Somali

Lithuanian

Amos

6

1Waxaa iska hoogay kuwa Siyoon xasilloonaan ku nool, oo buurta Samaariya ammaan ku deggan, kuwaasoo ah kuwa caanka ah ee madaxda quruumaha oo dadka Israa'iil u yimaadaan!
1Vargas tiems, kurie nerūpestingai gyvena Sione ir pasitiki Samarijos kalnu, kurie vadinami tautų pažiba, pas kuriuos susirinko Izraelio namai.
2Kalneh u gudba oo bal eega, oo halkaasna ka sii taga Xamaad tan weyn, dabadeedna waxaad sii tagtaan Gad ta reer Falastiin. Iyagu miyey ka wanaagsan yihiin boqortooyooyinkaas? Dalkoodu miyuu ka weyn yahay dalkiinna?
2Eikite į Kalnę ir pasižiūrėkite; iš ten į didįjį miestą Hamatą, o po to nusileiskite į filistinų Gatą. Ar jūs geresni už šitas karalystes, ar jūsų kraštas didesnis už jų kraštus?
3Waxaa iska hoogay kuwiinna maalintii sharka fogeeya, oo ka dhiga fadhigii dulmiga inuu soo dhowaado,
3Jūs nenorite galvoti apie nelaimės dieną, tačiau priartinate smurto viešpatavimą!
4oo sariiro foolmaroodi ah ku jiifsada, oo gogosha isku kala bixiya, oo cuna baraarka idaha iyo weylaha edegga ku dhex jira,
4Jūs gulite dramblio kaulo lovose ir išsitiesiate pataluose, valgote ėriukus iš bandos ir veršius iš gardo.
5oo u heesa dhawaaqa shareeradda, oo isu hindisa alaab muusiko sidii kuwii Daa'uud,
5Jūs dainuojate, pritariant arfoms, ir kuriate muzikos kūrinius, lygindamiesi su Dovydu.
6oo khamriga maddiibadaha ku cabba, oo ku subkada saliidda ugu wada fiican, laakiinse kama murugaysna dhibaatada reer Yuusuf haysata.
6Jūs geriate vyną iš taurių ir tepatės geriausiu aliejumi, bet nesisielojate dėl Juozapo nelaimių.
7Haddaba sidaas daraaddeed iyagu waxay haatan raaci doonaan kuwa marka hore maxaabiis ahaanta loo kaxaysan doono, oo diyaafadda kuwa iskala bixin jiray waa dhammaan doontaa.
7Todėl jie pirmieji eis į nelaisvę ir pasibaigs tų, kurie gulėjo išsitiesę, lėbavimas.
8Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.
8Viešpats Dievas prisiekė savimi: “Aš bjauriuosi Jokūbo puikybe, nekenčiu jo rūmų ir atiduosiu miestą priešams su viskuo, kas jame yra”.
9Oo haddii toban nin guri keliya ku hadho way dhiman doonaan.
9Ir jei liks dešimt žmonių vienuose namuose, jie mirs!
10Oo markii nin adeerkiis oo ah kan isaga gubi doona uu kor u qaado inuu lafaha guriga ka soo bixiyo, oo uu ku yidhaahdo kan guriga gudihiisa shishe ku jira, War weli ma qaar baa kula jooga? Oo isna uu yidhaahdo, Maya, markaasuu ku odhan doonaa, War naga aamus, waayo, waa inaannan magaca Rabbiga soo qaadin.
10Paims juos giminaitis ar tas, kuris degina kūnus, ir išneš lavonus iš namų, ir sakys likusiam namuose: “Ar dar yra gyvų su tavimi?”, tas atsakys: “Nėra!” Ir jis sakys: “Tylėk! Negalima minėti Viešpaties vardo”.
11Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.
11Viešpats įsakys paversti didžiuosius namus griuvėsiais, o mažuosius sudaužyti į šipulius.
12Miyaa fardo dhagaxa ku ordi doonaan? Miyaase mid halkaas dibi ku beerjeexi doonaa? Laakiin, idinku garsooriddii waxaad u beddesheen xammeeti, oo midhihii xaqnimadana waxaad u beddesheen dacar.
12Argi žirgai bėga uolomis? Argi jas aria jaučiais? Tačiau jūs pavertėte teisingumą nuodais ir teisumo vaisių­kartėliu.
13Waxaad ku rayraysaan wax aan waxtar lahayn, oo waxaad tidhaahdaan, Miyaannan geeso kula soo yeelan xooggayaga?Laakiinse bal eega, dadka dalka Israa'iilow, Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruun baan idinku soo kicin doonaa, oo iyana waxay idinku dhibi doonaan tan iyo meesha Xamaad laga galo iyo ilaa webiga Carabaah.
13“Vargas tiems, kurie džiaugiasi niekais ir sako: ‘Ar ne savo jėgomis tapome galingi?’
14Laakiinse bal eega, dadka dalka Israa'iilow, Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruun baan idinku soo kicin doonaa, oo iyana waxay idinku dhibi doonaan tan iyo meesha Xamaad laga galo iyo ilaa webiga Carabaah.
14Izraelio namai, Aš sukelsiu prieš jus tautą, kuri pavergs jus nuo Hamato iki dykumos upelio”,­sako Viešpats, kareivijų Dievas.