1Haddaba kuwanu waa amarradii aad hortooda dhigi lahayd.
1“Tai nuostatai, kuriuos jiems pateiksi.
2Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.
2Jei pirksi vergą hebrają, jis tau tarnaus šešerius metus, o septintaisiais paleisi jį be išpirkimo.
3Oo hadduu keli ahaantiis ku soo galo, haddana keli ahaantiis ha ku baxo, hadduuse naag qabo, de markaas waa inay naagtiisu isaga la baxdaa.
3Jei jis atėjo vienas, vienas teišeina. Jei atėjo vedęs, jo žmona teišeina su juo.
4Haddii sayidkiisu naag siiyona, oo ay wiilal iyo gabdho u dhasho, de markaas naagta iyo carruurteedaba waxaa iska lahaanaya sayidkeedii, oo waa inuu isagu keligiis iska baxaa.
4Jei jo šeimininkas davė jam žmoną ir ji pagimdė sūnų ir dukterų, žmona ir jos vaikai lieka šeimininkui, o jis vienas teišeina.
5Laakiinse haddii addoonku bayaan u yidhaahdo, Anigu waan jeclahay sayidkayga, iyo naagtayda, iyo carruurtayda, oo anigoo xor ah bixi maayo,
5Bet jei vergas aiškiai pasakys: ‘Aš myliu savo šeimininką, žmoną bei vaikus ir atsisakau laisvės’,
6de markaas waa in sayidkiisu xaakinnada u keenaa, oo waa inuu albaabka ag keenaa, ama tiirka albaabka; markaas sayidkiisu dhegta mudac ha kaga dalooliyo; oo weligiis ha u adeego.
6tai jo šeimininkas atves jį pas teisėjus, prives jį prie durų arba prie durų staktos ir perdurs yla jo ausį; ir jis liks jam tarnauti visą gyvenimą.
7Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.
7Jei kas parduoda savo dukterį vergijon, ji neišeis, kaip išeina vergai.
8Oo haddaanay raalli gelin sayidkeedii doonay iyada, de markaas waa inuu sii daayo iyada, ha la madax furto, laakiinse amar uma lahaan doono inuu iyada dad qalaad ka iibiyo, waayo, khiyaano ayuu kula macaamilooday iyada.
8Jei ji nepatinka šeimininkui, kuris su ja susižadėjo, jis turi leisti ją išpirkti. Jis neturi teisės parduoti jos svetimšaliams, nes apgavo ją.
9Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.
9O jei jis sužadėjo ją su savo sūnumi, privalo elgtis su ja kaip su dukterimi.
10Oo hadduu naag kale la guursado, waa inuusan inna ka dhimin masruufkeeda, iyo dharkeeda, iyo xaqa naagnimadeeda.
10Jei jis paims jam kitą, jis neturi teisės sumažinti jai maisto, rūbų ir santuokinių teisių.
11Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.
11Jei jis neatlieka jai šitų trijų dalykų, ji išeis be išpirkimo mokesčio.
12Kii nin wax ku dhufta si uu ninku u dhinto, isagana hubaal waa in la dilaa.
12Kas sumuša žmogų taip, kad jis miršta, tas baudžiamas mirtimi.
13Oo haddii aanu gaadin, laakiinse Ilaah u dhiibo gacantiisa, de markaas anaa kuu samayn doona meel uu ku cararo.
13O jei žmogus negalvojo žudyti, bet Dievas atidavė jį į jo rankas, tai Aš paskirsiu vietą, kur jis galėtų pabėgti.
14Oo haddii nin kibir ula badheedho inuu deriskiisa khiyaano ku dilo, waa inaad isaga ka waddaa meeshayda allabariga, ha dhintee.
14Jei kas savo artimą tyčiomis nužudo panaudodamas klastą, tą paimk ir nuo mano aukuro, kad jis mirtų.
15Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.
15Kas suduoda savo tėvui arba motinai, tas baudžiamas mirtimi.
16Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.
16Kas pavagia žmogų ir parduoda jį, ar jis surandamas pas jį, baudžiamas mirtimi.
17Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.
17Kas keikia savo tėvą ar motiną, tas baudžiamas mirtimi.
18Oo haddii niman diriraan, oo midkood kan kale dhagax ama feedh ku dhufto, oo uusan dhiman, laakiinse uu sariir ku jiif noqdo;
18Jei vyrams susivaidijus, vienas taip sumuša kitą akmeniu ar kumščiu, kad tas nemiršta, bet atsigula į lovą,
19kaasu hadduu mar kale sara kaco oo uu dibadda u baxo isagoo ushiisa ku tukubaya, markaas kii wax ku dhuftay eed ma leh, laakiinse waa inuu siiyaa wixii ka khasaaroobay intuu jiifay, waana inuu dhaqaaleeyo ilaa uu ka bogsado.
19ir jeigu jis atsikelia ir pasiremdamas lazda gali vaikščioti, sumušėjas nebaudžiamas, tik privalo atlyginti už sugaištą laiką ir sumokėti visas gydymo išlaidas.
20Haddii nin addoonkiisa ama addoontiisa uu ul ku dhufto, oo uu gacantiisa ku dhinto, kaas hubaal waa in la ciqaabaa.
20Jei kas taip sumuša vergą ar vergę lazda, kad tas tuojau miršta,bus nubaustas.
21Kan la dilayse hadduu maalin ama laba sii joogo, de markaas waa inaan la ciqaabin, waayo, isagu waa lacagtiisii.
21O jei jis išgyvena vieną ar dvi dienas, jis nebaudžiamas, nes vergas yra jo nuosavybė.
22Oo haddii niman diriraan oo ay wax yeelaan naag uur leh, oo uu ilmaheedu ka soo dhaco, laakiinse dhib kale aanu dhicin, kaas waa in lagu ganaaxaa intii ninkii naagta qabay uu kor saaro, oo waa inuu bixiyaa intii xaakinnadu ku xukumaan.
22Jei vyrai vaidijasi ir užgauna nėščią moterį ir ji persileidžia, bet jos pačios nesužaloja, tada užgavėjas baudžiamas pinigine bauda, kokią jam paskiria tos moters vyras, teisėjams tarpininkaujant.
23Laakiinse haddii dhib kale dhacdo, waa inaad naf naf u dishaa,
23Bet jei sužalojagyvybė už gyvybę,
24oo waa inaad il il u riddaa, iligna ilig u riddaa, gacanna gacan u gooysaa, cagna cag u gooysaa,
24akis už akį, dantis už dantį, ranka už ranką, koja už koją,
25oo kii wax guba, gub, kii wax dhaawacana, dhaawac, kii wax karbaashana, karbaash.
25nudeginimas už nudeginimą, žaizda už žaizdą, randas už randą.
26Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed.
26Jei kas išmuša savo vergui ar vergei akį, jis privalo už tai paleisti jį laisvėn.
27Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.
27Jei jis išmuša savo vergui ar vergei dantį, jis privalo už tai paleisti jį laisvėn.
28Oo haddii dibi nin ama naag geeso ku mudo, oo ay dhintaan, markaas hubaal waa in dibiga la dhagxiyaa, oo hilibkiisana waa inaan la cunin; laakiinse qofkii dibiga lahaa waxba eed ma leh.
28Jei jautis taip subado vyrą ar moterį, kad tas miršta, jautį užmuškite akmenimis ir nevalgykite jo mėsos. Tačiau jaučio savininkas yra nekaltas.
29Laakiinse haddii markii hore dibigu dad geesaha ku mudi jiray, oo loo sheegay qofkii lahaa, isaguse aanu xidhin, laakiinse uu dibigu nin ama naag dilay, dibiga waa in la dhagxiyaa, oo weliba qofkii lahaana waa in isna la dilaa.
29Bet jeigu jautis jau anksčiau badydavo ir jo savininkas buvo įspėtas, tačiau jo neuždarė, ir jei jis mirtinai subadė vyrą ar moterį, jautį užmuškite akmenimis, o jo savininką taip pat bauskite mirtimi.
30Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed.
30O jei jam bus leista išsipirkti, jis mokės išpirką už savo gyvybę tiek, kiek jam bus paskirta.
31Hadduu wiil geeso ku muday iyo hadduu gabadh geeso ku mudayba waa in xukunkan lagu qaadaa.
31Jei jautis subado sūnų ar dukterį, laikykitės tos pačios taisyklės.
32Oo haddii dibigii geeso ku mudo nin addoon ah ama naag addoon ah, waa inuu ninkii dibiga lahaa sayidkoodii soddon sheqel oo lacag ah siiyaa, oo dibigana waa in la dhagxiyaa.
32Jei jautis subado vergę ar vergą, tai savininkas sumokės vergo šeimininkui trisdešimt šekelių sidabro, o jautį užmuškite akmenimis.
33Oo haddii nin god daboolka ka qaado, ama haddii nin god qodo oo uu dabooli waayo, oo uu ama dibi ama dameer ku dhaco,
33Jei kas atidengia duobę arba jei kas iškasa duobę, bet jos neuždengia, ir į ją įkrinta jautis ar asilas,
34de markaas waa in ninkii godka lahaa xaq mariyaa. Waa inuu lacag siiyaa ninkii neefka lahaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.
34duobės savininkas atlygins nuostolį, sumokėdamas pinigus gyvulio savininkui, o nugaišęs gyvulys liks jam.
35Oo haddii nin dibigiis nin kale dibigiis wax yeelo oo uu dhinto, de markaas waa inay dibiga nool iibiyaan, oo qiimihiisa waa inay qaybsadaan; oo weliba kan dhintayna waa inay qaybsadaan.Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.
35Jei kieno jautis taip sužaloja kito jautį, kad tas nugaišta, tai jie parduos gyvąjį jautį ir pasidalins už jį gautus pinigus. Taip pat jie pasidalins ir nugaišusį gyvulį.
36Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.
36O jei buvo žinoma, kad jautis jau anksčiau badydavo ir savininkas jo neuždarė, tai jis atiduos jautį už jautį, o nugaišęs priklausys jam”.