1Markaasaa waxaa tegey nin reer Laawi ah, oo wuxuu guursaday gabadh reer Laawi iyana ah.
1Vienas Levio giminės vyras pasirinko ir vedė tos pačios giminės mergaitę.
2Markaasay naagtii uuraysatay oo waxay dhashay wiil; oo markay aragtay inuu ilmo wanaagsan yahay, ayay qarisay in saddex bilood ah.
2Moteris pastojo ir pagimdė sūnų. Kai ji pamatė, koks jis buvo gražus, slėpė jį tris mėnesius.
3Oo markay in dambe qarin kari weyday, ayay waxay soo qaadday abxad caws duur ah, oo intay dhoobo iyo daamur ku malaastay ayay wiilkii ku ridday, oo waxay dhex gelisay duur webiga qarkiisa ka baxay.
3Negalėdama ilgiau jo slėpti, ji paėmė iš papiruso nendrių nupintą krepšį, ištepė jį derva ir sakais, įdėjo į jį kūdikį ir nunešusi padėjo nendryne prie upės kranto.
4Walaashiisna waxay taagnayd meel ka fog, inay ogaato waxa isaga lagu samayn doono.
4Jo sesuo atsistojo kiek toliau, norėdama pamatyti, kas atsitiks.
5Markaasaa gabadhii Fircoon webiga timid inay ku maydhato. Gabdhihii addoommada u ahaana waxay socdeen webigii dhinaciisa. Markaasay iyadu waxay aragtay abxadda duurka ku dhex jirta, oo waxay u diratay gabadhii addoonta u ahayd inay u keento.
5Faraono duktė atėjo prie upės praustis. Jos tarnaitės vaikščiojo upės pakraščiu. Ji pamatė nendryne pintinę ir pasiuntė tarnaitę ją atnešti.
6Markaasay furtay, oo waxay aragtay wiilkii; oo bal eeg, yarkii waa ooyay. Kolkaasay u naxariisatay, oo waxay tidhi, Kanu waa carruurtii Cibraaniyada midkood.
6Atidarius ją, rado verkiantį berniuką. Jai pagailo jo ir ji tarė: “Šitas yra vienas iš hebrajų kūdikių!”
7Markaasaa walaashiis waxay gabadhii Fircoon ku tidhi, Ma kuugu yeedhaa naagaha Cibraaniyadaha middood inay kuu nuujiso ilmaha?
7Jo sesuo tarė faraono dukteriai: “Ar norėtum, kad surasčiau hebrajų moterį, kuri maitintų kūdikį?”
8Gabadhii Fircoonna waxay ku tidhi iyadii, Haah, tag. Gabadhiina way tagtay oo waxay u yeedhay yarkii hooyadiis.
8Faraono duktė jai atsakė: “Eik”. Mergaitė nuėjus pakvietė kūdikio motiną.
9Markaasaa gabadhii Fircoon waxay ku tidhi iyadii, Tag, oo ilmahan qaad oo ii nuuji, oo anna waxaan ku siin doonaa mushahaaradaada. Markaasay naagtii yarkii qaadday oo nuujisay.
9Tada Faraono duktė tarė jai: “Imk šitą kūdikį ir maitink jį! Aš mokėsiu tau už tai”. Moteris paėmė kūdikį ir maitino jį.
10Yarkiina waa koray, markaasay u keentay gabadhii Fircoon, oo wuxuu noqday wiilkeedii. Oo waxay magiciisii u bixisay Muuse, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, anaa biyihii ka soo bixiyey.
10Berniukui paaugus, ji nunešė jį faraono dukteriai. Ji įsūnijo berniuką ir pavadino Moze, sakydama: “Aš jį ištraukiau iš vandens!”
11Oo waayahaas, markii Muuse weynaaday, waxay noqotay inuu walaalihiis u soo baxay, oo uu fiiriyey culaabta saaran. Markaasuu wuxuu arkay mid Masri ah oo dilaya mid Cibraani ah oo walaalihiis ka mid ah.
11Kartą Mozė, jau užaugęs, išėjo pas savo brolius ir pamatė jų naštas. Ir jis pamatė egiptietį bemušantį hebrają, vieną iš jo brolių.
12Markaasuu iska fiiriyey xagga iyo xagga, oo markuu arkay inaan ciduna joogin ayuu Masrigii kaw kaga siiyey, oo ciidda ku qariyey.
12Apsidairęs ir nieko nematydamas, jis užmušė tą egiptietį ir užkasė jį smėlyje.
13Markaasuu haddana maalintii labaad soo baxay, oo wuxuu arkay laba nin oo Cibraaniyo ah oo isla diriraya; oo kii gardarnaa buu wuxuu ku yidhi, War maxaad u dilaysaa wadaygaa?
13Išėjęs kitą dieną, pamatė besivaidijančius du hebrajus ir klausė kaltininko: “Kodėl muši savo artimą?”
14Markaasuu wuxuu yidhi, Bal yaa amiir iyo xaakin nooga kaa dhigay? Ma waxaad doonaysaa inaad ii disho sidaad u dishay Masriga? Markaasaa Muuse cabsaday, oo wuxuu isyidhi, Hubaal wixii waa la ogaaday.
14Tas atsakė: “Kas tave paskyrė mūsų kunigaikščiu ir teisėju? Bene nori ir mane užmušti, kaip užmušei egiptietį?” Mozė nusigando ir sakė: “Iš tiesų tai tapo žinoma!”
15Haddaba markii Fircoon waxaas maqlay, ayuu wuxuu doondoonay inuu Muuse nafta ka qaado. Laakiinse Muuse waa ka cararay Fircoon hortiisii, oo wuxuu degay dalka Midyaan, oo ceel buu ag fadhiistay.
15Faraonas, išgirdęs apie tą įvykį, norėjo Mozę nužudyti. Bet Mozė pabėgo nuo faraono ir apsigyveno Midjano šalyje. Vieną dieną, sėdint jam prie šulinio,
16Haddaba wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood.
16midjaniečių kunigo septynios dukterys atėjusios sėmė vandenį ir pylė į lovius, norėdamos pagirdyti savo tėvo avis.
17Markaasaa adhijirro yimaadeen oo ka eryeen, laakiinse Muuse intuu istaagay, ayuu caawiyey iyagii, oo idahoodii u waraabiyey.
17Atėję piemenys jas nuvarė. Tada Mozė atsistojo, apgynė mergaites ir pagirdė jų avis.
18Oo markay u yimaadeen Recuu'eel oo aabbahood ah ayuu wuxuu ku yidhi, Waa sidee, maanta waad soo dhaqsateene?
18Joms sugrįžus pas savo tėvą Reuelį, jis paklausė: “Kodėl šiandien taip anksti parėjote?”
19Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey.
19Jos atsakė: “Vienas egiptietis mus apgynė nuo piemenų. Be to, jis sėmė vandenį ir pagirdė avis.
20Markaasuu wuxuu gabdhihiisii ku yidhi, Isagii meeyey? De maxaad ninkii uga soo kacdeen? U yeedha, kibis ha cunee.
20Tėvas tarė savo dukterims: “Kur jis yra? Kodėl palikote tą vyrą? Pakvieskite jį valgyti su mumis”.
21Muusena raalli buu ka ahaa inuu ninkaas la joogo, oo isagu wuxuu Muuse siiyey gabadhiisii Siforaah.
21Mozė sutiko gyventi pas Reuelį ir vedė jo dukterį Ciporą.
22Oo waxay u dhashay wiil, markaasuu magiciisii wuxuu u bixiyey Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad.
22Ji pagimdė sūnų, kurį Mozė pavadino Geršomu, sakydamas: “Tapau ateivis svetimoje šalyje”.
23Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed.
23Praėjus daug laiko, mirė Egipto karalius. Izraelio vaikai vaitojo dėl vergystės ir šaukė, ir jų šauksmas pasiekė Dievą.
24Ilaahna waa maqlay cabaadkoodii, markaasaa Ilaah xusuustay axdigiisii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.Markaasaa Ilaah arkay reer binu Israa'iil, Ilaahna wuu ogaaday xaalkoodii.
24Dievas išgirdo jų vaitojimą ir atsiminė savo sandorą su Abraomu, Izaoku ir Jokūbu.
25Markaasaa Ilaah arkay reer binu Israa'iil, Ilaahna wuu ogaaday xaalkoodii.
25Ir Dievas pažvelgė į Izraelio vaikus, ir ėmė jais rūpintis.