Somali

Lithuanian

Exodus

20

1Markaasaa Rabbigu erayadan oo dhan ku hadlay, isagoo leh,
1Dievas kalbėjo visus šiuos žodžius:
2Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
2“Aš esu Viešpats, tavo Dievas, kuris tave išvedžiau iš Egipto žemės, iš vergijos namų.
3Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.
3Neturėk kitų dievų šalia manęs.
4Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.
4Nedaryk sau jokio drožinio nei jokio atvaizdo to, kas yra aukštai danguje, žemai žemėje ar po žeme vandenyje.
5Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,
5Nesilenk prieš juos ir netarnauk jiems! Nes Aš, Viešpats, tavo Dievas, esu pavydus Dievas, baudžiąs vaikus už tėvų kaltes iki trečios ir ketvirtos kartos tų, kurie manęs nekenčia,
6oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.
6bet rodąs gailestingumą iki tūkstantosios kartos tiems, kurie mane myli ir laikosi mano įsakymų.
7Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.
7Netark Viešpaties, savo Dievo, vardo be reikalo, nes Viešpats nepaliks be kaltės to, kuris be reikalo mini Jo vardą.
8Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.
8Atsimink sabato dieną, kad ją švęstum.
9Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,
9Šešias dienas dirbk ir atlik visus savo darbus,
10laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;
10o septintoji diena yra sabatas Viešpačiui, tavo Dievui. Joje nevalia dirbti jokio darbo nei tau, nei tavo sūnui ar dukteriai, nei tavo tarnui ar tarnaitei, nei tavo gyvuliui, nei ateiviui, kuris yra tavo namuose,
11waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan, kolkaasuu nastay maalintii toddobaad, sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu u barakeeyey maalintii sabtida ahayd oo quduus uga dhigay.
11nes per šešias dienas Viešpats sukūrė dangų, žemę, jūrą ir visa, kas juose yra, o septintąją dieną ilsėjosi. Todėl Viešpats palaimino sabatą ir pašventino jį.
12Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, in cimrigaagu ku dheeraado dhulka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.
12Gerbk savo tėvą ir motiną, kad ilgai gyventum žemėje, kurią Viešpats Dievas tau duoda.
13Waa inaanad qudh gooyn.
13Nežudyk.
14Waa inaanad sinaysan.
14Nesvetimauk.
15Waa inaanad waxba xadin.
15Nevok.
16Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.
16Neliudyk neteisingai prieš savo artimą.
17Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.
17Negeisk savo artimo namų, negeisk savo artimo žmonos, nei jo tarno, nei tarnaitės, nei jaučio, nei asilo—nieko, kas yra tavo artimo”.
18Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen onkodkii iyo hillaacii, iyo codkii buunka, iyo buurtii qiiqaysay; oo markii dadkii arkay ayay gariireen, oo meel fog istaageen.
18Visi žmonės girdėjo griaustinį ir trimito garsą, matė žaibus ir rūkstantį kalną. Matydami tai žmonės atsitraukė ir stovėjo atokiai.
19Kolkaasay waxay Muuse ku yidhaahdeen, Adigu nala hadal, oo annana waannu ku maqli doonnaa, laakiinse Ilaah yuusan nala hadlin, waaba intaasoo aannu dhimannaaye.
19Jie sakė Mozei: “Tu kalbėk su mumis! Mes klausysime. Tačiau tenekalba su mumis Dievas, kad nemirtume!”
20Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, Ilaah wuxuu u yimid inuu idin tijaabiyo, iyo in ka cabsashadiisu idinku jirto, si aydnaan u dembaabin.
20Mozė atsakė žmonėms: “Nebijokite! Dievas atėjo tam, kad jus išmėgintų, ir kad Jo baimė būtų prieš jus ir jūs nenusidėtumėte”.
21Markaasaa dadkii waxay istaageen meel fog, Muusena wuxuu u soo dhowaaday gudcurkii qarada weynaa oo Ilaah joogay.
21Žmonės stovėjo toli, o Mozė priartėjo prie tamsaus debesies, kur buvo Dievas.
22Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinka qudhiinnu waad aragteen inaan samada idinkala hadlay.
22Viešpats liepė Mozei pasakyti izraelitams: “Jūs patys girdėjote, kad Aš iš dangaus kalbėjau su jumis.
23Haddaba waa inaydnaan yeelan ilaahyo kale aniga mooyaane; oo ilaahyo lacag ah iyo ilaahyo dahab ah waa inaydnaan samaysan.
23Nedarykite šalia manęs sau sidabrinių ar auksinių dievų.
24Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa.
24Padaryk man iš žemės aukurą ir aukok ant jo deginamąsias ir padėkos aukas, savo avis ir galvijus. Kiekvienoje vietoje, kurioje bus minimas mano vardas, Aš ateisiu ir laiminsiu tave.
25Oo haddaad meel allabari dhagax iiga samayso, waa inaadan dhagax qoran ka dhisin, waayo, haddaad alaabtaada taabsiisid waad nijaasaysay.Ama waa inaanad meeshayda allabariga sallaan ku fuulin, si aan cawradaadu uga muuqan.
25O jei man statysi akmeninį aukurą, nestatyk jo iš tašytų akmenų, nes, naudodamas įrankį, suterši jį.
26Ama waa inaanad meeshayda allabariga sallaan ku fuulin, si aan cawradaadu uga muuqan.
26Taip pat nelipk laiptais prie mano aukuro, kad nebūtų atidengtas tavo nuogumas”.