Somali

Lithuanian

Amos

7

1Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, wuxuu sameeyey ayax markii fufkii dambe bilowday, oo bal eeg, waxay ahayd fufkii dambe markii boqorka cawskiisa la gooyay dabadeed.
1Viešpats Dievas parodė man tokį reginį: karaliaus pievas nušienavus, pradėjus želti vėlyvai žolei, Jis pasiuntė skėrių pulkus.
2Oo markay dhammeeyeen cunitaankii cawskii dalka ayaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, na cafi, waayo, bal reer Yacquub sidee bay isu taagi doonaan? Waayo, iyagu waa yar yihiin.
2Kai jie visiškai nuėdė žolę krašte, aš sakiau: “Viešpatie Dieve, meldžiu, atleisk! Kaip beištvers Jokūbas? Juk jis toks mažas”.
3Markaasaa Rabbigu taas ka soo noqday, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Taasu ahaan mayso.
3Viešpats gailėjosi dėl to. “Taip neįvyks”,­tarė Viešpats.
4Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu amray in dab lagu diriro, oo dabku wuxuu laastay moolkii weynaa, oo wuxuu cuni lahaa dhulka.
4Viešpats Dievas parodė man tokį reginį: Jis bausmei pašaukė ugnies liepsną, ta prarijo didžiąją gelmę ir buvo bepraryjanti kraštą.
5Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye jooji, waayo, bal reer Yacquub sidee bay isu taagi doonaan? Waayo, iyagu waa yar yihiin.
5Tada tariau: “Viešpatie Dieve, meldžiu, liaukis! Kaip beištvers Jokūbas? Juk jis toks mažas”.
6Markaasaa Rabbigu taas ka soo noqday, oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu yidhi, Taasuna ahaan mayso.
6Viešpats gailėjosi dėl to. “Taip irgi neįvyks”,­tarė Viešpats Dievas.
7Oo haddana wax buu i tusay, oo bal eeg, Sayidku wuxuu ag istaagay derbi xadhig miisaan leh lagu sameeyey, isagoo xadhig miisaan leh gacanta ku haysta.
7Viešpats Dievas parodė man tokį reginį: Viešpats stovėjo ant mūrinės sienos ir laikė rankoje svambalą.
8Markaasaa Sayidku wuxuu igu yidhi, Caamoosow, maxaad aragtaa? Oo anna waxaan ku idhi, Waxaan arkaa xadhig miisaan leh. Markaasaa Sayidku wuxuu yidhi, Bal eeg, anigu xadhig miisaan leh baan dhigi doonaa dadkayga Israa'iil dhexdooda, oo mar dambena iyaga iska dhaafi maayo.
8Viešpats klausė manęs: “Amosai, ką matai?” Aš atsakiau: “Svambalą”. Tada Viešpats tarė: “Aš dedu svambalą prie tavo tautos, Izraelio namų; daugiau nebepasigailėsiu jų.
9Oo meelaha sare ee reer Isxaaq cidla way noqon doonaan, oo meelaha quduuska ah ee dalka Israa'iilna way baabbi'i doonaan, oo anna reerka Yaaraabcaam seef baan kula kici doonaa.
9Izaoko aukštumos ir Izraelio šventyklos bus sunaikintos. Aš pakelsiu kardą prieš Jeroboamo namus”.
10Markaasaa Amasyaah oo ahaa wadaadkii Beytel fartiin u diray Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Caamoos shirqool buu kuugu dhigay dadka Israa'iil dhexdooda, oo dadka dhulkuna erayadiisa oo dhan ma qaadi karaan.
10Tada Betelio kunigas Amacija pasiuntė Izraelio karaliui Jeroboamui tokią žinią: “Amosas ruošia prieš tave sąmokslą Izraelyje, kraštas nebegali pakelti jo kalbų,
11Waayo, Caamoos wuxuu leeyahay, Yaaraabcaam seef buu ku dhimanayaa, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysanayaa dalkooda.
11nes Amosas sako: ‘Jeroboamas mirs nuo kardo, o Izraelis eis į nelaisvę, toli nuo savo krašto’ ”.
12Oo weliba Amasyaah wuxuu Caamoos ku yidhi, War wax arke yahow, tag, oo dalka Yahuudah u carar, oo halkaas wax ka cun, oo halkaas wax ku sii sheeg.
12Po to Amacija tarė Amosui: “Regėtojau, bėk į Judo šalį, valgyk ten duoną ir pranašauk.
13Laakiinse mar dambe Beytel waxba ha ku sii sheegin, waayo, waa boqorka meeshiisii quduuska ahayd oo waa daar boqoreed.
13Bet Betelyje daugiau nebepranašauk, nes čia yra karaliaus šventykla ir karališki namai”.
14Markaasaa Caamoos jawaabay oo wuxuu Amasyaah ku yidhi, Anigu nebi ma aan ahayn, nebi wiilkiisna ma aan ahayn, laakiinse waxaan jiray adhijir iyo mid midhaha darayga urursada,
14Amosas atsakė Amacijai: “Aš ne pranašas ir ne pranašo sūnus. Aš esu piemuo ir auginu šilkmedžius.
15oo Rabbigu waa ii soo yeedhay anigoo adhi jiraya, markaasuu Rabbigu igu yidhi, Tag, oo dadkayga Israa'iil wax u sii sheeg.
15Tačiau Viešpats, paėmęs mane nuo bandos, tarė: ‘Eik, pranašauk mano tautai, Izraeliui!’
16Haddaba bal maqal erayga Rabbiga. Adigu waxaad leedahay, Wax dadka Israa'iil ka gees ah ha sii sheegin, oo wax reer Isxaaq ka gees ahna ha ku hadlin.Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Naagtaadu dhillo bay ku ahaan doontaa magaalada, oo wiilashaada iyo gabdhahaaguba seef bay ku dhiman doonaan, oo dhulkaaga xadhig baa lagu qaybsan doonaa, oo adna waxaad ku dhex dhiman doontaa dal nijaasaysan, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysan doonaa dalkooda.
16Dabar klausyk Viešpaties žodžio. Tu sakai: ‘Nepranašauk prieš Izraelį ir nekalbėk prieš Izaoko namus!’
17Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Naagtaadu dhillo bay ku ahaan doontaa magaalada, oo wiilashaada iyo gabdhahaaguba seef bay ku dhiman doonaan, oo dhulkaaga xadhig baa lagu qaybsan doonaa, oo adna waxaad ku dhex dhiman doontaa dal nijaasaysan, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysan doonaa dalkooda.
17Todėl taip sako Viešpats: ‘Tavo žmona paleistuvaus mieste, sūnūs ir dukterys žus nuo kardo, tavo žemę išdalins, o tu pats mirsi pagonių krašte. Izraelis tikrai bus išvarytas į nelaisvę iš savo krašto’ ”.