1Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.
1Išgirskite šitą žodį, Bašano karvės, esančios Samarijos kalnyne, kurios spaudžiate vargšus, skriaudžiate neturtėlius ir sakote savo valdovams: “Atneškite, ir mes gersime!”
2Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay quduusnimadiisa, isagoo leh, Bal eega, waxaa iman doona wakhti laydinkula tegi doona qabatooyin, oo jillaabbo baa lagu qabsan doonaa kuwiinna hadhay.
2Viešpats Dievas prisiekė savo šventumu: “Štai ateis jums dienos, kai jus ištrauks kabliais ir jūsų palikuonis kaip žuvis ant kabliuko.
3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkiin kastaaba meelaha jajaban buu ka soo dusi doonaa hortiisa, oo waxaad isku tuuri doontaan Harmoon.
3Jūs išeisite pro spragas, kiekviena tiesiausiu keliu, ir būsite išmestos Harmone,sako Viešpats”.
4Beytel kaalaya, oo xadgudba, Gilgaal kaalaya, oo xadgudubyo sii badiya, oo subax walba allabaryadiinna keena, oo marba saddexdii maalmood waxaad keentaa meeltobnaadyadiinna.
4“Eikite į Betelį ir į Gilgalą ir ten nusikalskite! Aukokite rytais aukas, kas trečią dieną neškite dešimtines.
5Oo allabari mahadnaqid ah ka bixiya wixii la khamiiriyey, oo waxaad ku dhawaaqdaan oo naadisaan qurbaanno ikhtiyaar loo keeno, waayo, saasaad jeceshihiin, dadka Israa'iilow, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
5Aukokite raugintos duonos padėkos auką, skelbkite laisvos valios aukas! Juk tai jums patinka, izraelitai”,sako Viešpats Dievas.
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkiinna oo dhan waxaan idinku siiyey ilko nadiifsan oo ka timaado cuntola'aan ka dhacda meelihiinna oo dhan, laakiinse iima aydaan soo noqon.
6“Aš daviau jums švarius dantis visuose jūsų miestuose ir duonos stoką visose vietovėse. Tačiau jūs nesugrįžote pas mane”,sako Viešpats.
7Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay.
7“Aš nedaviau jums lietaus likus trims mėnesiams iki pjūties. Aš leidau lyti viename mieste, o kitame sulaikiau lietų. Vietomis palijo, o ten kur nelijo, viskas išdžiūvo.
8Sidaas daraaddeed laba ama saddex magaalo ayaa magaalo u soo wareegay inay biyo ka cabbaan aawadeed, oo kamana ay wabxin, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
8Du ar trys miestai ėjo į vieną miestą atsigerti vandens, bet troškulio nenumalšino. Tačiau jūs nesugrįžote pas mane”,sako Viešpats.
9Waxaan idinku dhuftay beera-engeeg iyo caariyaysi, oo beerihiinnii badnaa, iyo beercanabyadiinnii, iyo dhirtiinnii berdaha ahayd, iyo dhirtiinnii saytuunka ahaydba waxaa wada laasatay koronkorrada, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
9“Aš naikinau sausra ir pelėsiais jūsų laukų derlių, išdžiovinau sodus ir vynuogynus, figmedžius ir alyvmedžius nuėdė skėriai. Tačiau jūs nesugrįžote pas mane”,sako Viešpats.
10Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
10“Aš siunčiau jums marą kaip Egipte, išžudžiau kardu jūsų jaunuolius, žirgus atidaviau kaip grobį. Jūsų stovyklų smarvė pasiekė jūsų nosis, tačiau jūs nesugrįžote pas mane”,sako Viešpats.
11Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
11“Aš naikinau jus kaip Sodomą ir Gomorą, ir jūs tapote kaip nuodėgulis, ištrauktas iš ugnies. Tačiau jūs nesugrįžote pas mane, sako Viešpats.
12Haddaba dadka Israa'iilow, sidaasaan idinku samayn doonaa, oo waxan aan idinku samayn doona aawadeed isu diyaariya inaad Ilaahiinna la kulantaan, dadka Israa'iilow.Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.
12Izraeli, Aš taip su tavimi pasielgsiu, todėl pasiruošk sutikti savo Dievą!”
13Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.
13Nes štai Tas, kuris sukūrė kalnus bei sutvėrė vėją, kuris apreiškia žmogui savo mintis. Jis aušrą paverčia tamsa ir kalnų viršūnės yra po Jo kojomis. Viešpats, kareivijų Dievas, yra Jo vardas.