1Kibistaada biyaha korkooda ku tuur, waayo, maalmo badan dabadood waad heli doontaa.
1Mesk savo duoną ant vandens, nes tu ją rasi po daugelio dienų.
2Oo toddoba qaybood u kala qaybi iyo weliba siddeed, waayo, masiibada dhulka iman doonta garan maysid.
2Padalyk ją į septynias ar aštuonias dalis, nes nežinai, kokia nelaimė gali įvykti žemėje.
3Haddii daruuruhu roob ka buuxsamaan, dhulkay ku soo daataan, oo haddii geed xagga koonfureed amase xagga woqooyi u dhaco, meeshuu u dhacay ayuu oolli doonaa.
3Kai debesys pilni, jie duoda žemei lietaus. Kokia kryptimi medis griūva, taip jis ir guli.
4Kii dabaysha eegaa waxba ma uu beeran doono, oo kii daruuraha fiiriyaana waxba ma goosan doono.
4Kas žiūri vėjonesėja, kas stebi debesisnepjauna.
5Sida aadan dabaysha jidkeeda u garanayn, ama aadan sida lafuhu ugu dhex samaysmaan naag uur leh maxalkeed u garanayn, saas oo kale ayaadan shuqulka Ilaaha wax walba sameeya u garanayn.
5Kaip nežinai dvasios kelių ir kūdikio kaulų augimo įsčiose, taip nežinai ir darbų Dievo, kuris viską sukūrė.
6Iniinahaaga aroorta beero, oo fiidkana gacantaada ha ceshan, waayo, innaba garan maysid mid liibaani doona, kan ama kaas, iyo inay labadooduba isku si u wanaagsanaan doonaan iyo in kale.
6Sėk sėklą rytą ir vakare, nes nežinai, kuri geriau užderės; o gal abi bus vienodai geros.
7Sida runta ah iftiinku waa macaan yahay, oo indhahana way u wanaagsan tahay inay qorraxda arkaan.
7Šviesa yra maloni, akys mėgsta saulę.
8Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.
8Kiek ilgai žmogus begyventų, tegul džiaugiasi visą laiką ir nepamiršta, kad tamsių dienų bus daugybė. Visa, kas bus, yra tuštybė.
9Barbaarkow, barbaarnimadaada ku farax, oo wakhtiga dhallinyaranimadaadana qalbigaagu ha ku istareexiyo, oo sida qalbigaagu doonayo oo ay indhahaagu arkaanba u soco, laakiinse waxaad ogaataa in Ilaah waxyaalahaas aawadood oo dhan kuu xukumi doono.Haddaba sidaa daraaddeed qalbigaaga murugta ka durki, oo jidhkaagana xumaanta ka fogee, waayo, carruurnimada iyo dhallinyaranimaduba waa wax aan waxba tarayn.
9Jaunuoli, džiaukis savo jaunyste! Tegul tavo širdis džiugina tave ir eik, kur tavo širdis traukia ir kur akys mato, bet žinok, kad už viską turėsi atsiskaityti prieš Dievą.
10Haddaba sidaa daraaddeed qalbigaaga murugta ka durki, oo jidhkaagana xumaanta ka fogee, waayo, carruurnimada iyo dhallinyaranimaduba waa wax aan waxba tarayn.
10Nesirūpink, atitolink pikta nuo savo kūno, nes vaikystė ir jaunystė yra tuštybė.