1Markaasaa Yuusuf ku dhacay wejigii aabbihiis, wuuna ooyay oo dhunkaday.
1Juozapas puolė prie savo mirusio tėvo, verkė ir jį bučiavo.
2Kolkaasaa Yuusuf wuxuu addoommadiisii dhakhtarrada ahaa ku amray inay aabbihiis meydkiisa dawo mariyaan, markaasay dhakhtarradii Israa'iil dawo mariyeen.
2Jis paliepė savo tarnams gydytojams išbalzamuoti tėvą. Ir gydytojai išbalzamavo Izraelį.
3Oo waxaa u dhammaaday afartan maalmood, waayo, sidaasay maalmaha dawomarintu ugu dhammaan jireen. Masriyiintiina waxay isaga u ooyayeen toddobaatan maalmood.
3Praėjo keturiasdešimt dienų, nes tiek laiko užtrunka balzamavimas. Egiptiečiai jį apraudojo septyniasdešimt dienų.
4Oo markii maalmihii loo ooyayay isaga ay dhammaadeen ayaa Yuusuf la hadlay reerkii Fircoon oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye haddaad haatan raalli iga tihiin, Fircoon iila hadla oo waxaad ku tidhaahdaan,
4Pasibaigus apraudojimo laikui, Juozapas kalbėjo faraono namiškiams: “Jeigu radau jūsų akyse malonę, pasakykite faraonui,
5Aabbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa.
5kad mano tėvas mane prisaikdino palaidoti jį jo kape, kurį jis išsikasė Kanaano žemėje. Teišleidžia mane eiti ir palaidoti savo tėvą, o po to sugrįšiu”.
6Markaasaa Fircoon ku yidhi, Tag oo aabbahaa u soo aas siduu kugu dhaariyey.
6Faraonas atsakė: “Eik ir palaidok savo tėvą, kaip esi prisaikdintas”.
7Markaasaa Yuusuf tegey inuu aabbihiis soo aaso; oo waxaana isagii raacay addoommadii Fircoon oo dhan, iyo odayaashii reerkiisa, iyo odayaashii dalka Masar oo dhan,
7Juozapas išėjo laidoti savo tėvo; su juo keliavo visi faraono tarnai, jo namų prievaizdai, visi Egipto šalies vyresnieji,
8iyo reerkii Yuusuf oo dhan, iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis. Waxaa keliyahoo ay dalkii Goshen kaga tageen dhallaankoodii, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii.
8visi Juozapo namiškiai, jo broliai ir visi jo tėvo namiškiai. Tik jų vaikai, avys ir galvijai liko Gošeno krašte.
9Waxaana isagii raacay gaadhifardoodyo, iyo fardooley; oo waxay ahaayeen guuto aad u weyn.
9Be to, su juo traukė vežimai ir raiteliai; taip susidarė labai didelis būrys.
10Markaasay waxay yimaadeen goobtii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Aataad, oo Webi Urdun ka shishaysay, oo halkaasay ku baroorteen baroor aad u weyn oo daran; oo aabbihiis buu toddoba maalmood oo loo baroortay u dhigay.
10Atėję prie Goren Haatado klojimo anapus Jordano, jie garsiai ir graudžiai raudojo; jie raudojo dėl tėvo septynias dienas.
11Oo markii dadkii reer Kancaan oo dalka degganaa ay arkeen baroortii ka dhacday goobtii Aataad ayay waxay yidhaahdeen, Tanu waa baroor ku xun Masriyiinta. Oo sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Aabeel Masriyiin, oo waxay ka shishaysaa Webi Urdun.
11Tos šalies gyventojai kanaaniečiai, matydami tokias raudas prie Goren Haatado klojimo, sakė: “Tai yra didelis gedulas egiptiečiams”. Todėl tą vietą jie praminė Abelmizraimu, kuris yra anapus Jordano.
12Wiilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga,
12Jo sūnūs padarė taip, kaip tėvas jiems buvo įsakęs.
13maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.
13Jie jį nugabeno į Kanaano šalį ir palaidojo Machpelos lauko oloje.Tą lauką, esantį ties Mamre, Abraomas nupirko iš hetito Efrono kapinėms.
14Yuusufna markuu aabbihiis aasay ka dib, wuxuu ku noqday Masar, isagii iyo walaalihiis, iyo kulli intii isaga u raacday oo dhan inay aabbihiis la soo aasaan.
14Palaidojęs tėvą, Juozapas sugrįžo į Egiptą su broliais ir visais, kurie buvo nukeliavę su juo tėvo laidoti.
15Oo markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan.
15Jokūbui mirus, Juozapo broliai bijojo ir kalbėjosi: “Galbūt Juozapas pradės neapkęsti mūsų ir atkeršys mums už visas piktadarystes, kurias jam padarėme”.
16Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi,
16Jie nusiuntė jam tokią žinią: “Tavo tėvas prieš mirdamas liepė mums,
17Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen.
17kad sakytume tau: ‘Atleisk savo broliams jų nusikaltimą ir nuodėmę, nes jie piktai su tavimi pasielgė!’ Taigi dabar prašome: atleisk tavo tėvo Dievo tarnų nusikaltimą”. Juozapas verkė girdėdamas šiuos žodžius.
18Walaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada.
18Po to jie nuėjo pas jį ir, parpuolę prieš jį, sakė: “Mes esame tavo vergai!”
19Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, ma anaa Ilaah meeshiisii jooga?
19Juozapas jiems atsakė: “Nebijokite! Argi aš užimu Dievo vietą?
20Idinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo.
20Nors jūs man norėjote blogo, Dievas tai pavertė į gera, norėdamas įvykdyti, ką šiandien matomeišgelbėti daugybę žmonių.
21Haddaba ha cabsanina. Anigu waan idin quudin doonaa idinka iyo dhallaankiinnaba. Wuuna qalbi qaboojiyey oo si raxmad leh ula hadlay.
21Todėl dabar nebijokite! Aš maitinsiu jus ir jūsų vaikus”. Taip jis guodė ir ramino juos.
22Oo Yuusufna dalkii Masar buu degganaa, isaga iyo reerkii aabbihiisba; oo wuxuu Yuusuf noolaa boqol iyo toban sannadood.
22Juozapas ir jo tėvo namiškiai liko gyventi Egipte. Juozapas gyveno šimtą dešimt metų.
23Yuusufna qarnigii saddexaad oo carruurtii Efrayim ayuu arkay; oo carruurtii Maakiir ina Manasehna waxay ku kor dhasheen Yuusuf lowyihiisii.
23Jis matė Efraimo vaikus iki trečios kartos. Taip pat ir Manaso sūnaus Machyro sūnūs buvo padėti Juozapui ant kelių.
24Oo Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa, oo dalkan idinka kaxayn doonaa, oo wuxuu idin geeyn doonaa dalkii uu ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.
24Juozapas sakė savo broliams: “Aš mirštu. Dievas tikrai aplankys jus ir išves iš šitos žemės į kraštą, kurį Jis prisiekdamas pažadėjo Abraomui, Izaokui ir Jokūbui”.
25Yuusuf wuxuu dhaariyey reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaaye, idinkuna waa inaad lafahayga halkan ka qaaddaan.Yuusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.
25Po to Juozapas prisaikdino Izraelio vaikus: “Tikrai Dievas aplankys jus ir jūs išnešite iš čia mano kaulus”.
26Yuusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.
26Juozapas mirė, sulaukęs šimto dešimties metų. Jie išbalzamavo jį ir paguldė į karstą Egipte.