Somali

Lithuanian

Ecclesiastes

10

1Diqsiyadii dhintay saliidda cadarsameeyaha way qudhmiyaan, oo nacasnimadii yaruna saasoo kalay kan xigmadda loo sharfo u bi'isaa.
1Negyva musė sugadina vaistininko tepalą, menka kvailystė pakenkia išmintingam ir gerbiamam žmogui.
2Ninkii xigmad leh qalbigiisu xagga midigtuu u jeedaa, laakiinse nacaska qalbigiisu xagga bidixduu u jeedaa.
2Išmintingojo širdis linksta į dešinę, o kvailio­į kairę.
3Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.
3Kvailys, keliu eidamas, elgiasi neprotingai ir kiekvienam pasirodo, kad yra kvailas.
4Haddii taliyahu kugu dhirfo, meeshaada ha ka dhaqaaqin, waayo, qalbiqabowgu xumaano waaweyn wuu qabowjiyaa.
4Jei tavo valdovas supyko ant tavęs, nepalik savo vietos, nes romumas padengia dideles klaidas.
5Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka yimaada.
5Pasaulyje mačiau tokią blogybę, kuri yra tarsi valdovo klaida:
6Nacasnimadu waxay joogtaa meelo sarsare oo waaweyn oo taajiriintuna waxay fadhiyaan meel hoose.
6kvailiai sėdi garbės vietose, o turtingieji­pažeminti;
7Waxaan arkay addoommo fardo fuushan, iyo amiirro sida addoommo oo kale lugaynaya.
7mačiau tarnus, jojančius ant žirgų, o kunigaikščius, einančius pėsčiomis.
8Kii god qodaa isagaa ku dhici doona, oo ku alla kii deyr dumiyana abeesaa qaniini doonta.
8Kas kasa duobę, pats į ją įkris, o kas ardo mūrą, tam įgels gyvatė.
9Ku alla kii dhagaxyo rujiyaaba wuu ku dhaawacmi doonaa, oo kii qoryo jejebiyaana isagaa khatar ku geli doona.
9Kas tašo akmenis, gali susižeisti jais, o kas skaldo malkas, gali nuo jų nukentėti.
10Haddii birtu af beesho, oo aan la soofayn, waa in xoog badan lagu sii kordhiyaa, laakiinse xigmaddu faa'iido bay leedahay si loogu liibaano.
10Jei kirvis atbukęs ir nepagaląstas, reikės įdėti daugiau jėgų. Geriausia viską išmintingai apgalvoti.
11Haddii abeeso wax qaniinto iyadoo aan la falfalin, markaas ka dib falfalowgu waxtar ma leh.
11Gyvatė gali įgelti, kol ji dar neužkalbėta, ir plepys už ją ne geresnis.
12Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.
12Išmintingojo žodžiai maloningi, o kvailio kalbos pražudo jį patį;
13Erayada afkiisa bilowgoodu waa nacasnimo, oo dhammaadka hadalkiisuna waa waalli baas.
13jo kalbos pradžia yra kvailystė, o pabaiga­beprotybė.
14Nacasku hadalkiisa wuu badiyaa, waxa ahaan doona binu-aadmigu garan maayo, oo waxa dabadiis dhici doonana bal yaa u sheegi kara?
14Kvailys daug kalba. Nė vienas žmogus nežino, kas bus; kas gali jam pasakyti, kas bus po jo?
15Nacasyada hawshoodu midkood kastaba way daalisaa, maxaa yeelay, isagu xataa sida magaalada loo tago ma yaqaan.
15Kvailys nuo darbo greitai pavargsta, nes jis net kelio į miestą nežino.
16Dalkow, adaa iska hoogay, markii boqorkaagu ilmo yar yahay, oo amiirradaaduna ay aroortii wax cunaan!
16Vargas kraštui, kurio karalius yra vaikas ir kurio kunigaikščiai puotauja rytą.
17Dalkow, waad barakaysan tahay, markii boqorkaagu nin gobeed yahay, oo amiirradaaduna ay wakhti habboon wax u cunaan inay xoog ku yeeshaan ee aan ahayn inay sakhraamaan!
17Palaimintas kraštas, kurio karalius yra kilmingas ir kurio kunigaikščiai valgo laiku; ne pasigerdami, o pasistiprindami.
18Caajisnimo badan saqafku waa ku dumaa, oo shuqulla'aanta gacmahana gurigaa ku darroora.
18Dėl tinginystės namas griūna ir dėl rankų neveiklumo vanduo varva į namus.
19Diyaafadda waxaa loo dhigaa qosol aawadiis, khamriguna naftuu u raaxeeyaa, oo lacagtu wax kastaba way ka jawaabtaa.Boqorka ha ku caayin xataa fikirkaaga, oo taajirkana ha ku caayin qolladdaada jiifka, waayo, shimbir hawada duusha ayaa codkaaga qaadi doonta, oo wax baalal leh ayaa xaalka sheegi doona.
19Puotos ir vynas palinksmina, o pinigas už viską atsako.
20Boqorka ha ku caayin xataa fikirkaaga, oo taajirkana ha ku caayin qolladdaada jiifka, waayo, shimbir hawada duusha ayaa codkaaga qaadi doonta, oo wax baalal leh ayaa xaalka sheegi doona.
20Net mintyse nekeik karaliaus ir turtuolio savo miegamajame, nes padangių paukščiai nuneš žodį ir paskelbs, kas buvo pasakyta.