Somali

Lithuanian

Amos

8

1Oo haddana Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo waxaan arkay dambiil midho bisilu ka buuxaan.
1Viešpats Dievas parodė man tokį reginį: štai pintinė prinokusių vaisių.
2Oo wuxuu igu yidhi, Caamoosow, maxaad aragtaa? Oo anna waxaan idhi, Waxaan arkaa dambiil midho bisilu ka buuxaan. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dadkayga Israa'iil dhammaadkoodii baa yimid, oo anigu mar dambe iyaga iska dhaafi maayo.
2Jis klausė: “Amosai, ką matai?” Aš atsakiau: “Pintinę prinokusių vaisų”. Tada Viešpats tarė man: “Atėjo galas mano tautai, Izraeliui; daugiau jos nebepasigailėsiu.
3Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas gabayada macbudku waxay ahaan doonaan baroor, oo waxaa jiri doona meydad badan, oo meel kasta aamusnaan baa loogu tuuri doonaa.
3Giesmės šventykloje virs raudojimu,­sako Viešpats Dievas.­Bus gausu lavonų, juos išmes tylėdami”.
4Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,
4Klausykite, kurie praryjate beturtį ir pražudote krašto vargšus,
5oo leh, Goormuu dayaxa cusubu dhammaan doonaa aan hadhuudhka iibinnee? Sabtiduse goormay na dhaafaysaa aannu sarreenka soo saarnee, idinkoo miisaanka eefaah yaraynaya, oo miisaanka sheqelkana weynaynaya, kafadahana khiyaano ku beenaynaya,
5sakydami: “Kada baigsis jaunas mėnulis ir galėsime parduoti javus? Kada baigsis sabatas ir galėsime pasiūlyti kviečius? Kada galėsime sumažinti saiką, padidinti svorį ir apgaudinėti neteisingomis svarstyklėmis?
6si aannu masaakiinta lacag ugu iibsanno oo aannu saboolka baahanna laba kabood u siisanno, oo aannu sarreenka xaabkiisa u iibinno?
6Mes pirksime vargšą už sidabrą, beturtį už porą sandalų, pelus parduosime kviečių vietoje”.
7Rabbigu waa ku dhaartay islaweynaanta reerka Yacquub, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah anigu shuqulladooda midnaba ka illoobi maayo.
7Viešpats prisiekė Jokūbo pasididžiavimu: “Niekados nepamiršiu jų darbų!”
8Tan daraaddeed miyaan dhulku la gariiri doonin, oo mid kasta oo degganuna miyuusan barooran doonin? Haah, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, oo wuu rogrogman doonaa, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.
8Ar dėl to neturėtų sudrebėti žemė ir liūdėti visi jos gyventojai? Ji pakils, patvins ir vėl atslūgs kaip Egipto upė.
9Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas waxaan ka dhigi doonaa in qorraxdu hadhkii dhacdo, oo dhulkana maalin cad baan gudcur ka dhigi doonaa.
9Viešpats Dievas sako: “Ir atsitiks tą dieną, kad saulė nusileis vidudienį ir šviesi diena taps naktimi.
10Iidihiinnana waan u beddeli doonaa tacsi, oo gabayadiinna oo dhanna baroorasho baan u beddeli doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa in qof kasta joonyad xidho oo madax kastana la xiiro, oo waxaan ka dhigi doonaa sidii baroorasho wiil madi ah loogu baroorto, oo dhammaadkeedana sidii maalin qadhaadh.
10Aš paversiu jūsų iškilmes į gedulą, giesmes į raudas. Užvilksiu visiems ašutines, plikai nuskusiu galvas, padarysiu jus lyg gedinčius vienintelio sūnaus. Jūsų galas bus karti diena.
11Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan dalka abaar u soo diri doono, mana ahaan doonto abaar cunto la waayo ama biyo loo oomo, laakiinse waxay ahaan doontaa abaar la waayayo erayada Rabbiga.
11Ateina dienos,­sako Viešpats,­ kai Aš siųsiu badą šaliai: ne duonos badą ir ne vandens troškulį, bet Viešpaties žodžio.
12Oo waxay wareegi doonaan bad ilaa ka bad, iyo woqooyi ilaa tan iyo bari, oo waxay u ordi doonaan hore iyo dib iyagoo doondoonaya erayga Rabbiga, oo mana ay heli doonaan innaba.
12Tada jie klajos nuo jūros iki jūros ir lakstys nuo šiaurės iki rytų, ieškodami Viešpaties žodžio, bet neras.
13Oo maalintaas ayaa bikradaha qurqurxoon iyo barbaarraduba oon daraaddiis la itaal darnaan doonaan.Kuwa ku dhaarta dembiga Samaariya oo yidhaahda, Daanow, waxaan ku dhaartay ilaahaaga, oo waxaan ku dhaartay jidka Bi'ir Shebac, way dhici doonaan oo mar dambena sooma ay kici doonaan.
13Tą dieną alps iš troškulio gražios mergaitės ir jaunuoliai,
14Kuwa ku dhaarta dembiga Samaariya oo yidhaahda, Daanow, waxaan ku dhaartay ilaahaaga, oo waxaan ku dhaartay jidka Bi'ir Shebac, way dhici doonaan oo mar dambena sooma ay kici doonaan.
14kurie prisiekia Samarijos nuodėme ir sako: ‘Tikrai gyvas dievas Dano mieste ir išgelbėtojas Beer Šeboje!’ Jie kris ir nebeatsikels”.