Somali

Lithuanian

Exodus

22

1Haddii nin dibi ama lax xado, oo uu qasho ama iibiyo, waa inuu shan dibi dibigii ku magdhabo, laxdiina afar laxaad.
1“Jei kas pavagia jautį ar avį ir jį papjauna ar parduoda, jis sugrąžins penkis jaučius už jautį ir keturias avis už avį.
2Haddii tuug la helo isagoo guri u dhacaya, oo inta wax lagu dhufto uu dhinto, markaas kii dilay dhiig eed kuma laha.
2Jei kas užklumpa vagį besilaužiantį ir suduoda jam taip, kad tas numiršta, jis nebaudžiamas už pralietą kraują.
3Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.
3Jei jis tai padarytų dienos metu, jis kaltinamas už pralietą kraują. Vagis privalo viską atlyginti. Jei jis nieko neturi, jį parduosite už vagystę.
4Haddiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.
4Jei pas jį randamas dar gyvas pavogtas jautis ar avis, jis atlygins dvigubai.
5Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.
5Jei kas nugano lauką ar vynuogyną ir leidžia savo gyvulius ganytis svetimame lauke, tas privalo atlyginti geriausiu, kas yra jo paties lauke ar vynuogyne.
6Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.
6Jei ugnis išsiplečia ir apima erškėčius, ir sudega sustatyti pėdai ar tebeaugantys javai lauke, tai tas, kuris užkūrė ugnį, atlygina visą nuostolį.
7Haddii nin deriskiisa lacag ama alaab ammaano ugu dhiibto, oo ninka gurigiisii laga xado, oo markaas tuuggii la helo, waa inuu labanlaab u magdhabaa.
7Jei kas paveda savo artimui saugoti pinigus ar kitokius daiktus ir jie pavagiami iš jo namų, tai, suradus vagį, jis privalo dvigubai atlyginti.
8Haddiise aan tuuggii la helin, markaas waa in ninkii guriga lahaa xaakinnada u soo dhowaadaa si loo caddeeyo inuu alaabtii deriskiisa fartiisa saaray iyo in kale.
8Jei vagies nesuranda, namų savininką atvesite pas teisėjus, kad ištirtų, ar jis nepridėjo rankos prie savo artimo nuosavybės.
9Waayo, wax kasta oo xadgudub ah ama ha noqdo dibi aawadiis, ama dameer aawadiis, ama lax aawadeed, ama dhar aawadiis, ama wax kasta oo baadi ah, haddii la leeyahay, Waa kan, waa in labada qolo arrintooda xaakinnada la hor keenaa. Oo midkii xaakinnadu ku xukumaan waa inuu deriskiisa labanlaab ugu magdhabaa.
9Kai kyla ginčas dėl nuosavybės: jaučio, asilo, avies, apsiausto ar dėl bet kokio kito pamesto daikto, apie kurį kitas tvirtina, kad tai jo,­abu privalo ateiti pas teisėjus. Kuris kaltas, privalo dvigubai atlyginti savo artimui.
10Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,
10Jei kas paveda savo artimui saugoti asilą, jautį, avį ar bet kokį gyvulį ir tas, niekam nematant, pastimpa, susižeidžia ar nuvaromas,
11markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.
11tas, kuris saugojo, turi prisiekti prieš Viešpatį, kad nepridėjo rankos prie artimo nuosavybės. Tada savininkas privalo sutikti su tuo ir jis neturės atlyginti nuostolio.
12Laakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.
12O jei bus pavogta iš jo, jis atlygins savininkui.
13Haddiise dugaag bakhtiisto, waa inuu marag ahaan u keenaa, oo wixii dugaaggu bakhtiistay waxba ka magdhabi maayo.
13Jei gyvulį sudrasko žvėrys, jis privalo liekanas atgabenti įrodymui ir jam nereikės atlyginti už tai, kas sudraskyta.
14Oo haddii nin deriskiisa neef ka ammaahdo, oo ay wax gaadhaan amaba uu dhinto, isagoo aan ninkii lahaa la joogin, kaasu hubaal waa inuu magdhabaa.
14Jei kas pasiskolina iš savo artimo ir tai sugadinama ar pastimpa, kai savininko nėra šalia, tai jis privalo atlyginti nuostolį.
15Haddiise kii lahaa la joogay, waa inuusan waxba ka magdhabin, oo hadduu kiro ahaa, kiradiisii waa laga xisaabay.
15Jei savininkas buvo šalia, atlyginti nereikia. Jei buvo išnuomota, reikia sumokėti tik už nuomą.
16Oo haddii nin sasabto gabadh bikrad ah oo aan doonanayn, oo uu iyada la seexdo, de markaas waa inuu yarad ka bixiyo oo uu guursadaa iyada.
16Jei kas suvedžioja mergaitę dar nesužadėtą, jis privalo ją vesti ir duoti jai kraitį.
17Haddiise aabbeheed innaba u diido inuu isaga siiyo, de markaas waa inuu bixiyaa intii gabadh bikrad ah yaradkeedu yahay.
17Jei jos tėvas nesutinka jos išleisti už jo, tai jis sumokės tiek pinigų, kiek mokama kraičiui mergaitei.
18Saaxirad inay sii noolaato waa inaadan u fasaxin.
18Būrėjams neleisi gyviems išlikti.
19Ku alla kii neef u galmooda, hubaal waa in la dilaa.
19Kas santykiauja su gyvuliu, turi būti baudžiamas mirtimi.
20Kii wax u bixiya ilaah kale oo aan Rabbiga keligiis ah ahayn, kaas waa in dhammaantiis la baabbi'iyaa.
20Kas aukoja kitiems dievams, o ne Viešpačiui, turi būti sunaikintas.
21Oo qariib waa inaadan xumayn, ama waa inaadan dulmin, waayo, idinba qariib baad ku ahaydeen dalkii Masar.
21Ateivio neskriausi ir nespausi, nes jūs patys buvote ateiviai Egipto šalyje.
22Waa inaydnaan dhibin carmal, ama ilmo agoon ah.
22Neskriauskite našlės ar našlaičio.
23Oo si kasta ha noqotee haddii aad iyaga dhibtid, oo ay ii qayshadaan hubaal qayladooda waan maqli doonaa,
23Jei juos skriausi ir jie šauksis mano pagalbos, Aš tikrai išklausysiu jų šauksmą.
24oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.
24Tada savo rūstybėje išžudysiu jus kardu: jūsų žmonos liks našlėmis ir vaikai našlaičiais.
25Oo haddaad lacag ammaahisid dadkayga masaakiinta ah oo kula jooga, waa inaadan ku noqon sidii mid dayn ku leh ama waa inaadan waxba kor saarin.
25Jei paskolinsi pinigų mano tautos beturčiui, gyvenančiam šalia tavęs, nepasidaryk lupikas ir neapkrauk jo palūkanomis.
26Haddaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin,
26Jei paimsi kaip užstatą savo artimo apsiaustą, privalai jam grąžinti jį iki saulės laidos.
27waayo, kaasu waa kan qudh ah oo uu isa saari jiray, oo waa dharkii uu huwan jiray, oo muxuu ku seexan doonaa? Oo waxaa dhici doonta in markuu ii qayshado, aan maqli doono, waayo, anigu waan raxmad badnahay.
27Nes tai yra jo vienintelis apsiaustas kūnui pridengti. Kuo kitu jis apsidengs miegodamas? Ir kai jis šauksis manęs, išklausysiu, nes esu gailestingas.
28Waa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.
28Nekalbėk pikta prieš tautos teisėjus ir nekeik tautos vadovo.
29Waa inaadan ka raagin inaad wax ka bixiso midhahaaga badan iyo dheecaanka macsaraddaada. Oo curadyada dadkaagana waa inaad aniga i siisaa.
29Savo javų ir vaisių pirmienų nedelsk pristatyti. Pirmagimį savo sūnų atiduosi man.
30Oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa dibiyadaada iyo idahaaga; toddoba maalmood waa inuu hooyadiis la joogaa, maalinta siddeedaadna waa inaad ii bixisaa.Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.
30Taip pat pasielgsi su savo jaučiais ir avimis. Septynias dienas jis pasiliks prie savo motinos, aštuntąją dieną atiduosi jį man.
31Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.
31Jūs būsite šventi žmonės man, ir žvėries sudraskyto gyvulio nevalgysite; šuniui jį numeskite”.