaa wixii xoog iyo tuugnimo lagu soo dhacay ma ay gartaan si ay wax qumman u sameeyaan.
10Jie nežino, kaip teisingai elgtis,­sako Viešpats,­jie kaupia smurtą ir skriaudą savo rūmuose”.
11Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.
11Todėl Viešpats Dievas sako: “Priešas aplink tavo šalį, jis sutryps tavo galybę ir apiplėš rūmus”.
12Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida adhijirku afka libaaxa uga badbaadiyo laba lugood, amase dheg go'eed, saasoo kalaa loo badbaadin doonaa dadka Israa'iil ee Samaariya deggan oo ku fadhiya sariirta rukunkeeda iyo gogosha barkimaheeda xariirta ah.
12Taip sako Viešpats: “Kaip piemuo išplėšia iš liūto nasrų porą kojų ar ausies gabalą, taip bus išgelbėti izraelitai, kurie sėdi Samarijoje, guolio kampe, ir guli Damasko pataluose.
13Sayidka Rabbiga ah oo ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Maqla oo ku markhaati fura reerka Yacquub.
13Klausykite ir paliudykite tai Jokūbo namuose,­sako Viešpats Dievas, kareivijų Dievas.­
14Maalinta aan dadka Israa'iil xadgudubyadooda u ciqaabi doono ayaan weliba meelaha allabariga ee Beytel baabbi'in doonaa, oo meelaha allabariga geesahooda ka taagan waa la wada jari doonaa, oo dhulkay ku soo dhici doonaan.Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan dumin doonaa guryaha gabowga iyo guryaha kulaylkaba, oo guryaha foolmaroodiga ahuna way wada baabbi'i doonaan, oo daaraha waaweynuna way wada dhammaan doonaan.
14Tą dieną aplankysiu Izraelį dėl jo nusikaltimų, sunaikinsiu Betelio aukurus; aukuro ragai bus nudaužyti ir nukris ant žemės.
15Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan dumin doonaa guryaha gabowga iyo guryaha kulaylkaba, oo guryaha foolmaroodiga ahuna way wada baabbi'i doonaan, oo daaraha waaweynuna way wada dhammaan doonaan.
15Taip pat sunaikinsiu žiemos namus ir vasaros namus, pranyks dramblio kaulo rūmai ir didžiųjų pastatų neliks”.