1Haddaba waa kuwan magacyadii wiilashii Israa'iil, oo Masar yimid; nin walba iyo reerkiisiiba waxay la yimaadeen Yacquub.
1Šitie yra vardai Izraelio sūnų, kurie atėjo į Egiptą kartu su Jokūbu, kiekvienas su savo šeimomis:
2Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,
2Rubenas, Simeonas, Levis, Judas,
3Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,
3Isacharas, Zabulonas, Benjaminas,
4Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.
4Danas, Neftalis, Gadas ir Ašeras.
5Oo dadkii ka soo go'ay xanjaadkii Yacquub oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan qof; Yuusufna Masar buu markii hore joogay.
5Iš Jokūbo kilusių buvo septyniasdešimt sielų. Juozapas jau buvo Egipte.
6Yuusufna, iyo walaalihiis, iyo farcankaas oo dhanba way wada dhinteen.
6Ir numirė Juozapas, visi jo broliai ir visa ta karta.
7Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.
7Izraelitai buvo vaisingi, labai pagausėjo, išsiplėtė ir tapo galingi; jie pripildė visą kraštą.
8Haddaba Masar waxaa ka kacay boqor cusub oo aan Yuusuf aqoonin.
8Egiptą pradėjo valdyti naujas karalius, kuris nieko nežinojo apie Juozapą.
9Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega, dadkii reer binu Israa'iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin.
9Jis kalbėjo savo tautai: “Žiūrėkite, izraelitų tauta yra gausesnė ir galingesnė už mus.
10Kaalaya, aynu si caqli ah ula macaamiloonnee; waaba intaasoo ay tarmaan, oo ay markuu dagaal dhaco cadaawayaasheenna inoogu darmadaan, oo intay inala diriraan ay dalka ka baxaane.
10Pasielkime išmintingai su jais, kad jie nebesiplėstų. Jei kiltų karas, kad jie neprisijungtų prie mūsų priešų, nekariautų prieš mus ir nepasitrauktų iš šalies”.
11Haddaba sidaas daraaddeed ayay niman madax uga dhigeen si ay culaabtooda ugu dhibaan, oo waxay Fircoon u dhiseen magaalooyin wax lagu kaydiyo oo la yidhaahdo Fitom iyo Racmeses.
11Egiptiečiai paskyrė jiems prižiūrėtojus, kad juos prislėgtų sunkiais darbais. Jie pastatė faraonui sandėlių miestus Pitomą ir Ramzį.
12Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen.
12Bet kuo labiau egiptiečiai spaudė juos, tuo labiau jie gausėjo ir plito taip, kad egiptiečiai pradėjo bijoti izraelitų.
13Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan,
13Egiptiečiai vertė izraelitus tarnauti be gailesčio,
14oo waxay naftoodii ku dhibeen hawl aad u adag, oo ahayd dhoobo la qaso, iyo leben, iyo hawl kasta oo beeraha laga qabto, oo hawl kastoo ay ku qasbeen inay qabtaanba way ku qaxri jireen.
14apkartino jų gyvenimą sunkia vergyste prie molio, plytų bei visokių ūkio darbų ir juos negailestingai spaudė.
15Markaasaa boqorkii Masar wuxuu la hadlay umulisooyinkii Cibraaniyadaha ahaa, oo middood magaceeda Shifraah la odhan jiray, tan kale magaceedana Fuwah la odhan jiray,
15Egipto karalius įsakė hebrajų pribuvėjoms, kurių viena vadinosi Šifra ir kitaPūva:
16oo wuxuu ku yidhi, Markii aad umulinaysaan naagaha Cibraaniyadaha, oo aad aragtaan iyagoo gambarka umusha fadhiya, haddii uu wiil yahay, waa inaad dishaan, haddayse gabadh tahay, ha iska noolaato.
16“Pašauktos prie hebrajų moterų gimdymo, žiūrėkite, kas gims: jei sūnus, nužudykite jį, bet jei duktėtegyvena!”
17Laakiinse umulisooyinkii Ilaah bay ka cabsadeen, mana ay samayn wixii boqorkii Masar ku amray, ee way badbaadiyeen carruurtii labka ahayd.
17Tačiau pribuvėjos bijojo Dievo ir nevykdė Egipto karaliaus įsakymo, bet palikdavo berniukus gyvus.
18Markaasaa boqorkii Masar u yeedhay umulisooyinkii, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan u samayseen, oo aad u badbaadiseen carruurtii labka ahayd?
18Egipto karalius, tai sužinojęs, pasišaukė pribuvėjas ir joms tarė: “Kodėl jūs nevykdote įsakymo ir paliekate berniukus gyvus?”
19Markaasaa umulisooyinkii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Maxaa yeelay, naagaha Cibraaniyaduhu la mid ma aha naagaha Masriga, oo waa ka dhaqso badan yihiin, oo intii aan umulisooyinku u iman bay umulaan.
19Pribuvėjos atsakė faraonui: “Hebrajų moterys ne tokios kaip egiptietės, jos stiprios ir pagimdo prieš pribuvėjai ateinant”.
20Haddaba Ilaah si wanaagsan buu u sameeyey umulisooyinkii, dadkiina waa tarmay, oo aad bay u xoogaysteen.
20Todėl Dievas darė gera pribuvėjoms. Tauta gausėjo ir pasidarė labai galinga.
21Oo waxay noqotay, in Ilaah umulisooyinkii reero u yeelay, maxaa yeelay, Ilaah bay ka cabsadeen.Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan.
21Kadangi pribuvėjos bijojo Dievo, Jis suteikė joms palikuonių.
22Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan.
22Faraonas įsakė visai tautai: “Kiekvieną berniuką, gimusį hebrajams, meskite į upę, o mergaites palikite gyvas!”